Faysal Cali-waraabe oo
Madal Furan Markii ugu Horreysay Kaga Jawaabay
Su’aalo aan Waxba Loola Hadhin
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka
ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa markii ugu horreysay madal
furan si toos ah ugaga jawaabay su’aalo aan waxba loola hadhin oo ay
shalay ku harqiyeen ardayda wax ka barata jaamacadaha Hargeysa.
Dood uu xisbiga UCID soo qabanqaabiyey oo shalay ka dhacday huteelka
Summer Time ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgaleen in ka
badan 200 arday oo ka kala socday afarta jaamacadood ee la kala
yidhaa Jaamacadda Hargeysa, Admas, Geeska Afrika iyo Golis, kuwaas
oo su’aal fara badan oo aan loo meeldayin si darandoori ah
Guddoomiyaha ula dhacay.
Kulankan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo guddoomiye xisbi
uu si toos ah dad tiro intaa leeg u horyimaado, isla markaana la
weydiiyo su’aalo noocaas ah, ayaa waxay tirada su’aalaha la
weydiiyey ay gaadhayeen in ka badan 40 su’aalood oo isugu taabanayey
mawduucyo kala duwan sida siyaasadda xisbiga, waxyaabaha uu ka qaban
doono xisbigu haddii uu talada dalka ku guulaysto doorashooyinka soo
socda dhinacyada dhibooyinka haysta dhallinayarada, dhaqaalaha dalka,
wax-soo-saarka, ammaanka, la dagaalanka musuqmaasuqa, kor-u-qaadida
waxbarashada iyo caafimaadka iyo arrimo kale oo aad u fara badan,
kuwaas oo uu Md. Faysal-na dhammaantood si waafi ah uga jawaabay.
Su’aalahaas ardaydu weydiiyeen Guddoomiyaha UCID oo aannu idiinka
soo xulnay intii ugu miisaanka cuslayd iyo jawaabihii uu ka bixiyey
oo faahfaahsani waxay u dhaceen sidan:
Cumar, Jaamacadda Hargeysa; Su’aal: Guddoomiye haddii aad talada
guulaysato ma ogolaanaysaa in dhallinyaradu ka qaybqaataan hoggaanka
dalka oo wax ma ka qabanaysaa qodobka dastuurka ee da’da 35-ka ku
xidhaya?
Faysal Cali, Jawaab: Dastuurkeenu waxa uu ahaa wax degdeg loo
sameeyey, wax laga baaraan degay oo kooram inta loo furay laga
dooday oo dadku wax ku darsaday maaha, markaa waxyaabo badan ayaanu
si cilmiyan ah dastuurka uga beddelaynaa, dhallinayaraduna sida ay
idinkaga dhegtay da’da doorashada uun maahee wax badan ayey u baahan
tahay.
Maxamed Cabdillaahi; Jaamacadda Admas: Maxaa lagu soo hiran karaa ee
xisbigaagu ku qancin karaa bulshoweynta in aannu kursi doon aannu
ahayn ee uu yahay mid u diyaar ah samatobixinta dalka iyo dadka?
Faysal Cali, Jawaab: Horta qofku haddaanu kursi doonin waxba ma
qaban karo, waxqabadka dalkana maaha in Madaxweynaha oo keliya la
eego, waxa lagu qiimeeyaa habka dawladeed ee Madaxweynuhu waa
calaamad ee talada dawladda ayaa leh. Markaa annagu waxaannu ku soo
talogalnay in aannu kursiga qabsano, laakiin dalka beddelno maaha in
aannu dalka cuno oo aannu la seexano.
Cabdiqaadir Muuse, J. Hargeysa; Su’aal: Had iyo meelaha la isugu
yimaado dadka faaleeya arrimaha siyaasadeed waxay kugu eedeeyaan in
aad talada xisbiga garbaha saaratay, markaa arrintaa sideed iskaga
difaacaysaa?
Faysal Cali, Jawaab: Waa waxyaabaha aan jecelahay in aan caddeeyo,
dadkeena inanta yar ee 9 jirka ah iyo aqoonyahanka PhD sidaa hadalka
si bay u wada qabsadaan, laakiin qofku marka wax loo sheego waa inuu
dhuuxaa. Ragga waxan soo saaray ee idinkuna aad ka koobigarayseen
waa muqayiliinta marfashada fadhiya ee aan waxna qorin waxna
akhriyin, anigu awood xisbigu ogolaansho ii siiyey baan ku shaqeeyaa,
Guddoomiye ayaan u ahay, anigaa u Afhayeen ah, hoggaamiye
siyaasadeed ayaan u ahay, Madaxweyne Bush miyaad aragteen cid garab
cararaysa. Markaa nidaamka ayeydaan garanayne sidaas ayuu adduunku u
shaqeeyaa, laakiin idinka ayuu waxani idinku cusub yahay oo waxa
jira niman aan kala adkayn oo qasan oo aan distoor ku socon ee
qabiil ku socda, waa waxa ka taagan axsaabta kale, waad aragteen
KULMIYE shirweyne ayuu samaystay waxa galay qas, qaraxa ka soo socda
UDUB haddii aad ogtihiin Wallaahi dhegahaa idin dillaaci doona.
Meesha uu yaalo horumarku waa meesha uu yaala hoggaanka adagi, anigu
waxaan jeclahay in aan hoggaamiye adag noqdo oo ah qof go’aan
gaadhaya oo nidaamka jecel, waxaanan idhaahdaa ‘nidaamka iyo
ballantu waa diintayda.’
Cabdiqani, J. Hargeysa; Su’aal: Hirdanka siyaasadeed kolba dhinac
ayaad la istaagtaa ee waa maxay mowqifka xisbi ahaan laguugu soo
hagaagi karaa?
Faysal Cali, Jawaab: Horta waaniga idiin sheegayey oo bulshadeena
waxa ina hoggaamiya caamadda. Waxa na xukuma kolba waxa jooga oo
aannu taageerno xisbiga aannu u aragno inuu ku hagaagsan yahay,
maaha macnaheeda haddii aad tahay mucaarad in aad mar walba kala
arti duwanaataan xisbul xukuumiga. Markaa waxa na dacaayadeeya
maalinba xisbiga aannu taageerno maahee ka kale, annaguna dacaayada
ma naqaano oo marfashada ma tango, annagu waxaannu tagnaa meelaha
waxbarashadu taal, tuulooyinka, dadka jilicsan iyo daka buka,
iyaguna waxay tagaan marfashyada.
Axmed Saleebaan Nuur, J. Hargeysa; Su’aal: Barmaamujkaaga quruxda
badan haddii haddii talada aad qabato oo inta aad hayso aad
fulinweydo, waa maxay waxa bulshadu kugula xisaabtamaysaa?
Faysal Cali, Jawaab: Haddii aan talada ku guulaysto, horta anigu
qandaraas ayaan idinla galayaa oo aynu kala saxeexanaynaa, haddii
aad aragtaan in aan fulin waayey markaa heshiiskii wuu jabay ee waa
in aan albaabka ka baxaa, laakiin qolada ay ka dhacday ha ugu
celinina waa iga talo. Waxaannu samayn doonaa qorshayaal fara badan
oo dawladda aannu samayno agaasimaheedu ka qiimo badan yahay
wasiirka dawladda hadda.
Cabdiqani Jaamac, J. Admas; Su’aal: Shirweynihii xisbigaaga waxa
laguugu doortay Guddoomiye, laakiin laguuma dooran murrashaxa
Madaxweynaha ee xisbiga, waayo mar aad Laascaanood joogtay waxaad
tidhi Madaxweyne-ku-xigeenka waxaan siinayaa reer Laascaanood, mar
aad Boorama joogtayna waxaad tidhi waxaan siinayaa reer Borama.
Markaa ma ogoshahay in lagula tartamo?
Faysal Cali, Jawaab: Annaga sharciyaga guddoomiyaha ayuun baa
murrashaxna ah sidaa awgeed baan murrashax u ahay. Tan kale qolada
Laascaanood beri dhawayd oo aan dhiirigelinayey ayaan ku idhi way
idiin furantahay Madaxweyne-ku-xigeenku iminka way u furan tahay
Gabiley, Laacaanood iyo Awdalba. Annagu Madaxweyne-k-xigeenka tartan
gelin mayno sidii qoladan kale oo tartan khasaare ayaa laga qaadaa
waqtigan iminka jooga ee waxaannu samaynaynaa isku tanaasul oo
waxaannu odhanaynaa xisbiga yaa u dan ah oo soo saari kara.
Xamda Faarax Cali J. Admas; Su’aal: Haddii talada dalka aad ku
guulaysato, maxaad ka qabanaysaa dhibaatada dhallinyarada haysata ee
ay ugu weyn tahay shaqo la’aanta qabyaaladaysan?
Faysal Cali, Jawaab: Horta intiina nasiibka heshay ee dugsiyada
gashay waxaannu doonaynaa in aannu midna naga xumaan eek ii aqoon
sare doonaya aannu u dirno, ictiraafka ayaa la inoo diidayey
waxbarasho cidi inoomay diidin ee cid inoo doonta ayeynaa haysan.
Qofkii doonaya inuu dalka maalgashado waxaannu ka daynaynaa 5 sanno
cashuurta.
Maxamed Xasan Dirir, J. Admas; Su’aal: Horumarinta dhaqaalaha dalka
waxa hortaagan arrimo ay ka mid yihiin; qaadka, qabyaaladda, aqoon
la’aanta iyo shaqo la’aanta, markaa side baad wax uga qabanaysaa
arrimahaa?
Faysal Cali, Jawaab: Waa runtaa oo intaad sheegtayba way jiraan,
arrinta qaadka ummad kastaa kastaa balwad bay leedahay oo qofku
wuxuu jecel yahay inuu wax cabo ama cuno, markaa innagu kii ugu
fiicnaa ayey haysanaa. Qaadku bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaaba wuu
ina burburiyey, laakiin sida aannu u yarayno khasaarihiisa waxaannu
kordhinaynaa waqtiga shaqada oo aannu ka dhigaynaa 8 saacadood oo la
shaqeeyo gelin hore iyo mid dambeb, si aan loo helin waqti badan oo
qaadka lagu cuno. Dalka Itoobiya ee uu inooga yimaado waxaannu la
gelaynaa heshiis oo qaadka inta innaga baxda in ka badan in iyaguna
inagaga beddeshaan milixda iyo kalluunka.
Cabdirashiid Muuse Bashiir, J. Geeska Afrika; Su’aal: Afrika ayeynu
ku nool nahay oo waynu wada xukun jecelnahay, saamaynta siyaasadda
Afrikana wax sal u ah milatriga, markaa horta adigu aqoon milatari
oo intee le’eg oo haddii ay wax yimaadaan aad ku xalin karto ayaad
leedahay?
Faysal Cali, Jawaab: Iminka waxaan akhriyaa bug ka hadlaya 50-kii
sanno ee u dambeeyey sida ay Afrika iska horimaadadu uga dhaceen.
Haddii aanu keeno siyaasad caddaalad ah oo hantida dalka dadku u
siman yahay waxaan u malaynayaa inay barwaaqadooda iskaga jiri
doonaan oo aanay waxba dhici doonin. Si aannu xoog ina dumiyaa u soo
bixin waa in aannu xukun wanaagsan samaynaa. Annigu milatari ahaana
beri baan Xalane galayoo markaan xabadda ridayo indhahaan isku qaban
jiray halkaasaan ka taaganahay.
Cabdisamad Xasan Saleebaan, J. Admas; Su’aal: Guddoomiye maxaa ku
dhacay xildhibaanadii Golaha Wakiilada ee ka soo baxya xisbigaaga
kuma shaqeeyaan siyaasadda xisbigee?
Faysal Cali, Jawaab: Horta in xildhibaano soo baxaan oo kuwii hore
la baabiiyo annagaa dagaal weyn u galnay, dadaaalo badan ayaanu
galnay oo aannu siyaasad ay ku shaqeeyaan ugu samayno, dad baa yidhi
Faysal Cali-waraabe wuxuu doonayaa inuu rumuud ku xukumo
xildhibaanada, bal xildhibaan la yidhi waa lagu xukumayaa maxaad u
malayn ooda ayey ka wada daateen. Maanta khasaaraha xildhibaanadu
xisbi qudha ma haysto, UDUB baa iga sii liidata anigu malaha toban
baaban haystaaye, markaa xildhibaanadani waa kuwii aynu ku
barbaranay oo annagana way na gabeen, dalkiina way gabeen, dhulkii
laga soo doortayna way gabeen oo dib ugumay noqon ee maaha dhibaato
aniga uun i haystee waa mid dalkoo dhan haysta.
Sacad Maxamed Xuseen, Machadka High Istitute; Su’aal: Dalkeena waxa
jira dhibaatooyin badan oo ka jira dhinaca caafimaadka, markaa waa
maxay siyaasada xisbiga ee caafimaadku?
Faysal Cali, Jawaab: Caafimaadka waxaannu doonaynaa in aannu samayno
fursad qof kasta oo reer Somaliland ahi ku heli karo caafimaad,
sidaa daraadeed waa in aannu horumarinaa dadka dhakhaatiirta ah ee
caafimaadka ka shaqaynaya, waanay in aanay inaga dhoofin intay wax
bartaan.
Cabdillaahi Saleebaan, J. Hargeysa; Su’aal: Guddoomiye sidaad maanta
noo soo horfadhiistay haddii aad talada qabato adiga oo Madaxweyne
ah ma inoo horimanaysaa, mise sida Madaxweyne Rayaale ayaad qol isku
xidhi doontaa?
Faysal Cali, Jawaab: Anigu ballan baan idiinku qaadayaa, horta uma
samaysni nin meel lagu xareeyo oo dhaqankaygaba maaha, anigu waan
idin dhex joogayaa masaajidada ayaan dadka kula tukanayaa, gobollada
dalka ayaan tagi doonaa, maalinta Jimcaha oo kale waxaan samayn
doonaa meel dadka jilicsani cabashooda iigu keenaan.
Sahra Xuseen Axmed, J. Hargeysa; Su’aal: Waxa jira in marka dadku is
yidhaahdaan mudaharaado sameeya lagala hortago rasaas iyo in laayo,
markaa ma ogolaanaysaa in mudaharaadadu si xor ah u dhacaan?
Faysal Cali, Jawaab: Anigu in badan ayaan ishortaagay mudaharaado,
haddii aad doonayso in aad mudahraad samayso horta waa in aad
haysataa qalabkii ilaalin lahaa, waa in xadkaagu xidhan yahay oo aad
garanayso dadka mudaharaadaya, askarteenu ma tababarana oo ma
garanayaan sida looga hortago. Marka intaa la helo ayaa la
mudaharaadi karaa, waanay iman doontaa waqti aynu mudaharaadno
haddii Alle yidhaa.
Jamhuuriya Online
|