Faysal Cali Waraabe Oo Weeraray Rayaale

 

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka jawaabay eedayn uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin,
u jeediyay xisbiyada UCID iyo KULMIYE, waxaanu xusay in Madaxweyne Rayaale maamuus ka xayuubin ku mutaysan karo xoolihii dekedda Berbera oo uu sheegay inuu u wareejiyay dekedda Djibouti.

Madaxweyne Rayaale, oo Sabtidii toddobaadkan shirjaraa'id ku qabtay Hargeysa, ayaa waxa uu xisbiyada Mucaaradka ku eedeeyay inay carqaladaynayaan doorashada Madaxtooyada, waxaanu uga digay inay ka dheeraadaan wax kasta oo dabar ku noqonaya qabsoomida dooras hada Madaxtooyada oo loo qoondeeyay inay qabsoonto 27 September.

Hase yeeshe guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo isagoo jooga magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inaanu daacad ka ahayn inay doorasho qabtoonto. "Madaxweynaha, HAA iyo Maya labadaba isagaa laga hayaa. Wuxuu yidhi waan ogolahay go'aamada ergadu gaadhay, haddana wuxuu leeyahay saxeexi maayo.

 Sidoo kale qodobkan 83aad ee Distoorka ee uu ku doodayo waa la jeb inayaa, xaggee ayay kaga taalaa Madaxweynuhu shan sannadood wax ka badan ayuu fadhiyi karaa. Markaas Madaxweynuhu wuxuu jecelyahay ayuu u yaqanaa Distoor, waxaana cad doorasho ayaad ka hadlaysaaye inaanu diyaar u ahayn in dalkani ictiraafo helo, waxaana taas ka markhaati kacaysa ma jiro wax uu qabtay, haddii ay idaacad tahay, haddii ay darajo ciidan tahay. Maantana taariikhda Somaliland weligeed lama arag Berbera oo bilaa xoolo ah, laakiin maanta wax xooli ahi ma joogaan Berbera. Markaas marka wax kale oo dhan la iska daayo, waxa uu maamuus ka xayuubin ku mutaysan karaa Dekedda Berbera oo uu xoolaheedii u wareejiyay Dekedda Djibouti, marka khasaaraha uu dalka soo gaadhsiiyay la iska dhaafo taas oo qudha ayuu maamuus ka xayuubin ku mutaysan karaa. Sidaas daraadeed haddii ay dalka doorashadani ka dhammaato waa la daba geli doonaa khasaaraha uu dalka gaadhsiiyay, Madaxweynahana loogama baahna inuu mucaaradka Aflagaadeeyo ee waxa looga baahanyahay wuxuu qabtay toddobadaas sannadood inuu soo bandhigo, sababtoo ah dalku maalintii uu qabtay ayuu ka dhaqaale fiicnaa maanta."

Faysal Cali Waraabe, oo la weydiiyay sida uu u arko eedayntii Madaxweynuhu u jeediyay madaxda Mucaradka ee ahayd inaanay aqoon u lahayn sharciga waxa uu yidhi "Heerkayaga aqooneed waa la yaqaanaa. Labadayada guddoomiye iyo Rayaale adduunku wuu na kala yaqaanaa oo isagaa muujinaya inuu kursi aanu awood iyo caqli u lahayn ku fadhiistay, markaas wuu is difaacayaa, haddii uu doonayo inuu dalka xaaraan ku haystana ku haysan maayo."

Guddoomiyaha UCID, oo la weydiiyay inuu isu arkayo sida uu Madaxweynuhu ku sifeeyay ee ah inuu ku dhego oo aan laga fujin Karin waxa uu damco waxa uu yidhi "Madaxweynaha waan u tagay oo waxaan idhi waar waxan tanaasul ka samee, taas ayuu leeyahay waxaad ku dhegtid ma sii dayside, waa nin aan ogolayn inuu wax ka tago oo uu dadku la xisaabtamo, wuxuu doonayaa in wax kasta looga tago. Laba jeer ayaan u tagay oo waxaan idhi kulmiye waanu keenaynaaye, ee wax ka tanaasul, markaas taas ayuu u yaqaanaa inaan wax ku dhego."

Mar la weydiiyay aragtidiisa sharci, ee doodda Madaxweynaha ee ah inaan hoggaamiyaha qaran maamuus ka xayuubin lagu samayn Karin sannadkan u dambeeya, waxa uu yidhi, "Shantiisii sanno ee sharciga ahayd way dhammaatay, oo hadda waa ku meel gaadh, markaas waa imbiijman waa lagu samayn karayn."

Ugu dambayn waxa uu Faysal Cali Waraabe, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ugu baaqay inuu saxeexo go'aamada ay ergadu soo bandhigtay, "Waxaan odhanayaa waa inaad go'aamada la gaadhay saxeexdaa oo aad fulisaa waa haddii ay kaa dhab tahay inaad qaadatay."

 

 


www.geeska.net