Faysal Cali waraabe oo Siilaanyo Waydiiyey Goorta uu Xirsi talada Dalka ku wareejiyay


 

 

“Seddex sano ayaanu xishoonaynee goormaad taladii inankan yar ee wax walba ah ku wareejis ay”


Hargeysa (TNN) Gudomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid En.Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweyne siilaanyo ku eedeeyey inuu taladii qaranka iyo xilkiisiiba ku wareejiyey Was iir xirsi oo uu ku tilmaamay Inan yar oo aan khibrad lahayn isla markaana wax kasta qab anaya.

Faysal Cali waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in loo baahan ya hay inuu madaxweyne siilaanyo sheego goorta uu talada Dalka ku wareejinayo Wasiir Xirsi”madaxwayne seddex sano ayaa lays waydiinayaa inan kan yar ee goormaad talada ku wareejisay, ka aamusnaan mayno inan yar oo wadadii dhisaya, dhaxdhigaya maasiirkii umadana kaligii ku tagri falaya”ayuu yidhi faysal

Isaga oo sii wadata hadalka uu ku weeraray Madaxweyne siilaanyo iyo Xirsi waxa uu yid hi “waxan ay imika wadaan maaha siyaasadii arimaha debeda ee waxa la inagu khasbay in aynu wada hadalno somaliya maaha in qorshe la’aan lala tago , Wasiir kuwa imika tag ay ah baan doraad waydiiey goorta la tagayo waxba kama ogi buu yidhi kii baa maanta loo yeedhay oo la kaxaystay, markaa maaha inuu inanyar oo aan la dooran xilka intaa leeg maroorsado” ayuu yidhi faysal
 

 

Source:Waaheen