Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Inuu Shaariqa Ku Soo Arkay Guri Uu Rayaale Ka Iibsaday

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu magaalada Shaariqa ee dalka Imaaraadka Carabta ku soo arkay guri uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ka iibsaday.

Md. Faysal Cali Waraabe, oo Jimcihii doraad ka soo guryo noqday dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxa uu Madaxweyne Rayaale iyo qoyskiisa ku eedeeyay inay ku hawlan yihiin urursiga hantida qaranka, “Rayaale, arrimihii hore waxa uu hadda ku darsaday boobka hantida umadda, oo Shaariqa waxaanu ku soo aragnay guri uu ka iibsaday, Boramana waxa ku yaala guryo loo bixiyay booli qaran, Safarkiisan hadduna wuxuu ahaa mid lagu fushanayay dano gaar ah, oo waxaad ka warqabtaa inuu ka tagay safiirkiis Md. Fagadhe, sababta looga tagayna waxay ahayd safarku wuxuu ahaa danno gaar ah oo weliba qoys” ayuu yidhi Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika.

Mar la weydiiyay, inuu isagu shakhsi ahaan soo arkay gurigaas uu sheegayo in Madaxweyne Rayaale ka iibsaday magaalada Shaariqa, waxa uu yidhi,

Haa, anigaa soo arkay oo Shaariqa wuxuu ka iibsaday guri laga furtay xafiisyo ay ka mid tahay hay’ad la yidhaahdo AMAL iyo hay’ad kale oo la yidhaahdo First lady charity foundation, waxaana hay’adda guddoomiye ka ah nin la yidhaahdo Cismaan Sheekh, oo Hargeysa jooga, waana hal guri oo Fiila ah, waxaana loo samaystay mashaariic Talyaaniga lacag lagaga qaato.”

Guddoomiyaha, waxa la weydiiyay inuu cadayn karo eedaymahaas culus ee uu u jeedinayo qoyska Madaxtooyada, waxaanu yidhi, “Maxaan u cadayn waayay, waan cadaynayaa.”

Faysal Cali Waraabe, oo la weydiiyay sida uu u arko hadal Madaxweyne Rayaale uu dhawaan magaalada London ka sheegay, kaas oo nuxurkiisu ahaa inay mucaaradku beenta u yaqaanaan Dimuqraadiyadii oo la xoojiyay, waxaanu yidhi “Madaxweyne Rayaale, maanta wuxuu la shiryimaado oo la taaban karo oo uu yidhaa waan qabtay ma jirto, socdaaladadiisuna markuu tagayo wuxuu yidhaahdaa markaan soo noqdaan idiin waramayaa markuu soo noqdana wax la taaban karo oo uu keenaa ma jirto. Intaas waxa ka daran kursigii madaxweynenimada ayuu haybadiisii dilay oo maalin kasta safaro aan la casuuimin oo aan baratakool lahayn ayuu lacagtii umadda ku soo isticmaalaa, isaga iyo koox yari.

Waxaanu la kulmaa dad aan la heer ahayn oo wasiir ku xigeen ku hagaagi karo. Markaas hadday ciddi been shagayso waxa ku caan baxay Raayale waxaana loo yaqaanaa berrito iyo beeni ma dhammato, safaradiisanina may ahayn rasmi, ee waxa rasmi ahaa safarkii uu guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan-Cirro ku tagay dalka Kenya ee uu kula kulmay madaxda Baarlamaanada Bariga Afrika, laakiin kan Rayaale wuxuu ahaa dano gaar ah. Markaas mucaaradku waxa uu sheegayaa been maaha ee waa dhab oo waxa la weydiin karaa Meeye warshadihii, darajadii ciidamadu meeday, Idaacadii meeday, lacagtii aad lahayd waxaan ka bedelayaa Gobalada bariga meeday, mar waxa uu yidhi bil kasta umadda waan la hadlayaa, bal iyana halkee ayay ku dambaysay. Adeer hoyga beentu waa madaxtooyada uu degenyahay, ee mucaaradku wuxuu sheegayaa waa dhab.”
 


Source: Wargeyska Geeska Afrika

 

Guriga Riyaale Ka Iibsaday Shaariqa ,Waddanka  Imaaraatka Carabta