Faysal Cali Waraabe Oo Khud-bad Ka Jeediyay Xaflada Furitaanka Shirkada Diyaaradaha Ee Suhuura Airways

 

Gudoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee Caddaallada iyo Daryeelka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Xukuumadda wakhtigeedu sii dhamaanayso ee uu Madaxweyne Rayaalle hogaamiyo ku tilmaamay mid ka gaabisay shaqadii qaranku ka sugayay isaga oo sheegay in ay sida diirta wax uun cunayso.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay Munaasibad loo sameeyay shirkadda SUHUURA Airways waxa uu yidhi “waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan maanta idinkala soo qayb galo xafladan wanaagsan ee ah horumarka soo biiray, waanan hambalyaynayaa shirkadda 571 oo mirqaankii ku soo dartay duulimaad, labaduba waa laba loo baahan yahay, in la mirqaamo waa loo baahan yahay laakiin waa in si miyir qabta loo mirqaamo si aan carruurta looga cunin buugtoodii, si aan qoyska looga cunin masruufkoodii. Duulimaadyada iyo diyaaraduna way wanaagsan yihiin tan iyo kuwo kaleba way iman doonaa insha allah haddii Nabad gelyada iyo Security-ga la ilaaliyo.

Waynu ognahay oo dhibaato weyn baa inagu dhacday oo argagaxisaa ina heshay taas oo khasaare badan inoo keentay, diiwaangelintii dib inooga riday, taas oo diyaaradihii inaga kaxaysay, taas oo derejaddii nabadgelyadeena dib inooga dhigtay, laakiin wax badan oo la taaban karo dawladu ilaa hadda kama ay qaban, gurigii Madaxweynaha (Madaxtooyada) aad baa loo adkeeyay hase ahaatee wali security-gii dalku waa sidii hore. Raggii ina laayay ilaa hadda lama hayo cid ay ahaayeen dawladu wax lagu qanco kama ay soo saarin, yaa loo qabtay iyo Maxaa dhacay ayay wali dadku is weydiinayaan .

Dhibaatooyinka ay dadkeena qurbuhu ka cabanayaan waxa kamida wali dadka Somaliland imanayaa waxa ay soo maraan Jabuuti, ma jiraan duulimaadyo toos Hargeysa u imanaya, weliba Jabuuti, jabuutidii hore maahee waa Jabuuti aynaan hadda isku wanaagsanayn oo ina dafirsan. Anigu iyada ma maro ee Berbera ayaan maraa markaan dhoofayo, damiirkayga ayaa u adkaysan kari waayay inaan Jabuuti maro. Ilaa haddana ma arko Eerboodkeena oo hagaagsan dabcan warancadde wax qabad buu ku sameeyay laakiin sidii la rabay maaha.

Waxaan leeyahay Siciid Sulub waxa laguu dhiibay wasaaraddii dhiska iyo hawlaha guud, waxaan leeyahay siciidoow dalku uma baahna Maahmaah iyo Aftahanimo ee wax qabad buu ubaahan yahay. Siciid Waxa uu masuul ka yahay Atoorati (Authority), markii loo dhiibayna wuxuu eryahay dadkii lagu aaminay, wuxuu keenay kuwo uu watay, lacagtiina wuu la qaybsaday, taasina dawlad lagu hungoobay weeye

Maanta waxaan doonayaa inaan ka hadlo murankan distoorkiga ah iyo marxalada dalku ku sugan yahay. Haddii Guuridu si toos ah u ansaxin weydo Timeline-kii Komishanku soo saaray, haddii ay ogolaan weydo jadwalkaa oo ay isku daydo inay Muddo kordhin dheeraada u samayso Rayaalle, wixii ku dhaca iyadaa masuul ka ah. Raga baarlamaanka ku jira ee leh guurtidaa Awood u leh inay wax kordhiso waxaan leeyahay sowdinkii soo saaray digniin ee lahaa guurtidu waa xaaraan ma imikay Xalaal noqotay markay idiin hogaansamay. Arrintan guurtidu shaqo kuma leh ee Seddexda xisbi qaran iyo Komishankay u taal, ninkii guurtida doonayoow, wixii aanu isla garano (xisbiyada) ayay guurtiduna saxaysaa, markaa rabshadda wadanka halaga daayo doorashadu way dhacaysaa, diiwaangelintu way soconaysaa , qofka diiwaangelinta diidoow waxaan kuu sheegayaa adigaa cirka roob ku og, haddaan diiwaangelinta docadocaynta laga dayn oo aan la ogolaanin doorasho dhici mayso ee taa ogow, diiwaangelinta waanu adkaynaynaa, nabadgelyada dalka waanu adkaynaynaa.

Guurtida waan ku celinaya ee haddii aad kici waydaan hore idinka masuuliyadii dalka madaw u galiyay, wixii idinku dhaca idinkaa kamasuul ah. Wasalaamu calaykum .”.

 


Hormoodnews