Farxad Bay U Tahay Qofkii Jecel Dadkiisa Iyo Dalkiisaba

 


Runtii waan farxad ooyaa mar kasta oo aan arko dadkayga oo garabka isku wada haya sugayana in ay madaxweynahoodii soo dhaweeyaan ama ay meel isugu yima adaan iyaga oo ay ku tusayso jacaylka iyo qadarinta weyn ee ay isu hayaan waana ta loo baahan yahay maanta markaad eegto duruufaha qalafsan ee dad badan ku nool yihiin. Waa mid u baahan in la sii xoojiyo oo la is dhagaysto si loo saxo waxa qaldan dadkuna u gaadho horumar la taaban karo.

Markaad aragto Haldoorkii Somaliland rag iyo dumarba madaxdiisii iyo dadkii kale si da ay isu qadarinayaan, u kala dambeeyaan isu ixtiraamayaan mid yar iyo mid wey nba ee midna mid riixayn waa wax lagu faano ilaahayna loogu mahad naqo, si ilaah ay ugu siyaadiyo nimcada quluubtoodana u hagaajiyo oo ka dhig kuwa eega qiimah a walaalkii iyo walaashii leeyahay inta ay nool yihiin maanta. Waa hubaal oo berito haddii uu dhinto oohinta aad qabrigiisa ka dul oydaa ama aad ka hadasho oo aad tidhaahdo qof fiican ayuu ahaa wax macno ah samayn mayso.

Dad badan ayaa jira oo aan ogahay oo media-da ka shaqeeya oo dadaal aad u bad an galinaya sida ay dadkooda wax wanaagsan uga sheegi lahaayeen ama ugu shee gi lahaayeen nasiib darose waxaa badan inta aan waqti u hayn ee aan hubinayn ma qaalka aan soo qoray in uu xun yahay iyo in kale. In aan qof walaalkay ah sharaftiis ii meel kaga dhacay iyo in kale. Waxaan kula talin lahaa walaaladay dadaalkiina badi ya oo u naxa caafimaadka iyo qalbiga qofka akhriya wargeyskiina ama mareegtiina waayo warka xun ee aad badsataa qalbiga ayuu wax yeelaa ilaahayna wuu idinla xi saabtamayaa ee ogaada.

Inta qofku nool yahay ayuu baan wada farxi kartaan waxna wada cuni kartaan oo wax isu sheegi kartaan haddiise uu dhinto waxba lama wadaagi kartid wixii qofkaas u wanaag lahaana wuu la dhintay. Markaa aynu qiimayno madaxda iyo culimada ma anta inoo nool iyo kuwa beritoba.

Ilaahay ha inoo siyaadiyo iimankaa iyo nimcada uu ina siiyay (Aamiin).

Wabilaahi Towfiiq

Walaalkiin Caydiid Axmed Jaamac (Indha Warranle) _ Melbourne Australia