Far-Somalida Jooji Oo Reer Somaliland-oow Far-afeed (xuruuf Cusub) Samayso





- Sida aan wada ogsoon-nahay far-afeeda ama erayada qoran ee hadalka ah ee aan qajeel u adeegsano nolol-maalmedkeenu hadii aynu nahay reer Somaliland, waa far-Soomaaligii la qoray 1972-kii, oo kaaga sii darane ay ku magacaaban yihiin walibana inoogu mano-sheegtaan maamulkii ASKARTA ahaa ee xasuusteena xumaanta badan kaga tagay! Runtii, waa arin naxdinteeda leh oo damqaysa dareenkeena, waxana dhab ah in inta aynu wali adeegsanayno Far-soomaaliga aynaan ka bogsanayn aramidii iyo uur-kutaaladii ina soo martay. Sidaa aawadeed, waxa ay ila tahay in la gaadhay xiligii laga tashan lahaa qodobkaasi oo ah, ka kali ah ee hadhay ee ay dadka reer Somaliland weli la-sii wadaagaan, dadkii aan kala baxnay ee aynu uurka iyo awrtaba kala raranay ee reer Soomaaliya.

Mudodii yarayd ee aynu dalkii Talyaanigu gumaysan jiray ee Soomaaliya isku meerarnayn ee aynu ahayn qindiga la isku bilkaydinayo, wax badan ayaa iskaga keen laaqmay, oo waxaa aynu isku nudnay oo aynu isku tolnay laba qaran iyo agab waxay lahaayeen sida, dastuuradii, lacagihii, calamadii, magaalo madaxyadii, ciidamadii iwm. Waxana hubaal ahayd inay arintaasi dheef iyo dhib ay inoo lahayd. Oo tusaale ahaan;

Dheefta ay inoo keentay isku biiristii lixdankii ee aan ka dhaxalnay waxa ka mid ah, dadkii Soomaalida ahaa ee aynaan waxba ka aqoon oo aan baranay, oo dabadeedna xiise-baldhaqii Somali-waynta ahaa ee aan danta iyo runta ku salaysnayn oo aan guntiisii gaadhnay. Dhibta ay lahaydna waa laga wada dheregsan yahay oo waa ina-daan-wayne, waana ta sandulaha ka dhigtay in maanta la kala yahay sida aan wada ognahay ee '' Fantashiruu Fil-ardi-da ah''! Ee atlada ku riday, Isma-dayato-da!

Weli anigu midow ka xumaa kaan soo marnay maan arag mana maqal ! yaab. 'Laba munaafaqnimo ku heshiisaa hor Allah ayaa ay ku colowdaa'' ayaa ay Somalilanders-ku ku maahmaahaan! Waxa aan muran gali karin in midnimo ku sheegii lixdankii ay Xaaraan ahayd aan Xalaali meel-na kaga dhibcin! Cadaynteeda waxa kuugu filan, hagardaamoda dhacday intii la wada-joogay uun bal dib u-yara mildho.

Jab iyo lee-leel ayaa arlada asiibay oo kala yaac baa dhacay oo nasiib-daro, sidii geedigii hore ee isku guurku ahaa ee 01/07/1960-kii aan Somalia-italia dhankeeda ugu dadbanay oo kale xaajadu uma hawl-yaraan. Tan dambe (18/05/1991) ee kala xayoshada iyo guryo noqoshada ahayd aayar-tii dhalatay iyo faduul la'i, looma kala noqon ee xasuuq baa dhacay-oo xinjiraa bururay, xoolaa mooro-duugmay-oo xeradood ba'day. Haatan-se dhib wax la soo mutayba la soo doog oo guryo-samodii geediga loo lalabayna la gaadh oo lagu fur.

Si kastaba ha ahaatee, waxii kale iska soo dhadhawaa haatan ee hal shay ayaa uu bedelkiisu inagu hadhay si aan gabi-ahaanba xor uga ahaano xasuusta waxii la isku odhan jiray Soomaaliya! kaasina waa Far-afeed (Far-Somalida). Waxa khasab inagu ah inaan mid u gaar ah dadkeena oo waliba Ugub ah oo aan horteen la samayn aan soo saarno. In qoomiyadii ay afkeeda qortaa waa arin maamuus mudan waxase ay milgaha iyo miiganidu awrantaa hadii ay curiyaan summado aan hore u-jirin oo yixdoodii wata!

Qorista afku ama in la hindisaa Far-cusub mar bay adkayd haatanse waxa ay iska noqotay xaajo curad ah oo hawsha inteeda badan waa la kala dheegtaa uun! Waxa sidaas darteed waajib-qaran iyo mid qofeedba reer Somaliland ku ah inay, ku dadaalaan sidii ay dalkooda ugu dhigi lahaa mid waxyaalo badan iskiisa u-leh, hana ugu horayso aqoonta oo ku qotonta far-Somalilander-ku ay hindiseen oo la yidhaa; ''Far-Somalilander.

Gabo-gabo; Umad kasta oo hiigsanaysa inay Ifka inta ay joogto meel sare gaadho waxa la gudboon inay ku dadaasho, inay Sawrac iyo tilmaan u gaar ah dhankii la dayoba ay yeelato, oo dabadeedna ay sii kobciso oo ay sii tabantaabiso si dhaxalkaa u-gaarka ahi uu ugu tis-qaado oo uu aayaheeda wax-tar miigan ugu yeesho. Qoraalku (far-afeed) waa sirta iyo salka HORUMARKA.

Sidaas darteed, waxban odhan lahaa, Tartan Far la Ikhtiraaco ah oo ay leeyihiin reer Somaliland dhakhso ha loogu dhawaaqo. Hubaal waxa ah in Sumado cusub oo ciidaa ka badan oo dharabkii wata aynu mudo kooban ku kala dooran doono.

Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed!
 

 


Cali Cumar Xasan