Faro-weyne: Taliyaha Ciidanka Qaranka oo waxgaradka degmadaasi ka
gudoomay deeq xoolo ah

Hargeysa (TNN)- Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyda Somaliland
General Ismaaciil Maxa med Cismaan
(Shaqale), ayaa shalay ka Gudoomay
Maamulka iyo Waxgaradka degmada Fara-Weyne
deeq Xoolo ah oo ay ugu talo galeen Ciidanka Qaranka.
Deeqdan Xoolaha ah oo ka koobnayd Boqol iyo Shan iyo konton neef oo
Xoolo ah taas oo lagu qabtay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka
waxaana Gudoonsiintii deeqdan Xoolaha ah ka hadla y Gudoomiyaha
degmada Faraweyne Maxamed Maxamud Shabeel iyo Ku simaha Gudoomiyaha
Gobolka Maroodijeex isla markaana ah Gudoomiye ku xigeenka gobolka
Rashiid Axmed Maxam ed oo tilmaamay in deeqdani ka turjumayso sida
ay bulshada ku nool degmada faraweyne ay uga go’an tahay inay garab
istaagaan Ciidamada Qaranka oo hawl Culus u haya Qaranka iya goo
intaas ku daray inay waajib tahay sidii mar walba maanka loogu hayn
lahaa Ciidamada Qa ranka.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Gen. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale)
ayaa uga mahadceliyay maamulka iyo waxgaradka degmada Faraweyne
xoolahan ay ugu talo galeen Ciidanka Qaranka isagoo balan qaaday
inay gaadhsiin doonaan ciidamada qaranka ee heeganka u ah difaacida
dalkooda hooyo, Taliyuhu waxa uu sheegay in deeqdani aanay ahayn tii
u horaysay ee ka soo gaadha deegaamada kala duwan ee Somaliland
isagoo intaas ku daray in meelaha ay Kaalmoo yinku ka soo gaadheen
ay ka mid tahay Qori Lugud,Caynabo,Allay-baday,Sabo -wanaag, iyo
fara-weyne.
source:so
|