Fanaanka weyn ee Nuur Daalac oo hees cusub u sameeyey orodyhanka caalamiga ah ee Mo Faarax

 

 

 


Halyeygii dalkaygow ,
Dayixii iftiimow.
Dunidaba dhamaanteed,
Haldoorkii ka soo baxay,
Danabkii ka badiyow .

*****
Magacayga diricii,
Taariikhda duugga ah,
Diwaankeeda geliyow,

*****
Mooyow na deeqdee,
Waan kuu ducaynnee,
Salaan diirran naga hoo.

*****
Duqeyti iyo dhallinyaro,
Dumar iyo carruur gebi,
Dadkaagii dhammaan iyo
Inta kalee dareenkiyo,
Diinta iyo dhaqankiyo,
Diir kula wadaagtaa ,
Farxad iyo damaashaad
Kuu dabbaaldegeysoo,
Guushaada Damallah,
Anna waan ku diirsaday.

*****

Maxamadow na deeqdee
Waan kuu ducaynnee
Ha ku daayo Eebbee
Ka dambana horreeyoo
Daadihi ciyaartoo
Weligaa dib ha u noqon.


Aamiin! Aamiin!

Erayadii iyo midhihii
Abwaan Nuur Daalac