Fanaanada weyn ee Khadra Daahir Cigge oo Gabay Baroordiiq ah u
tirisay Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd,Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee
Jabuuti
Fanaanada Caanka ah ee Khadra Daahir Cige oo ka mid ah fanaaniinta
aadka loo jecel-yahay codke eda tolmoon ee ay ku luuqeyso heesaha ay
qaado ayaa waxay markii ugu horeysay taariikhda tiri say Gabay
baroor-diiqa oo la yidhaahdo “Garab Igu Banaanaa" oo ay u tirisay
Alle ha u naxariiste Guddoomiyihii hore ee Bangiga dhexe ee Jabuuti
Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo ay ahaaye en Walaalo isku dheer, oo
ku geeriyooday dalka Kenya taariikhu markey ahayd 11/1/2013 oo
hab eenimo ah.kadib markii uu madaxa-dhiig kaga furmay afar cisho ka
hor.
Khadra Daahir Cige oo ay marxuum Jaamac Maxamuud Xayd ahaayeen
walaalo isku dheer ayaa w axay gabaykan baroordiiqda u tirisay
12/1/2013 oo ahayd markii marxuumka lagu aasay dalka Ja buuti.
Waxaanu Gabaygu u dhignaa sidan:
Kolay geeri lama huraayo
Godkuna waa ina sugayaa
Goobta maanta ay timid
Ayaa noqotey kala guure
Garab ayaa banaanaado
Geesiba baxaye
*****
Tacsi baan gudbinayaa
Dhamaan gudaha Soomaali
Rabbi ku gargaayo
Janada eebe ku garaye
Naxariista guud iyo ta gaar
Eebe ku gogolye
*****
Gabadhaad jeclaydiyo
Gurboodkii ay ku heysay
Gacaladii walaasha
Khadraan Samirkan gaadhsiine
Anigana xasuus aan go’ayn
Baa iguud sudhane
*****
Asaxaabtii gebigood
Qalbigu waa gubanayaaye
Gocoshada Xasuustana
Waxaan hadal ku soo gooyey
Gidigeen ILAAHAY janada
Ha ina wadageeyo”.
*****
|
Gabaygan baroordiiqda ee ay fanaanada Khadra Daahir Cige u tirisay
Guddoomiyihii hore ee Baan ka dhexe ee Jabuuti Marxuum Jaamac
Maxamuud Xayd ee dhawaan geeriyooday ayaa noqonaya gabaygii ugu
horeeyey ee ay tiriso muddadii dheerayd ee ay ku dhex jirtey
badweynta Fanka Soo maalida.
|