Fanaanada
Caanka ah ee Faadumo Haldhaa oo sheegtay in ay ka baxday
Badweynta Fanka
Fanaanada caanka ah ee Faadumo Cali Cilmi (Faadumo
Haldhaa), ayaa la sheegay inay gebi ahaanba ka baxday
badweynta fanka oo ay u diga-rogatay barashada iyo ku dhaqanka
diinta Islaamka.
Fanaanada Faadumo-Haldhaa oo ahayd fanaanad cod macaan oo ay inta
badan Soomaalidu heesaheeda xiisayso, waxa la sheegay inay ka
guurtay magaalada London oo ay hore u daganayd, una guurtay
magaalada Barakaysan ee Makkah Al Mukaramah, halkaas oo ay uga
dhawaatay barashada diinta Islaamka.
Dad xog-ogaal ah oo ku dhow dhow Faadumo Haldhaa ayaa u sheegay
wargeyska Geeska oo ka soo baxa Hargeysa in fanaanadu mudooyinkii u
dambaysay ka niyad-jabsanayd hawsha fanka ee ay mudada dheer ku
dhex-jirtay.
Faadumo waxa ay fanka ku biirtay sanadkii 1975-kii, xilligaas oo ay
qaaday heeso tiro badan oo ku saabsanaa gobonimo-doonkii wadanka
Jabuuti.
Sidoo kalena waxay ka qayb-gashay riwaayado caan ah oo dalkii
Soomaaliya lagu dhigay, kuwaas oo ay ka mid ahayd riwaayadii (Masiibadu
Aduunyada iyadaa u macalin ah) oo uu alifay Abwaan Xasan Xaaji
Cabdilaahi (Xasan Ganey).
Waxaanay riwaayadaas kaga jirtay kaalin muhiim ah iyada oo
difaacaysay dhaqanka Soomaalida ee salka ku haya diinta Islaamka.
Faadumo Haldhaa iyo Cadar Axmed Kaahin ayaa riwaayadaas metelayay
dhaqanka hablaha Soomaaliyeed, halka ay Kinsi Xaaji Aadan iyo
Khadiija Hiiraan metelayeen kaalinta ilbaxnimada iyo dhaqanka
casriga ah.
Faadumo Haldhaa waxa ay magaca Haldhaa kula baxday qaybta ay ku
leedahay heestan ay riwaayadaas ku difaacaysay dhaqanka haweenka
Soomaalida iyada oo ay odhanayso:
Haldhaa baa lay yidhaa
Heensihii baan weli sitaa
Hiddii lay wada yiqiin
Asluubtii hooyaday
Hormood baan dhaqan u ahay
Inaan hirgashaan jeclahay
Huf iyo been kuma lug go’o
Hirkaa qaawanida dhalay
In lagu hogtaan ogahay
Habowdaye waxaan ku idhi
Hugaaga iyo kaan xidhnahay
Labada kee haybad wacan
Hilbana keenee asturan
Heesaha kale ee ay ku luuqayso waxa ka mid ah;
Xidhmadan ubaxa ah xabiibi gudoon
Qalbigayga xogtiisa xabiibi gudoon
Iyo waliba heeso kale oo tiro badan.
Faadumo waxa ay hadda sida sawirka ka muuqata qaadatay xijaabka
diinta Islaamku ku waajibisay haweenka muslimiinta, si ay isu
asturaan.
Fanaanada Qamar Cabdilaahi Harawo ayaa iyaduna hore uga baxday
badweyntii fanka oo u noqotay diinta Islaamka.
Xigasho :Geeska
|