Falki musuq maasuqeedkii ugu foosha xumaa ee uu ku kacay duur‏‏

 


Waxaan salaamayaa bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xorta ah ,waxaana sa laamayaa muwadiiniinta Somaliland ee xumaanta neceb una hiiliya wanaaga, salaantaa ka dib waxaan halkan ku soo bandhigayaa dhacdadan aadka u foosha xun ee uu ku kacay Wasiirka Arimaha Gudaha Mohamed Nuur Carrale ( Duur ) taas oo isugu jirta aqoon dari iyo arxan la'aan iyo ku takrifal masuuliyadda balaadhan ee uu u idmaday madaxwayne Ahmed Mohamed Siilaanyo.

Waxaynu wada ogsoonahay baaladhka ay leedahay Wasaaradu iyo mashariicda hoos ti maada, iyado ay waajib qaran tahay in looga faa'iideeyo muwaadin kasta oo Somaliland er ah oo ku nool Lowyacado ila Ceelayo,waxaan tusaale kooban uu soo qaadanaya mashr uucii JPLG, oo ah (UN Joint Programme on Local Governance and Decentralised Service D elivery ) .Waa mashruuc lagu horumarinayo Dawladaha Hoose ,mashruucan oo ka bilaab ma y Somaliland waqtigii uu Wasiirka ka ahaa wasaaradda Abdillahi Cirro laguna bilaabay lab a degmo oo keliya lacagtii lagu bilaabayna ahayd boqolkun oo dollar hadda halka uu m ash ruucu yahay mid ka hawlgala dhammaan dalka Somaliland oo dhan , sida uu u maamul ay Wasiirku Shaqaalaha ku sugan xafiiska Wasaarada Wrimaha Gudaha oo xarunta laga maa mulo mashruucan ku wajahan Somaliland oo dhan loona qoondeeyey 5 years soo so cda lacag dhan 10 Million Dollarka Mareykanka.



Waxa awood buuxda u leh mashruucan maamulkiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka ah Committee Chair ,halka looga baahan yahay inuu u maamulo short list iyo imtixaanaad la gu kala saaro ,halka uu hadda Wasiirku ka dhigay eex iyo ku gufee waaynu ogsoonahay haddii uu halkan ku sii socdo inuu xidhmayo oo ay u naafoobayaan muwaadiniintu.

Wuxuu u qabiyay Madaxi shaqalaha ee Mashruucan sidan hoose ku qoran :


1-1-Said Mohamed oo mashruucan ka ah (JPLG Planning consultant) ahna Wasiirka Seedi gii oo ay walala yihiin xaaska Wasiirka Saacada Mohamed kana soo jeeda ( reer Caynaan she ) .

2- 2- Intisar oo mashruucan ka ah (JPLG Peace Building) oo ay Wasiirka Inadeerti ah (Muuse Cabdale).

3- 3- Nur Hussein oo ah JPLG consultant ( La Taliyaha Wasiirka ) ahna Xoghaynta khaask a ah ee Gudoomiyaha Xsbiga Wadani C/raxmaan cirro oo ah (Muuse Cabdale).



Hadaba saddexdan qof oo ka soo jeeda Qurbajooga Somaliland ,waxan odhan kara inuu Wasiirku u maamulay si dhafsiisan qof masuul ah ,oo damir iyo xishood leh ,iyadoo boqol aal kun oo gurbajoog Somalilander ah ee ku sugan yihiin wadanka gudihiisa miyaane la od han kara Wasiirku wuxuu u maamulay si cadaalad darro ah oo aanay u sinayn dhamaan muwaadininta Somaliland.



Waxaan filaya inay ku haboon tahay Wasirka tixdan Gabayga ah wuxuuna aha :

-Waxba niman lahaan jirin,
-
hadi waaxid wax u u dhibo,
-
ogobay wacdirihi hore,
-
weli xasuustay.
 

Waxa jira Wasaarado faro badan oo musuq maasuq baahsan oo hadheeyay qaybo wasa aradaha ka mid ah iyo mashariicda hoos yimaada oo aan halkan lagu soo kobi karin.

Waxaan leeyahay akhristayasha haku niyadjabinina waxyaalaha dalka ka jira ee dhabta ah: ,waxaana fariin u maraya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Ahmed Silanyo , oo odhan karo inuu astaan uu u yahay la dagaalanka musuq maasuqa iyo maam ul xumida, waxaan mahad naq u diraya Madaxweynaha wax qabadka dhabta ah ee ka jira dalka ,waxaan leeyahay inta dhiman waxa lagu dhamays tiri kara in la tirtiro musuq maas uqa qabyalada huwan iyo mamuul xumida lana tayeeyo hayadaha dawliga ah.

Waxaan diginin culus u diraya Hayadaha Dawliga iyo kuwa madax banaan ee ku sugan Somaliland inuu dhamaaday wakhtigi masuq masuuqa ee dalkan somaliland maaqaalkan iyo qaar kaleba ee la midka ah inaanu uu soo bandhigi doono sida ay ka mid yihiin (world Bank Somaliland Business Fund) oo mad madow badan ku jiro, waxaan uga digaya dadka beenta iyo qabiilka ku guul wadaya inan maaqalkan u fahmin qabayalad aanay ku jirin, wa xaana ka soo jeeda beesha guud ee Wasiirka .



Waa bilaahi tawfiq



khadar idriis cabdiraxmaan

khadar338@hotmail.com