Falkii ay dhawaan Xukuumada J.SL ay ku xayirtay kuna xidhay xaruntii Jariirada Haatuf ee Hargaysa, mid dadku ay ka filayeen ma uu ahayn!

 


Sida habooni waxa ay tahay, in waxii kasta ee dambi ah ee dhaca baadhitaankiisa, abaal-marintiisa (ciqaabtiisa) iyo ka hortagiisaba qaab waafaqsan garsoorka Qarankeena loo galo. Wargayska Haatuf, hadii lagu haystay inuu xad-gudubyo ku sameeyay dadka qaar ama dawladeenaba, waxa mudnayd in Maxkamadda lagu kala baxo. Hase yeeshee, in ay dawladu Jariiradda Albaabada u laabto waa laga qurux badnaa!

Dhanka kale, aniga oo si dhab ah u dareemi kara cadhada ay leedahay cadaalad xumo kaaga timaada ama aad ka tirsanayso dawladadda, hadana, waxan is-leeyahay, raganimadu waxa ay kolay-ba ku jirtaa in fal-celis kasta oo lagu kacayaa aanu ka tegsanaan Milgaha dadnimo!

Cawo-daro, Haatuf qudheedu sidii haboonayd kama ay yeelin arintaa foosha xun leh ee kala soo daristay dhinaca dawladeena, oo kama ay roonaan ee iyaguna waa ay ka daba qaateen oo waxa ay sameeyeen waxyaalo aan loo baahnayn. Oo tusaale ahaan, Bogga ay Haatuf ku leedahay Internet-ka ayaa todobaadadii dambe noqday goob Madaafiicda tiirada fog wax ka dila lagaga rido xukuumada J.Sl iyo dad gaar ah oo loo cidhib-saarayo madxatooyada!

Waa arin laga naxo runtii in, Haatuf, oo ka mid ah wargaysyada ka soo baxa Jamhuuriyadda Somaliland kuwooda ugu faca wayn leh, ay soo daabacdo warar iyo Maqaalo (aragtiyo) tiro badan oo lagu bartilmaameedsanayo dad gaar ah. Tiiyoo taas bedelkeeda la heli karo qaabab kale oo ka duro-yar oo lagu kala gar-naqsan karo, ama laguba muujin karo qaladaadka la isku hayo tiiyoo la soo bandhigayo cadaymahooda.

Isku soo duub, wax fiicani meesha kama dhicin ee bal ha la is-daba-qabateeyo oo hada ka dib si waafaqsan dastuurkeena, dhaqankeena iyo caadooyinka suuban hala sameeyo.

''Ha jirto Somaliland oo Ha joogto''

Cali Cumar Xasan