Wakiilkii Somaliland u fadhiyay Dalka Faransiiska oo geeriyooday

 


Hargeysa (Timacade News)- Wakiilkii Somaliland u fadhiyay Dalka Faransiiska  Max amed Saalax Nuur (Fagadhe) oo muddooyinkanba dalkaas ku xanuunsanayay,aya a shalay ku geeriyooday Cusbatal ku yaala Magaalada Paris.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Saalax Nuur (Fagadhe) oo hore u ahaan  j iray Wasiirkii arrimaha dibedda ee Somaliland, isla markaana ka hor intii aan xilkan Wakiilnimo aanu qaban ka mid ahaa Madaxda Xisbiga KULMIYE, ayaa in muddo  ah ba xannuun u jiifay Cusbatal ku yaala Magaalada Paris.

Sida uu toddobaadkan sheegay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha  Dibed da Axmed Aadan Ismaaciil, Wasaaraddaas ayaa xilkan si ku-meel-gaadh ah uga  w areejisay Marxuumka intii aanu geeriyoon, isla markaana waxay xilkaas u dhiibeen Madaxa Xafiiska Ganacsi ee Somaliland.

Madaxweyne Rayaale iyo Madaxda Axsaabta Mucaaradka, ayaa tacsi u diray  gu ud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay  Ma rxuum Fagadhe. Waxaanay Ilaahay uga baryeen in uu naxariistii janno ka  waraa biyo.



Source:Somaliland.org