Wakiilka Somaliland ee France Md. Maxamud Salax Nuur Fagadhe oo Siweyn Ubeeniyay inuu Kujiro

 


"Anigu hawl asxaab khilaaf daakhili ahi ka dhexeeyo maaha inaan galo, Hawl qaran baan ku jiraa, asxaab is haysa dhexdhexaadi, cid kale ayaa hawshaa qaban karta, Maaha masuul qaran inuu waxaas dhexgalo, Cid igala tashatayna majirin, Magacayga uunbaa Saxaafada ku arkay, waana nidaam daro waxaasi"... Fagadhe
Siyaasiga Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo haatan ah Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska, kana mid ahaa todoba xubnood oo habeen hore loo xulay inay dhexdexaadiyaan dhinacyada Kulmiye ee khilaafku u dhexeeyo, ayaa sheegay in aanay jirin cid lasoo xidhiidhay, kana talo galisay magacaabista hawshaa, balse uu magaciisa ku arkay uun Jaraa'idka. Isla markaana waxa uu ka cudurdaartay qabashada hawshaa.

"Horta way wanaagsan tahay in laga shaqeeyo masaalax laba dhinac.Laakiin, iyadoo aan cidina wax i waydiin, cidina ila tashan, siday Shirkii Burco u tageena aanan nin ka arag, ayaan maanta (shalay) jaraa'id ku arkay magacayga oo ku yaala oo la leeyahay wuxuu ka mid yahay dhexdhexaadiyeyaasha Kulmiye. Waxaasi waa nidaam (protocol) daro. Waayo; anigu hawl asxaab khilaaf daakhili ahi ka dhexeeyo maaha inaan galo. Hawl qaran baan ku jiraa, asxaab is haysa dhexdhexaadi, cid kale ayaa hawshaa qaban karta. Maaha masuul qaran inuu waxaas dhexgalo," sidaa ayuu yidhi Maxamuud Saalax Nuur oo aanu xalay khadka telefoonka wax kaga waydiinay aragtidiisa ku saabsan guddida dhexdhexaadinta Kulmiye ee magaciisu ku jiro.

Maxamuud Saalax Nuur mar aanu sii waydiinay inuu haatan ka mid noqonayo ergadaa dhexdhexadinta ah ee lagu soo daray iyo inkale waxa uu ku jawaabay; "Xataa cid igu tidhi ma galaysaa ma jirto. Laakiin, kuwii ila hadlay waan u sheegay inaan aad iyo aad uga xumahay asluubta khaldan ee bilaa nidaamka ah. Ninbaa la odhanayaa hawlgal, iyada oo aan waxbaba loo sheegin oo ma aqbalaysaa la odhan, taasi horta waa mid oo waa khalad. Midda kale, dee nin hawl qaran ku jiraa khilaaf xisbi ma dhex dabaalo karo. Markaa anigu masuul qaran oo aan hawshiisu dalka gudihiisa ahayn baan ahay."

Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), waqtigan waa wakiilka Somaliland u jooga Faransiiska, markii xilkaa loo magacaabayna wuxuu ka mid ahaa masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye. Sidaa aawadeed, xilligan Maxamuud weli ma xubin Kulmiye ka tirsan baa, mise markii xilkaa loo magacaabay ayuu si toos ah ugu wareegay xisbiga talada haya ee UDUB?; "Anigu miyaanan toban jeer oo horre sheegin, oo aanan odhan anigu xisbigaygii (Kulmiye) kamaan bixin, xisbiga UDUB-na ma aan ahi. Markaa taas oo kale in lay waydiiyaa waa khalad. Anigu shaqada aan hayo ma siisan xisbi, inaan xisbi xisbi ku bedeshana iskala wayni."

Haddaba, maadaama uu Fagadhe weli ka tirsan yahay xisbigiisa oo aanu u wareegin xisbi kale, muxuu uga ordayaa ama ku diidayaa dhexdhexaadinta gudaha xisbigiisa? "Waxa weeye; taasi hawl dad kale qaban karaan, masuuliyada aan hayaana waa mid qaran oo aan xisbina ahayn, xilkan aan hayo iyo hawl xisbina imika iskuma dari karo, oo daqiiqad kasta hawl baan u dhoofi karaa. Laakiin, miyaanay khalad ahayn iyada oo aan waxba laguu sheegin inaad magacaaga Jaraa'idka ku aragto oo hawl lagu geliyo. Xataa labada dhinac mid I magacaabay ma garanayo, ilaa hada cid ila soo xidhiidhay oo I tidhi hawshaasaanu kuu dirnayna ma jirto," sidaa ayuu yidhi Wakiilku.

 



Source:Qaran