FADLIGA IYO AJARKA SOONKU LEEYAHAY

 


Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bulsho waynta soomaaliland meelkasta oo ay joogaan.Waxa kale oo aan salaamayaa Bahda Timacade News , oo mar kasta raali galisa, soona dhawaysa afgaarta kala duwan ee da dka



Soonku waa gaashaan (la isaga gudbo xumaan falidda, shahwada iyo naarta). Nabigu (S.C.W.) waxaa uu faray qofka aad ugu baahan in uu guursado misna aan awoodin guur (daruufta oo aan u saamaxayn markaas in uu g uursado awgeed, hadday noqon lahayd dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca awooddiisa jirkaba) in uu soomo si ay shahwada rabitaanka guurku uga jabto.

 

Maxaa yeelay Soonku, wuxuu ka reebaa nafta waxyaabaha ay jeceshahay oo ay shahwadu ka mid tahay.Cabd ullaahi ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu nagu yiri: Dhalinyarooy! Kiinnii heli karaa raas (reer) waa in uu guursado, waayo (guurku) wuxuu xakameeyaa indha taagga, sinadana gaashaan buu u ga yahay, kii aan guursan karinna ha soomo da’ fur (tunniin) buu leeyahaye (jebin buu u yahay rabintaanka ga lmada).” Laysku raac ~ Muttafaqun Caleyhi).


Sidoo kale Nabigu (S.C.W.) ,wuxuu caddeeyey in naarta lagu galo waxyaabaha ay naftu jeceshahay iyo in Jann ada lagu galo waxyaabaha ay naftu necebtahay. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yi ri: “Naarta waxaa laga helaa oo ay ku gabban tahay waxyaalaha ay naftu jeceshahay ee macmacaanka adduu nka ah gadaashooda, Jannadana waxaa lagu xayndaabay camal adag oo ay naftu necebtahay“.

 


Wabilaahi tawfiiq
 

 

 

 

 

 

Qalinkii : Guuleed Muxumed Ibraahim
Guuto-143@hotmail.com