Fadhiga xukuumada+
Ficil la'aanta mucaaradka+ Fikir
la'aanta shicibka = Farxada cadawga
somaliland
Waxa
aan aad iyo aad uu salaamayaa dhamaan shicibka Somaliland meel kasta
oo ay jooga an gudo iyo dibadba. Waxa kale oo aan aad uu
salaamayaa shabakadaha dhirigaliya fikirka dadweynaha hadh iyo
habeen a uu hawlan horumarka dalkooda hooyo.bacda salaa
waxa aan qalinka uu qaatay in aan kalmado ka idhaahdo sadexa arimood
oo isku sidkan oo aan kala maarmi Karin
1-Fadhiga xukuumada :-
Runtii sida cad xukuumadeena maanta jirta waxa ay keentay hormar
badan iyo dib uu dhacyo badan .waxa ay ku guulasatay arimo badan oo
ay waxa ka qabatay sida
dhisida ciidamada kala duwan ee dalkeena waxbarshad oo ay ku
samaysay horumar walaw hadan aaanay gaadhin halkiii ugu saraysay
laakin marka looo eego sandadii ina dhaafay la odhan kar o guul ayay
ka geentay xaga waxbarshada laakiin waxa is waydiin leh waxyaalaha
ay qabatay iyo waxyaalaha ay ku fashilantay percentage ahaan iyamaa
badan taas waxa aa u dhaafayaa dadwaynaha somaliland
runti xukuumada maanta haysa talada dalka waxa ay gaabisay waxyaalo
badan oo asaasi ah in ay wax ka qabato sida
dhaqaalaah, cadaalada, . iyo musuqmaasuqa baahay .
dhaqaalaah dalka :
sida aanu la wadasocono dalkeenu waa leeyahay ilihii dhaqaalaha laga
soo saari lahaa sida
warshadaha beeraha macdanta iyo khayraadka bada . intaas iyo in kale
oo badan oo aan halkan ku soo koobi Karin waa ay ku fashilantay wax
ka qabashadeeda xukuumada maanta talada haysa .
dekada berbera oo ah isha dhaqaale ee maanata dalku eegto waxa ay ku
dhawdahay in ay xidhanto .waxa ka soo daga oo kaliya waa baabuurta
iyo tujaarta waa wayn oo iyagu awooda cashuurta faraha badan lkin
dhamaan ganacsatada dhexe iyo dhamaan wax alle iyo waxkasta oo
bagaash waxa ay ka soo dagaan dakada boosaaso.
Sababta keentay in ganacsato rer Somaliland ahi ka yacaan dakada
berbera waa cashurtii oo ku noqotay double sidaas daradeed naftu
waxa ay ku qasabtay in ay raadsadaan dakad ka cashuur jaban taasna
ay sababtay dawladeena maanta talada haysa.
Runti waxa maanta dalka ka jiraa waa ganacsigii khaaska ahaa ee ay
lahayeen shicibku .wax warshada ah oo manta dawladu dhistay ma jirto.
Warshada sibidhka berbera oo hadii ay dhisi lahayd ay ka hawlgali
lahayeen ku dhawaad one million waxana ka badali lahayd shaqo
la.aanta maanta dhaqaajisay curdinkii dalka ayaa ah mid goraygu ka
hadaafay.dhamaan illihii dhaqaaale ee dalka ayaa ah kuwo aan haysan
cid uu kacda o ka faa;idaysta taasna waxa sabab uu ah dawladeena
maanta jirta.
Cadaalada :
Maanta cadaalada dalkeena waxa ay maraysaa marxalad la odhan karo
waa ay hoosaysaa. hadii iminka ay is qabsadaan labo qof ma tagayaan
dawlada iyo hayadaah qaabilsan cadaalada waayo uma haystaan in ay
kala saarayso oo waxa ay ka doorbidayaan geedka iyo qabiilka marka
aad daka waydiiso sababta ay maxakamada uu tagi wayeen waxa lagugu
jawaabayaa nin gardaran iyo nin aan doonayn cadalad ayaa taga
maxkamada iyo hayadaha ku shaqada leh hawshaas in ay dadwaynahu
amini wayeen maxkamadiihii waxa sabab uu ah dawladeena maanta talada
haysa
Musuqmaasuqa:
Sida cad dalkeenu waa dal aan lahayn dhaqaale ku filan oo kaaba aad
ayuu u liitaa heerkiisa dhaqaale hadaan waxa ragaadiyay laamaha
dawlada musuqmaasuq iyo wax is dabamarin baahday dekada berbera waxa
yar ee ka soo baxa waxa loo maareeyaa si ka baxsan sidii loo
qorsheeyay runtii isaga oo dhaqaalluhu yar yahay ayaa hadana hadii
inta yar ee ka soo baxda loo maarayn lahaa sideeda waxa uu noqon
lahaa dal isku filaansho gaadhay sida aynu maanta dumuqraadiyada
aynu isku filnaasho uga gaadhnay.
2 -Ficil la'aanta mucaaradka:-
Maanta mucaaradka dalkeenu waxa aad moodaa in uu qalad fahmay
kalmada mucaarad sida muuqata mucaaradka dalkeenu waxa kaliya ee uu
ka shaqeeyaa waa sidii ay u dhici lahayd doorosho oo ay iyagu talada
dalka ula wareegi lahayeen .
Runtiina waxa aad moodaa in aanay jirin wax wada shaqayn ah oo ka
dhaxeeya iyaga iyo xukuumada.mucaaradku ma in ay ka faa;idaystaan
waxyaalaha ay dawladu ka gaabsatay kuna fashilantay wax ka
qabashadeeda
Siyaasadna ka dhigtaan dhaliilaha dawlada. dawladana ku dhalilaan
waxqabad la.aan runtiii mucaaradkeenu waxa uu ku farxayaa
hagrdaamada xukuumada .hadii aad uu fiirsato sadexda xisibi qaran ee
dalkeena waxa aad araksyaa in ay ku kala duwan yahiiin faraq yar oo
kaliya .siyaasad ahaan iyo muqaal ahaan waa ay iskaga eegyahiin
walaw ay ku kala duwan yahin maagaca oo kliya taasna waxa sababtay
isku eekaan shaha siyaasada xisbiyada
Mucaaridku waa in ay uu soo bandhigaan umada siyasadooda mustqabal
ee ay doonayaan inay umada ku hogaamiyaan oo run ku dheehantahay oo
aan ahayn hadal gole kagakac ah balankaasi oo dan u ah umada reer
Somaliland islamarkaana ay bari kagala xisaabtamaan madaxwaynaha
talada dalka ku guulaysta
3 -Fikir la'aanta shicibka
Sida xaqiiqda ah shicibka reer Somaliland waxa lagu tilmaamaa in uu
yahay shicib heegan ugu jira danaha dalkooda waxa lagu tilmaamaa
shicib is maqla ,wax wada qabsada , kala danbayn leh waxaas oo dhana
waa wax jira waana dhab intaas iyo in kabadana waa mutaystay taasi
waa danta guud ee qaranka waana waajibkooda .
Runtii maanta shicibkeenu waxa uu uu qabsamay sadex qaybood oo kala
ah
1 Qayb ku milantay fagaaraha siyaasada kuna dhex baabaday sadexda
xisbi qaran
2 qayb kala fahmi wayaday siyaasada sadexad xisbi qaran kuna jirta
habaw siyaasadeed oo ay sadexdii xisbi qaran uu noqdeen isku mid
3 qayb wax walba fahansan oo kala garanaaya ka danta dalku jirto
laakin ku raacay qabiil iyo qabyaalad waana qaybta ugu badan marka
aad la sheekaysato qaybtan sadexaad waxa ay ku dhahayaan walaahi
xisbi hebel ayaa ku haboon talada dalka .laakin kugu jawaabaaya
anagu waxa aanu tageersanahaya xisbi hebel waayo dantayada
shaqsiyadeed ayaa nooga dhex muuqatay. ugu dhex muuqan masyo danta
dalka iyo dadka , waxa lagugu jawaabayaaa aniga isaga oo uu ku jiro
xisbi hebel inadeerkay ,adeerkay iyo mid aanu isku jufo nahaya
maxaan ka doonayaa mid kale
Runti horumarka dalku waxa uu ku jiraa gacanta shicibka iyaga ayay
gacantooda ku jirtaa dib uu dhaca dalka codkooda ayuu ku jiraa hadii
ay codkooda uu adeegsadaan ka ay uu maleeyaan in uu wax tar uu
leeyahay kaas ha uu codeeyaan meelna ku gayn mayaan mid aad ku
raacday qabiil iyo qabyaalada akhirana waa lagaaga xisaabtamayaaa
halka uu ku baxay codkaagu danbi aadan qaadi Karin is dhib yar ha
iskugu soo jiidina ogow shicibkaygaw adiga ayuu kugu xidhan yahay in
aad dalka dib u dhac ku yimaado iyo in uu la jaanqaado wadamada
asaagii ah
Shicibka rer Somaliland ha ka fikiraan ka uu haya dantooda hana ka
dheeradaan ka aan marnaba u hayan nasteexo laakin ay ku jirto
dantiisa qofkasta oo maanta codayn karaa ha is waydiiyo inta uu
kaligii is xisaabiyo ka ay danta dalka ku jirto shicibka reer
Somaliland waxa aan u soo jeedinayaa in ay codkooda ku ciil baxaan
malinta ay timaado
Farxada cadawaga Somaliland
Runti marka ay is birsadaan sadexdaa arimood ee ciwaanku xanbaarsan
yahay waxa soo baxasya farxada cadawga Somaliland cadwga Somaliland
oo aha cadaw markasta ku hawaln carqalda Somaliland una diyaar ah
hagardaamada dalkeena .
Laakin hadii sadexdaa arimood ee aanu kor ku soo xusnay ay mi waliba
sidiisa uu heegan galo waxa dhacaysa in cadawkastaaa halkiisa ku
baabo
Eng Ismail l.Hussein
Ali
University
academy of engineering science
Faculty power
engineering
Email
inaxabeeb@hotmail.com
Tell
00249127054890 |
|