Fadeexado ka soo If-baxay Doorka Telefishanka Qaranka ee tebinta
Wararka Weftiga Madaxweynaha oo sababay in laysku Shaandheeyo Qaar
kamida Madax-waaxeedyada Telefishanka Qaranka
Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas, ayaa
maanta isbeddel ku same eyey Madaxii wararka iyo ku xigeenkiisii
Kadib ....
Hargeysa (TNN)- Qaabka telefishanka Qaranku maalmihii u dambeeyey u
soo gudbinayey Socda alka weftiga madaxweynaha ee dalka Isu-tagga
Imaaraadka Carabta, ayaa sababay isbeddel lagu sameeyey madaxa
wararka iyo ku-xigeenka Telefishanka Qaranka.
Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas, ayaa
maanta isbeddel ku same eyey Madaxii wararka iyo ku xigeenkiisii, ka
dib markii la dhaliilay qaabka gudbinta wararka saf arka
madaxweynaha.
Maareeyaha tv-ga qaranka waxa uu beddelay Madaxii wararka Maxamed
Xuseen Cali iyo ku xig eenkiisii Axmed Saxardiid, waxaanu madaxa
wararka Telefiishanka u Magacaabay Wariye Xams e Cali Bulbul oo hore
uga tirsana telefishanka HCTV, halka ku xigeena looga dhigay Cali
Caano-dhame.
Maareeyaha ayaa talaabadan qaaday ka dib markii Telefiishanka
qaranku ku fashilmay inuu bul shada soo gaadhsiiyo wararka safarka
Madaxwaynaha Somaliland ku joogo dalka Imaaraadka Carabta iyo
kulamada uu la yeelanayo masuuliyiinta dalkaasi.
Tv-ga qaranka oo hawshiisu tahay sidii uu bulshada uga soo gudbin
lahaa wararka muhiimka u ah Qaranka isla-markaana masuuliyad gaar
ahi ka saaran tahay inuu talaabo talaabo uga wara mo safarada
Madaxwaynaha, ayaa aad loogu dhaliilay sida aanu u soo tabinayn
safarka Mada xwaynaha ee Imaaraadka, halka Telefiishanada
Madaxa-banaan, gaar ahaan Telefiishanka HC TV uu Madaxwaynaha ku
wareystay Magaalada Abu Dubai ee ku sugan yahay.
Telefiishanka Qaranka oo uu tartan ka dhexeeyo Telefiishanka HCTV,
ayaan weftiga Madaxway naha aanu ula socon Wariye soo tabiya wararka
Madaxwaynaha in kasta oo Wariye la socday safarkii uu dhawaan ku
tagay dalka Turkiga, balse waxa la socda Afhayeenka Madaxtooyadda
Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo galay booskii Wariye Siciid
Maasim axmed Cawaale oo wararkii safarkii Madaxwaynaha ee Turkiga ka
haqab tiray Telefiishanka qaranka iyo warbaahin ta kale ee maxaliga
ah.
Afhayeenka Madaxtooyadda, ayaa safarka Madaxwaynaha ka soo dira
warar googoos ah, bal se talaabada Maareeye Gaas ku badalay madaxa
wararka ee Telefiishanka Qaranka, ayaa la f ilayaa inay ka dhalatay
cadho Maareeyuhu ka qaaday Wareysi uu telefiishanka HCTV Abu Dhabi
kaga qaaday Madaxwaynaha, halka Tv-ga qaranka oo ahayd inuu baahiyo
warkaasi uu soo qaa tay oo kaliya tebinta Afhayeenka madaxtooyada.
Guuleed Muxumed Ibrahim
Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland
|