Fadeexadii
Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha
Reer Burco Abid

Suxufiyiinta Gobolka Togdheer ayaa Hada u Muuqda Kuwo u Kal Qaybsan
Hab Qabali ah ka dib markii ay Qaar ka Mid ah Suxufiyiinta Da,ahaan
Ugu Weyn ee Wariyayaasha Gobolka Ka Hawlgalaa Dadaal dheeraad ah in
mud ahba ugu jireen Sidii Ay u Kala Qaybin lahaayen Guud ahaanba
Warbaahinda Gobolka Joogta.
Talaabadani ayaa Ka danbaysay ka dib markii ay Xubnaha urur
Goboleedka SOLJA ee Togdheer Xilkii Gudoomiyenimo ka Qaadeen
Gudoomiyihii Hore ee Xafiiska Solja ee Magaalada Burco Kayse Digaale,
Isla markaana ay halkaasi ku Doorteen Gudoomiyaha Cusub Yuusuf
Ibraahin Warsame(Ilkacase)
Xilka Qaadista Gudoomiyi Hore
Sida ay ku Doodeen Xubnaha Solka Togdheer: Xilkaqaadista Gudoomiyaha
Hore ayaa ahayd Mid loo maray Nidaamka Iyo Shuruucda Ururuka SOLJA,
Iyad oo xil ka qaadistiisana Lagu Sababeeyay in uu ku Guul daraystay
ka Midho dhalinta Himilooyinkii Ururuka Iyo Aqoon La,aan Baahsan,
Taas badalkeedana ay Xubnaha ururku isla Qaateen in Xilka Laga
Xayuubiyo Gudoomiyihii Hore ee Xafiiska Joogay,
Gudoomiyihii Hore,
Gudoomiyihii Hore ee Solja Togdheer ayaa Xilka qaadistiisa ku
Tilmaamay Mid Sharci Daro ah isla Markaana Olole Xoogleh u Galay in
uu is Hortaago Talaabadi Xilka Lagaga Qaaday, waxna uu Canbaarayn
Xoog leh la Miciin saday Xafiiska SOLJA ee Togdheer isaga oo ku
eedeeyay in uu Gacanta u Galay Wasaarada War-faafinta
Sidoo kale waxa uu Gudoomiyihii Hore ee Xilka Laga Qaaday Gacanta ku
Dhigay Qaar ka Mid ah Wariyayaashii Markii Hore Xilka Ka Qaaday oo
uu Siyaabo kale Duwan u Hantiyay ,
Hogaanka Sare SOLJA
Hogaanka Sare ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Ayaa iyagu
go,aan kama danbaysa ah ka Qaatay Muranka Xafiiska Solja ee Gobolka
Togdheer, waxana Bayaan ay ku Saxeexan yihin Gudoomiyaha SOLJA
Mustafe Cabdi Ciise Shiine, Iyo Xoghaye Muuse Max,ud Ingi Lagu
Sheegay in ay SOLJA Taagersan Tahay Xilka Qaadista Gudoomiyihi Hore
Isla markaana, ay la Shaqayn doonto Hogaanka Cusub ee Solja Togdheer
Iyo Gudidiii ay iska dhex doorteen,
Fadeexada Weyn
Intaasi ka Dib ayaa Guud ahaanba Wariyayaasha Gobolka Togdheer waxa
ay u Muuqdaan kuwo u Kala Qaybsan, Nidaam beeleed Iyo Qabiilo, iyada
oo Suxufiyiintii waaweynaa ee Gobolka Joogay Mid walabaa dhinaca u
Goostya Intii ay isku Hayb ahaayeen,
Inkasta oo ay Jiraan Dhar Wariye oo Fadeexadan ka Fayo-qaba Iyagu oo
aan Qolona la Safan walow ay Xubno ka Yihiin Ururka Solja
Dhinaca Kale Labadan Garan ee Beelaysan ayaa waxa ay Isu Adeegsadeen
Warbaahinta Somaliland Qaarkood oo Iyaga Laf ahaantoodu Nidaam
Beelaysan u Kala Taageersan, Sida Qaar ka Mid ah Wargeysyada Iyo
Qaar ka Mid ah Website Yada Internetka Qaarkood
Saamaynta Anshixii Mihnada,
Kala Qaybsanaanta Qabaliga ah ee Suxufiyiintii Gobolka ayaa ah Mid
meelkadhac Ku ah Xeerka Saxaafada Somaliland Iyo Guud ahaanba
Mihnadii Wariyanimo, waxana ay si Cad uga Hor imanayasaa Xeerka
Saxaafada Iyo Guud ahaanba Sharaftii Warbaahinta, ” Suxufigu waa
Ab-laawe” Ablaawe Waa Ilmo aan Abo Lahayn” Taas Macneheedu waxa
weeyan” Suxufigu Qolo Maaha”
Sidaasi waxa Si Cad u Qeexaaya Qodobka “1″Aad Xaashida ugu Horeysa
ee Xeerka Saxaafad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, oo si weyn
u Qaadaa dhigaaya Sharafta Iyo Qadarinta ay Saxaafadu Mudantay
Sidoo kale Talaabadani Cunsuriga ahi waxa ay ka Hor imanaysaa
Xeerarka Saxaafada kuwooda Caalamiga ah oo si dhab ah u kafaala
Qaadaaya Nidaamyada “Qabaliga”Qoomiyadaha”Diimaha”Midabada”Iyo Kuwa
Laga Tiro Badan Yahayba,
Isku Soo wada Duuboo Talaabadani ayaa Qaran jab ku ah Guud ahaanba
Milgihii, Karaamadii, Anshixii, Ay lahayd Saxaafada Gobolka Togdheer
Iyo Guud ahaanba Himilooyinkii Warbaahinta Somaliland
Baaqa Qalinka
Waxa uu Khadka Qalinku ugu Baaqayaa dhamaanba Wariyayaasha Ficilada
Noocaas ah ku Kacay In ay Raali Galin ka Bixiyaan Talaabadni, Sidoo
kalena ay Khilaafkooda Ku Dhameeyaan Si ay Walaal Tinimo ku
Dheehantahay,isla Markaana ay ka Digtoonaadaan in ay Bulshada u
Horseedaan Kala Qaybsanaan Noocoodan oo kale ah,
Qalainku waxa kale oo uu ugu Baaqayaa Ururada Saxaafada ee Dalka ka
Jira in ay ilaaliyaan Milgaha Iyo Karaamada War-baahinta ay NGO yada
u yihiin isla Markaan aany Is Xag-xagashadoo ka Dhawraan In ay ku
dhex milaan Wariyayaasha Curdinka ah,
Ugu Danbeyntii Hadii aan Talaabani lgu Dhamayn waayo wada Hadal waxa
lumaaya Xaqii ” Udoodida’ Daryeelida ” Wax-barida ” ee Wariyayaasha
oo Dhan,
Foosi Saleban Aw-Bindhe
Freelence Jounalizem
Foosi36@hotmail.com
|