FADEEXADDA XUKUUMADU KA GASHAY MAKTABADA
YUSUF GHANDI!!

Maktabada Yussuf Ghandi waa bar ku taal dhinaca koonfureed ee
saldhiga dhexe ee Booiska wa ana goob la dhigay kutub tiro badan
waxana maamule ka ah Axmed Yussuf Ghandi oo xukuumad dii AHN Maxamed
Xaaji Ibrahim Cigal u ogolaatay daba yaaqadii sagaashameeyadii in ay
noqoto makatabad akhiristeyaashu ka faai'daystaan. Yussuf Ismaaciil
Samater wuxu ka mid yahay maca limiintii bud dhiga u ahayd aasaaska
tacliinta Somaliland; goob magaciisa lagu xormeeyeyna waa xaaran in
nin ganacsada ihi hungureeyo oo dhaqan xumada intaa le'eg ku kaco;
xukuumadana waxa waajib ku ah in ay foolxumooyinka isasoo tarayo si
deg deg ah u xakamayso oo hantidan qaranka ee la faasaxyo laga
waantoobo.
Tilmaam ahaan makatabada waxa xagga dambe ka xiga Boostii iyo
Maxkamadii Qaadiga oo ah hanti Qaran oo soo jireen tan iyo xiligii
mustacmarka hada se si qarsoodi ah oon tartan loo gelin loogu
wareejiyey ganacsata ilma Faarax Xarbi.
Damac iyo hungri waa belee ganacsadaha ayaa sawira in haddii
maktabadana loogu daro oo qar kana loo saaro jidka Saldhiga hor mara
lana hor gooyo jidka Xilmoog ee taga Maxkamada Gobolk a, luuq yar oo
xaafadda Reer Jirde Aw Cali galana la bennedo in meesha dhul
ballaadhani ku jiro; goobtuna ku habboontahay meherad ganacsi oo
casri ah!! Guddoonkii Gar-adag oo la buux dhaaf shay, waxaynu intaa
ugu dari in:
"Wixii shirbeeleed qabsoomay inta ya xukuumadan Siiraanyo xilka
Qabatay malaa'iiktu ha ku dart o miisaanka xasanaadka ee Shirkii
Garadag."
Haddaynu taariikhda magaalada Hargeysa dib milicsano waxa jirey
ganacsade Hidi ah oo magacii su aha Karsandas Pitamber oo ay shuraako
ahaayeen nin reer Somaliland ah oo la odhan jirey Sheikh Cabdisalaan
oo gancsigoodu gaadhsiisnaa dalka Itoobia.
Xili ku beegan dgaalkii labaad ee dunida ka dib ayuu Sheikh
Cabdisalaam AHN badeecad ula safr ay magaalada Jigiga. Halkaas ayaa
Sheekha xanuun ku haleeley isaga oo aad u liita aya Hargey sa la
keenay. Muddo yar ka dib sheekhii wuu xijaabtay. Cidi kama war qabin
sida ay hantida u ka la lahaayeen-Hantidana waxa ku jiray dhisme ahaa
xaruntoodii Ganacsiga oo taalay sekedda Ma sjid Jaamicii hore ee ku
yiil badhtamaha Hargeysa.
Hantida gurayaha dhisan midoodba gaar ayuu u lahaa. Nasiib daro
markii Talyaanigu qabsaday S omaliland magaalooyinka waa laga qaxay
oo mulkiyadihii guryihii Sheekh Cabdisalaan way lumee n. Ninkii Hindi
markuu ogaaday in mulkiyadihii hantida Sheekha aanay xaaskiisi iyo
laba hablood (Caasha iyp Faadumo labadaba AHN hayn, ayaa isaga oo
adeegsanaya nin la odhan jirey Sayid Zain Burci oo hadda ku sugan
dalka Isutagaka Imaaraadka Carabta. Sayid Zain wuxu ka shaqeyn Jirey
xafiiska Badhasaabka qaybta "Land Tenure Office=Xafiiska Mulkiyadaha
Dhulka" ayuu sidaa Karsandas Pitamber u dhaxal wareejiyey hantidii
reer Sheekh Cabdisalaan.
Markuu kacaankii Afweyne dalka qabsaday, ninkii hindiga ahaa
xaruntii ganacsiga ay Sheikh Cab di salaam shuraakada ku ahayeen si
qarsoodi ah ayuu Faarax Xarbi uga iibiyey isna dalka wuu ka
haajirey. Arrinta dacwadeedu maxkamadah ayey ku jirtaa oo waxa ay
isku hayaan ilma Faarax Caalin oo aabohood mudo dheer la shaqeeya
Karsandas iyo Sheekh Cabdisalaam oo isna hantida wax ku lahaa.
Waxa kale oo tan maktabada Yussuf Ghandi barbar socota mid ka sii
foolxun oo ninka la yidha Cabdulcasis Dhulcun iyo koox uu
horboodayaa ay damceen in wakaalada shirkada Toyota Mariel qaybta
Somaliland oo uu mulkiyadeeda leeyahay Cismaan Cabdiraxmaan Aw
Cismaan Samater in ay sifu sharciyadda dalka baalmarsan ku hantiyaan
lahaansha wakaalada ninkii laha nool yahay.
Waa sheekooyin aan sheeko iyo shaahid lana maqal lana arag. Haddii
xaalka dalku sida ku sii soc dana waxa maalin dhow dhici doonta in
dad nool kuwii dhalay lagaga murmo. Subxaana Allah.
Duc kastood ka eegtaba xukuumaddii talada dalka lagu aaminay
waxqabadkeedii wuxu dhaafi la'y ahay boob iyo ku takrifalka hanti
qaran oo si qaawan loogu wareejiyo intii maalgelisey Xisbiga kulmiye
labadii doorasho ee madaxtooyada (2003 iyo 2010).
Aadamuhu wuxu ku deyn bax aa tacabka uu xoogiisa e cashuurta iyo
hantida maatida iyo masaa kiinta ka dhexa ysa in la bililiqaysto waa
wax laga acuudu billaysto. Ayax iyo koronkoro aan geed qoyan iyo mid
qallalantoona dhaafayn ayaa dalkii ku habsatay. Si aanay tan oo kale
loo mutays an umma ddu maalintay mindida daabkeeda hayso ha ka
fiirsato cidda ay taladeeda ku aaminay so. Ilaahayna waxaynu ka
baryeynaa in aan wax nooc oo kale ah ama la halmaala dib inoo soo
m arin.
Sharcigee xalaaleeyey in hanti ummaddeed eex iyo qaraabo kiil la
isugu naas nuujiyo. Furqaan, In jiil, iyo towraat midna laguma hayo
hab dhaqanka xukuumadda uu Md. Axmed Maxamed Maxam uud madaxweynaha
ka yahay.
Haddaan in yar dib ugu yara laabto maalmihii qadhaadhaa ee ina soo
maray oo mudan in had iyo maanka lagu hayo. Maalintu waxay ku
astaysantahay waa maalintii Afweyne Siyaad Bare heshii ska kula galay
Mingiste magaalada DJibouti. Afweyne oo Djibouti ka soo laabtay ayaa
magaalada Hargeysa ku hakaday oo odayaal iyo madax dhaqmeed kula
kulmay. Waxa madashii ka hadlay Allaha ha u naxariistee Xaaji Axmed
Ildab Warsame, Ka dib markuu sii xarago leh Afweyne iyo
dowladiisiiba dhulka u jiiday ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa "..
Maxaanu ka sugi dowladda noo soo dirtay ninkaa ku ag fadhiya ee
BUULE iyo wax ka liitaee xukun noogu dhiibtay ee ummad u taliya
yidhi. Waa ninka qarsoodi ku iibiyey hantidii qaranka ee soo
jireenka ahayd ee dowladdii mustacmarku ka tagtay.."
Hadalkii markuu Xaaji Axmed dhammaystay ayuu raaciyey: " Maxamed
Siyaadoow intii lagu odh an lahaa odayaalbaa la xidhay, anigu
bustahaygii iyo xallaafkiiba waan sitaaye innamada u sheeg hora ha
iga sii kaxeeyaan intaad meesha fadhido.."
Afweyne goobtii ayuu ninkii hantida qaranka iibiyey ku amray in uu
dadkuu lacagta ka qaatay dib ugu cesho!! Maanta ooy soddon sannadood
ka soo wareegtay ay la arkayaa xukuumaddeenii oo Afweyne Baro
Dhaafisay!! Haddiibase la qarmi waayey in hantidii ma guurtada ahayd
la iibiyo maxaa loo baal marayaa in sifaha sharcigu jideeyey loo
maro?
Halkii laga filaayayy caddaalad, sinnaan, iyo xaqsoor iyo horumar
ummadeed ma waxay u xuubsii batay musuqmaasuq, boob iyo wixii
Soomaali hore u dishooday.
Hadaba bal an waxooga ka iftiimiyo ifafaalaha maanta jira ioy
nsheeko laba nin oo waaleel ah oo saaxiibo ah waa AW SALLAWAAT
BULSHO SAWIRE IYO XAAJI NUUR, oo sidan soo socota u dhacd ay:
Xaaji NUUR ayaa Aw Sallawaat weydiiyey:
"Awsallawaat: Berbera hanti qaran ayaa la bixiyey ayaa la leeyahay;
Hargeysana sidaa si le'eg?
Aw Sallawaatna wuxu ku jawaabay:
"Allahay ka Allah, waxaan ka ahayn bannaanbixii Berbera ee xalay
hurdadii ayaa codkii Marxuumkii ina Cabdi Shube cod u eg tix
iidhiibay."
Xaaji NUUR: Hayee?
BATAAXII BATTALAAE BURCIIDII AAD KU OGAYD NINKII, HEE
BIXINWAAYEY EE MARAAKIIBTA KA BUUSHAY BADAHAANA U DHOOFSHAY
BADHTANKEEDA HARGEYSA BOOSTII IYI KAYDKII KU DHOWAANA
KU BIIRSOO XARUNTII BERBERAAD EE KALLUUNKA
BALLANKII GARADAG OO LA BUUXSHAY AHAATAYE
SOW BILIILIQO MAAHA IYO BOOBA YAA WADANII
SALAADIINTAN LA BOODAY EE THEATREKII LA BAQOOSHAY
MA BALOOLAYIYO HEES IYO BOTOR BAY KA CAYAARI
MISE WEY BAAYICIYOO DOOLLARKA AYEY LA BAXSAN
SO BILIILIQO MAAHA IYO BOOBA YA WADANII
BALAAYOO NAGA BAYDH MEEL BAAS EEBE KUGEE
BISINKOOD CUSKATAAN BARYADIIN HA AHAATA
Intaasina waa sheekadii dhexmartay labadaa nin ee saaxibka waana
waaqica jira ee ka tarjumaya dareenka dadweynaha!
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
October 26, 2014.
|