Fadeexadaha uu dhexdabaalanaayo wasiirka maaliyada Somaliland mudane C/casiis Samaale
 


Waxaan marka hore salaamayaa shacabka, masuuliyiinta iyo saxaafada reer Somaliland guud ahaan ,waxaanan ku salaamayaa salaanta islaamka asalaama calaykum waraxmatulaahi. Intaa ka bacdi waxaan manta qalinka u qaatay aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah mar kii aan u adkaysan kari waayey fawaaxishka, fadeexadaha iyo musuq-maasuqa uu badhtanka ugu jiro Wasiirkii Maaliyada ee gacanta loo galiyey Hantidii Ummada dalkan yar ee wali curdin ka ah ee aan haysan dhaqaale ku filan, sida uu ugu takri falayo ee uu u adeegsanayo danihiis a gaarka ah, taas oo aynu beryahaaba kala soconay saxaafada, waxaa soo shaac baxay arin tan oo banaanka soo dhigay, markii isaga oo waliba soo gudanaya Waajibaadkii Xajka ee uu soo laabtay uu usoo noqday iyada oo loolan doorasho oo la doonayo in gudidii qaba-qaabada shirweynaha kulmiye ay iska dhexdoortaan hogaankii kala hagi lahaa guddidaa uu isaga oo d ano gaar ah oo uu leeyahay fushanaya waxaa uu ku laaluushay 15 xubnood oo ka mid ah gud didii qaban qaabada Kulmiye lacag dhan midkiiba $10 000 oo doolar oo ah Hantidii Hmmda ee uu gacanta ku hayey ee uu Kitaabka ugu dhaartay inuu Xafidayo.

Fadeexada labaad ee uu ku jiraa waxa weeye: isaga oo uu Wasiirku balan qaad hoose la galay Gudooiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland ahna Gudoomiyaha Gisbiga Wadani mudane C/r axmaan Cirro oo ay mudo aad u dheer ahaayeen laba nin oo aad isugu dhow muddo dheerna isu ahaa Gudoomiye iyo ku Xigeen si aad u wacan u soo wada shaqeeyey xidhiidh qoto dheeri na uu halkaa ka bilaabmay ilaa maantana ay yihiin ceeshow milix ayaa waxay ilo xogagaal ah iyo cadaymo loo hayaa tibaaxayaan inay labadaa saaxiib ku heshiiyeen inay KULMIYE albaaba da u soo xidhaan oo uu khilaaf aanay ka soo kaban karin uu ka dhex bilaabo aakhirkana haddii sida uu isagu rabo waayo uu u soo wareego xagga xisbiga mucaaridka iyo muxaafidka loo kala saari kari la´yahay ee WADANI taageerayaashiisana ula wareego xaga xisbigaa taas oo loogu balan qaaday inuu ka mid noqon doono hogaanka sare ee xisbigaa,hungirina kaga jiro inuu no qdo Mushraxa Madaxweynenimo ee Xisbiga WADANI.

Arintanan waxaa kula jira Wasiir Samaale wasiiro kale oo ka mid ah Golaha wasiirada ee Soma liland iyada oo waliba farta lagu sii godayo Wasiirka ugu baawarka wayn Golaha Wasiirada xuk uumada madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.Waxa tibaaxu ay farta ku fiiqayaan isbedel ku miyi Wasaiiradan ay fadeexada iyo khiyaamadu biyo dhigtay inay xidhiidh aan qarsoodi lah ayn ugu xidhmeen rag ka mid ah Ganacsato dhexe oo kaambayn ugu jira Xisbiga WADANI sidii uu u heli lahaa taageerayaal badan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ee talada dalka gacanta ku haya, Wasiiradaa oo bilihii ugu dambeeyey lagu arkayey goobaha galabtii iy habeenkii ay ku caweeyaan taageerayaasha u ololeeye xisbiga WADANI.

Waxa wax aad loola yaabo ah inuu Wasiir Samaale ku can baxay marka uu qudbadaha ka jee dinayo fagaareyaasha ay had iyo jeer masuuliyiinta kala hadlaan dadweynahooda ama warb aahintaba inuu Quraan badan iyo Axaadiistii Nabiga scw uu ka soo jeediyo, taas oo dadweyne badani u haysteen nin Shiikha oo ay u kala cadahay xumaanta iyo samaantu oo sax ku ah boo skan uu haysto hadda, hadadaba dadweynow marka aad aragto fadeexadaha iyo musuq maa suqa uu Wasiirku ku dhex jiro iyo Quraan akhriska badani inuu is qabto.

Waxa kale oo aanu haynaa fadeexado kale oo ku saabsan sida uu Wasiirku Qandaraasyada ku bixiyo, qaarkood cadaymahaoodii waanu haynaa, qaar kalena waanu ku daba jirnaa, dhawaan a waxaanu idiinku soo bandhigi doonaa Saxaafada iyaga oo taxane ah

Guntii iyo gabagabadii waxaanu codsi u soo jeedinaynaa dadweynaha reer Somaliland inay in dha ku hayaan oo ay dabagal ildheer leh u yeeshaan masuuliyiintaa Hantidooda ku takri falay sa, Madaxweynaha jamhuuriyadana waxaanu u soo jeedinaynaa inuu daba gal iyo la xisaab tan ku sameeyo Wasiiradiisa dabarka goostay.

WASALAAMA CALAYKUM
 

 


Qalinkii: cabdirahmaan Maxmuud
jidhidhico@hotmail.com