Fadeexad soo food saartay Maamulka waxbarasho ee magaalada Tog-Wajaaale

 


Tog-wajaale (Longlivesomaliland News)-Qaar ka midah Ardayda wax ka barata   dugsiga sare ee Kaamil Ciise ee magaalada Tog wajaale ayaa mudahaarad ka hor sameeyey xafiiska dawlada hoose ee Degmada tog wajaale .


Gadoodka ardayda ayaa waxa sabab u ahaa , in computaradii iyo mishiinkii  dugs igu lahaa la iibsaday, iyo waxbarasho la,aanta ka jirta schoolka oo ayna macalimin haysan.

Qaar ka mid ah ardayda godoodka samaynaysay oo aan waydiinay sababta  kalif tay in ay mudaharaadaan ayaa waxay noo sheegeen in aanay waxbarasho  joog ta ah helin subax walbana ay soo kalahaan iyada oo ay taasi jirto ayaa  comput aradii iyo mishiinki schoolka lagu tagri falay qaarna la iibiyey qaarna dawlada  hoo se la siiyey.

Ardaydu waxay gudoomiyaha waxbarashada sh.maxamed muxumed ka  codsade en in sida ugu dhakhsaha badan qalabkii schoolka loo keeno .

Ardaydani waxa ay Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Wajaale ku  eedeey een in isaguba uu caruurtiisii u bedelay Iskuul ku yaala Magaalada Gabiley ee  Xa runta Gobolka Gabiley, markii ay u muuqatay Baahida aqoon daro ee Degmada ka jirta


Hasa ahaatee, Guddoomiyaha Waxbarashada ayaa arinkaasi ku tilmaamay  eede eda mid uu iska leeyahay Maamulihii hore ee Dugsiga oo lagala xisaabtami doono. Guddoomiyaha oo arinkaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi, “schoolka  computarad ana inta ka maqan waxaa bixiyey maamulihii hore ee dugsiga isagaana lagala xisaabtami. .dhibaatada waxbarashada waa macaliminta oo gunadii ay dawlada hoose ka qaadanayeen aan la siin mudo afar bilood ah” geesta kale,  Guddoo miyuhu isaga oo sharxaya sida ay wax u dhaceen waxa uu yidhi “ shalay ayaa xafiiska degmadu laydhku ka go,ay mishiinkana waxaan u soo qaadnay inta uu laydhku soo dhacayo in xafiiska lagu sii shido, markaan keenayna laydhkii oo soo dhacay ayaan la kulanay subaxda ayaan ku celinayey.”


Dhibaatada Tayo xumada waxbarashada iyo Maamul jilicsanaanta ayaa ah mid ka jirta in badan oo ka mid ah Dugsiyada Waxbarashada ee ay Maamulkeeda  Dawla du gacanta ku hayso.





C/risaaq Muxumed Awdaahir (C/risaaq Dhago)
Longlivesomaliland News Reporter
Tog-Wajaale/somaliland