Fadeexad Qabyaaladeed iyo Karti Daro Maamul Oo Ka Soo If baxday Mareeyaha Tv.ga Qaranka



Qormadii 1-Aad.

Mareeyaha tv.ga qaranka Somaliland oo ah nin qurbaha ka yimid oo ku cusub shaqada uu qaran ka u hayo ayaa waxaa ka soo if baxay in uu ku talaabsado nidaam qabyaaladeed oo ah eex uu ku kala qaybinmayo shaqaalaha tv.ga qaranka isaga oo maareeyuhu baryahan danbe caadaystay in uu koox gaar ah ka dhex masayto shaqaalaha weynaha tv.ga qaranka, isaga oo xitaa fara-geli n ku sameeyay qaabka barnaamijyada loogu kala dhiibayo shaqaalaha isaga oo barnaamijyo uu isagu doonayo u dhiiba kooxda gaarka ah ee uu ka dhex samaystay shaqaalaha tv.ga qaranka

Wuxuu gaadhay xitaa in uu isagu markii kooxdan yari ee uu ka dhex samaystay shaqaaluhu soo qaban kari waayeen barnaamijyadoodii in uu isagu u balamiyo madaxda qaranka oo uu telefanka mid kasta kula hadlo isaga oo leh barnaamij hebel ayaad marti noogu tahay oo waxaa ka qabana ya hebel, halkii ay ka ahayd in uu maareeyuhu hadii uu madaxda qaranka cid u balaminayo uu dh ex u nqon lahaa shaqaalaha tv.ga qaranka, taasi ayaa waxay caqabad ku noqotay barnaamij soo saarayaashii kale oo marka ay madaxdii la hadlaan ayay madaxdii u sheegayaan in maareeyuhu la soo hadlay oo ay tix gelinayaan hadalka maareeyaha, arintaasi oo hoos u dhigtay in bar yahan barnaamijyadii ka bixi jirey tv.ga ay yaraadeen.


Hadaba waxaa la yaab leh ninka Maareeyaha ka ah TV ga Qaranka Somaliland ee lagu magacaa bo Khadar Cali Gaas , in uu u dhaqmo qaab ku salaysan Qabyaalad iyo kala dhaweysi dhinaca sha qaalaha ah, iyada oo la og yahay sida marka shaqaale isku mid ah qabyaalad loogu kala eexdo ay shaqadu xumaanayso oo ay noqonayso mid fadhiidh ah, waxayna shaqaalaha ka dhex abuurays aa kala shaki iyo is nacayb weyn oo ay ku qabaan madaama oo maareeyihii madaxda u ahaa isa gu bilaabay kala qaybinta iyo kala jeclaysiga shaqaalaha tv.ga qaranka.dadka faaqida arimaha warbaahinta ayaa sheegayna hanaanka uu maareeyaha TV ga Qaranku ku dhaqmayo inay taa riikh xum ku yeelan doonto mustaqbalkiisa waayo ayay yidhaahdeed nin kasta waxaa ka hadha taariikh mudada uu joogo ama hayo xilka uu qaranka u hayo, weliba ayay yidhaahdeen iyada oo xukuumada madaxweyne siilaanyo uu xilka uu qaranka u hayo u hadhay mudo laba sano iyo bilo xigii loo dhaariyay in uu xilka hayo,sidaasi daraadeedna mareeyaha tv.ga qaranka hadii aan laga bedelin xilka uu hayo mudadaasi yar isaga laftiisa ay u hadhay,

Waxayna dadkani ka faalooda arimaha warbaahintu sheegeen in tayada dhiinaca barnaamijyada tv.ga qaranka uu hoos u dhacay tan iyo markii uu xilka la wareegay maareeyaha qurba jooga ah ee Khadar Cali Gaas,iyada oo gabi haanba ay beesha ka baxeen barnaamijyo muhiim u ahaa bulsh ada reer Somaliland uu meesha ka saaray maareeyaha qurba jooga ahi taasi oo keentay in dawa dayaal badani iska daayaan daawashadisii madaama oo uusan ilaa hada oo deyn barnaamijyo fa a’iido u leh dadweynaha reer Somaliland,xitaa waxa uu gabay in laga soo daayo barnaamijyo la jaan qaada arimaha siyaasada ee hadba Somaliland marayso, halka barkii hore siyaasada dawla da iyo barnaamijyada tv.ga qaranku ay isla jaan qaadi jireen oo shacabku aad ugu bogi jireen b arnaamijyada tv.ga qaranka halka uu maanta uu marayo halkii ugu liitaday ee uu soo maro TV ga Qaranka Somaliland.


Hadaba khuburada u dhuun daloola arimaha saxaafada ayaa marar badan tilmaamay in uu mada xweyne siilaanyo wax ka bedelo qaabka maamul ee tv.ga qaranka oo ah muraayada qarannimo ee Somaliland dunidu kala socoto,iyada oo loo baahan hayah ayay yidhaahdeen in loo dhiibo maa mulka tv.ga qaranka qof si weyn u yaqaana dhinaca maamulka iyo saxaafada intaba waayo hadii sidan ku sii socda maamulka tv.ga qaranka Somaliland wuxuu nusqaan ku yahay xukuumada uu h ogaamiyo mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo doonaysa inay wax badan wax ka qabato arimo badan oo uu qaranku u baahan yahay balse hadii meel kasta loo dhiibo qof aan shaqadiisa iyo sh ada shaqaalihiisa kala garanayn waxay noqonaysaa dhibaato weyn.


Hadaba marka la eego sida ay barnaamij soo saarayaashu la doonayo inay u soo saaraan barna amijyada waxay ahayd in qof kasta barnaamijka uu soo saarayo laga eego sida uu u soo saaray iyo sida xirfadiisu uga dhex muuqato barnaamijka uu soo saarayo,iyada oo qof kasta lagu qiimay nayo habka iyo sida uu barnaamijkiisa u soo saarayo waxa kaleya ee isaga waa qofka barnaamij soo saaraha ahe laga taageeri karaa marka uu isagu wax gaar ah uu codsado in mareeyuhu ka taageero, taasi waxay wax ka taraysaa in la helo barnaamijyo tayo leh marka sidaasi wanaags an loola xisaabtamo barnaamijyo soo saarayaasha, balse sida uu hada uu u soo fara-geliyay maa reeyaha tv.ga qaranku barnaamij soo saarayaashii waxay dhaawac ku tahay tayadii barnaamij yada iyo nidaamkii maamul ee tv.gfa qaranka.


Gabagabadii waxay dadka u dhuun daloola sida uu u shaqeeyo TV ga Qaranku madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u soo jeedinayaa in uu talaabo adag ka qaado Mareeyaha TV ga Qaranka ,oo shaqaalihisii kula dehx jirey kooxaysi,qabyaalada xitaa iyada oo la sheegay in uu mar marka qaar yidhaa shaqaaluhu waa xoolahaygii oo waxba igaba gelin isaga oo hore uga shaqayn jirey Taksiilenimo dalka ingiriiska iyada oo la sheegay in uu shil gaadhi galay ka dibna laga soo  eryey dalkasi, hadaba waxaasi oo dhami waxay laf jab ku tahay hanaaka Dawladnimo ee uu Madaxweyne Siilaanyo doonayo in uu dalka ku hogaamiyo.

La soco taxanaha qormooyinka danbe

 


Qalinka:C/casiis Bashiir nuur freelance Journalist
Tel:4144434
Email:c.casiis98@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland