FAARAX MACALLIN: "Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa bixiy ay amarka
lagu saxiixay heshiiska ay Kenya ku gashay Soomaaliya"
Nairobi,Kenya (TNN) — Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka
Kenya, Faarax Macallin oo s axaafadda la hadlay ayaa sheegay in
ciidamada Kenya ay ku galeen gudaha dalka Soomaaliya heshiis
dhexmaray xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya iyo tan Kenya.
Faarax Macallin, wuxuu sheegay in madaxweyaha Soomaaliya Sheekh
Shariif uu bixiyay amarka lagu saxiixay heshiiska lagu ogolaanayay
inay ciidamada Kenya ka gudbaan xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo
Kenya ayna la dagaalamaan Al-shabaab.
"Al-shabaab 13-kii sano ayay kusoo duulaysay dalkeenna oo ay
dhibaatooyin kala duwan u geys anaysay shacabkeenna, umana
dulqaadanayno inay taasi sii socoto," ayuu yiri Faarax Macallin oo
sheegay in haddii dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay awood u leedahay
inay sugto ammaanka dalkooda ay ciidankooda la baxayaan haddii
kalena aysan baxayn inta ay amaanka dalka sugaya an.
"Ma sugi karaa isaga (Sheekh Shariif) ammaanka Kenya intuu ciidamada
mushaarkooda siiyo, wa ayo iyaga ayaysan dhaafayn wixii loogu dhiibo,
waa tii markii ciidamadooda ay gaajoodeen ay hubka ka iibsanayeen
Al-shabaab," ayuu yiri Faara Macallin.
Guddoomiye ku xieenka Kenya ayaa sheegay in sababta ay ciidamada
Kenya u galeen Soomaaliya ay tahay sidii loo sugi lahaa ammaanka
shacabka Kenya iyo shacabka Soomaaliyeed.
"Ciidammada Kenya galitaankooda Soomaaliya waa wada-xaajood
dhexmaray Kenya iyo Soomaa liya markii ay maalmo ka hor tageen
Muqdisho wasiirrada difaaca iyo wasiirka arrimaha dibadda, isaga (Sheekh
Shariif) ayaana amar ku siiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya inuu
saxiixo warqad da lagu ogolaanayay inay ciidamada Kenya ay geli
karaan Soomaaliya," ayuu si cad u yiri Faarax Macallin.
Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya wuxuu sheegay
inuu yahay qorshaha ay ku galeen Soomaaliya sidii ay isaga badbaadin
lahaayeen khataraha kaga imaanaya Al-shaba ab, isagoo sheegay inay
dalkooda falal amaan-darro ka wadeen tan iyo sannadkii 1998-kii.
"Waxaa la yaab leh - madaxweynaha (Sheekh
Shariif) inuu shalay dunida ka dalbay
in wax lagala qabto Al-shabaab,
maantana isagoo ay AMISOM gurigiisa ku ilaalinayso inuu ka xumaado
jabka loo geystay Al-shabaab," ayuu yiri Macallin.
"Dowladda KMG ah ujeedadeedu ma waxa weeye inay halkaas iska fadhido
oo aysan doorasho dhicin oo markii uu sanad u dhammaado muddada loo
kordhiyo, taas inagu ma ogolaanayno mana joogi karno, waayo haddaan
dalka waxba laga qaban shan kun oo Soomaali ah baa nagu soo jabaysa,"
ayuu yiri hadalkiisa raaciyay.
Mr. Faarax Macallin oo ay si aad ah isugu dhawaayeen madaxweynaha
DKMG ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu hadalkiisu iimaanayaa xilli uu
shalay Sheekh Shariif ka sheegay Muqdisho inaysan u dulqaadanayn
faragelinta ay Kenya ku sameynayso Soomaaliya.
source:hol
|