Faadumo Siciid oo Madaxweynaha Somaliland ka dalbatay in Xilka laga Xayuubiyo Badhasaabka Saaxil Ramaax kadib markii uu Ciidan Xoogan Dul-dhigay Jaamacada Berbera.

 


Hargeysa (TNN) – Guddomiyaha Ururka Wadaniga ee ODHA Marwo. Faadumo Siciid ayaa madaxweynaha som aliland ka Dalbatay in uu Xilka ka qaado Badhasaabka Gobolka Saaxil Ramaax iyada oo sheegtay in  badhasa abku uu Ciidamo Laxaad leh Dul dhigay Ardayda wax ka barta Jamacada Culuunta Badda ee Berbera, waxa kale oo ay sheegtay in haddii Ciidamadaasi laga Dulqaadi waayo Ardaydaasi ay arintu faraha ka bixi doonto oo ay Ardaydu ay gadood sameyndoonan, Intaasi waxa ay ku dartay Guddomiyaha Gobolka Saaxil uu yahay shakhsi Xilkii loo igmaday gudan kari waayay, oo kolba meel isku qaaday, Waxa oo ay Xustay in Gudida  Jama cada ee muranku ka tagan yahay aanu isagu badali Karin.

Waxa ay sidaasi ku sheegtay Shirjaraa’id oo ay ku qabtay Hotel Maansoor ee Magalada Hargeysa.

Faadumo Siciid oo Arintasi ka hadlaysaa waxa ay tidhi ”Waxaanu u dulqaadanay 4 Cisho Ciidankasi la dul  dhig ay ardaydayadii Jamacada Waxa ka baranaysay, Sidaasi darteed Dulqaadkii wuu naga dhamaaday, in aanu dawano Askar Caruurtaydii iyo Ardaydayadii Hub la dultaagan way noo noqon weyday waa mar kali ah oo ay xabadi fakato oo ilmo halkas uu ku dhinto, waa mar kali ah oo ay ardaydasi kacaan oo ay ka muraaradilacaan oo ay yidhahadaan maxaa naloo dultaagan yahay, oo ay xasarad kiciyan,Sidaasi Awgeed inta uu gobolkii  sa axil uu isku rogman lahaa, waxaan baaq u dirayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxam’uud (Siilanyo) waxaanu ku leenahay anaga oo ku xushmaynayna kuna jecel, waxaanu kaa Codsanynaa ninkan bilaa Masuulka ah, ee aad xilka Gobolka Saaxil u dhiibtay Masuul ma ahee Xilka Xayuubin ku samee, oo Xilka ka qaad, oo qof masuul ah oo garanaaya masuuliyadiisa, iyo wixii meesha loo fadhiisiyey, waan in aad ku badashiid,”Ayey Tidhi Faadumo Siciid.

Marwo Fadumo Siciid waxa ay ka hadashay Wakhatigii Ciidanku Galeen Jamacada Berbera Waxayna tidhi  “Ma alintii Axadii 5 Galabnimo Badhasaabka Berbera ayaa aqoontiisu ay siisay in uu ku kaco ficil xun oo aanay faq ashtii in haysatay aanay sameyn, jamacadii berbera ku taalay oo aanay dhibaato ka jirin, oo arday iyo mac alimiin dagaalamayaa aanay jirin, cid kali ah oo ishaystaa aanay jirin, maamul iyo guddi is haysataa anay jirin, oo macalimiintii Xiisadiihii aradayda ugu jiraan, oo nabad qab lagu jirro ayaa uu badhasaabku Guuto Ciidan ah oo hubaysan uu dul dhigay ardaydii jamacadaasi Berbera ee Culunta Badda waxa ka baranaysay, sababta uu badhasabku uu ciidanka u dul dhigay ardaydaas wuu keeni kari waayey, waxana nasiib darro ah in  Ciidanka yagii qaranka ee dalka ilaalinyey la dulkeeno ardaydoodii.”Ayey Tidhi Faadumo Siciid

Waxa kale oo ay Faadumo Siciid jawaab ka bixisay Hadal ka soo baxay Badhasaabka waxayna tidhi  “Badhasa abku inta uu shirjaraa’id qabtay ayuu yidhi waxaan xilkii ka xayuubiyey Gudidii jamacada Berbera, Guddi kal ena waan magacabay, Lakiin waa in lawaydiiya Su’aasha ah Gudidan uu kala dirayo aya magacaabay , Ma m adaxweyne ayaa magacaabay, Ma isagaa Magacaabay, ma dawladii hore ayaa magacwaday, bal cidan maga caawaday ee xilka ka xayuubinaysa Cida ay tahay Jawaabteedi ayaa badhaaska laga doonayaa.”Ayey Tidhi Faadumo

Waxa kale oo ay tidhi”Waxa uu waxaas oo dhan u sameeynayo isaga oo shaqo fara badani u taallo, oo dugsi yada berbera ka jira qaarkood lagu fadhiisto daasado, in uu meel hagaasan oo shaqaynaysa oo ardaydii wa xa dhiganayaan oo jamacad ah uu askar dul keeno, waa su’aasha lays waydiinayo, Isaga oo gobolka saaxiil ka masuul ah.”Ayey Tidhi

Marwo Faadumo Siciid waxa ay ka dayrisay sababta ay uga gaabsanyan Masuuliinta Gobolka Saaxiil ka soo jeeda in arintan ay u maro helan “ Masuuliyada arintani wax ay saarantahay Wasiirka u qaabilsan Xukumada Gobolka Saxiil Dr. Sacad Cali shirre waxa uu ka qabtay Arintaasina ma jirto, Maayirka Saaxil isaguna waxa uu ka qabtay ma jirto marka dee masuuliyiintaasi shaqadoodii way gabeen”Ayey Tidhi Faadumo.

 

Source:Waaheen