Ethiopia Oo Bilawday Talaabooyin Ay Kaga Aarsanayso G o’aanka Xukuumadda Somaliland Kaga Saarayso Dadka Sharci Darrada Dalkeeda Ku Jooga.
 

 

 


Qaar ka mid ah Ardayda reer somaliland ee wax ka barata dalka itoobiya ayaa shalay laga joojiyay .........

 

Hargeysa (TNN)- Dawladda Itoobiya ayaa qaaday go’aano ay kaga hor imanayso go’aankii ay Xukuumadda Somaliland ku sheegtay inay dalkeeda ka saarayso dadka Ajaanibka ah ee sida sharci darrada ah ku jooga, kuwaas oo ay ugu badan yihiin dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka Ethiopia.

Go’aanka Xukuumadda Ethiopia Qaadatay, ayaa ah Talaabo ay kaga ficil qadaanyso, Dadka Dal keeda u dhashay ee lagu soo celinayo, kuwaasi oo Dalka Somaliland ku soo gala si xad dhaaf ah, waxana ay Xukuumadda somaliland go,aansatay in dadka sharci daradda ku soo galaya ay dib iskaga celiso.

Dadka Somaliland u dhashay ayaa Sababaha u badan ee Dalka Ethopia u tagaan ay tahay Ari mo Caafimaad, Waxbarsho, iyo waliba Arimo khuseeya Dhinaca safaradda Dalka Dibadiisa, wax ana ay Dawladda Ethopia tan iyo intii Ay xukuumadda Somaliland Jirtey Caddaadis dhinaca galitaanka ah ku haysay Dadka reer Somaliland.

Waxaa jira Ardey Reer Somaliland ah oo Waxabarsho kaga jira Dalka Ethiopia, balse Dhowaan Fasax u yimi Dalka, kuwaasi oo markii ay isku dayeen in ay dib ugu noqdaan Dalkii ay Waxbaras hadda kaga jireen la diidey in ay dib u galaan, Ardeydan ayaa Sidatey Mustawaqe Sidda ay u xaqiijiyeen Shabakadda Wararka ee Timacade News qaar ka mid ah ardaydaasi, Waxana ay Dawladda Ethiopia ku xidhay Ardayadani in ay soo Qaataan Passaport fiisaysan oo ay dalka ku soo galaan.

Dhacdadan ayay Dawladda Ethiopia ku xoojisay Caadadiska ay ku haysay Dadka Somaliland ee Dalkaasi tagey, waxana talaabooyinka ay qaaday ka mid ahaa, in Dadka Aan Sharciga Ethiopia haysan ee ka soo jeeda Dalka Somaliland, oo u tageya Caafimaad, Waxbarasho iyo siyaabo kale ay dib usoo celiyaan, ma jiro wali war rasmi ah oo ka soo baxay Labadda Xukuumadood, balse waxa jira Abaabulo ay Labadda Dhinac Doonyaan in ay Caddaadis ku saaraan dadka sida sharci darradda ah isaga kala gudba.

Horre Ayay Xukuumadii uu Alle Ha u naxriistee Madxweynaha ka ahaa Maxamed X Ibraahim Cigaal, isugu dayday in ay dadkan Oromadda u badan ee ka soo Jeeda Ethiopia, Uu Dalka ka musaafuriso, Balse waxa ay arintaasi keentay in dadka somaliland ee Dalkaasi u safarayaa Wadooyinka loo galo, iyadda oo loo geysano Dhibaatooyin Farabadan. Qoomiyada oroma da oo ah Dadka ugu badan dalka itoobiyaha ayaa badanaa kula kaca aargoosiyo Caddaan ah shacab ka reer somaliland ee safarada ku taga dalka itoobiya kuwaasi dhibaatooyin kala kulmo marka ay jirto xurguf u dhaxaysa dadka somalida ah.

Qaar ka mid ah Ardayda reer somaliland ee wax ka barata dalka itoobiya ayaa shalay laga joo jiyay inay soo galaan Degmada Xuduuda ku taal ee Wajaale kuwaasi oo lagu xidhay inay soo qaataan passaport- fiisaysan oo ay ugu gudbaan somaliland iyaga oo sitay Warqadaha dhalashada ee dalkaasi iyo Aqoonsigii ardaynimo.

Talaabadan somaliland ku baaqday inay ka qaadayso dadka Ajaanibka ah ayaa keeni karta Fi cilo aargoosi ah oo lagula kaco ganacsatada iyo dadka reer somaliland ee ku sugan dalka aynu jaarka nahay ee itoobiya.

isku soo wada duuboo Arintan ayaa wax u dhimi karta heshiiskii dhawaan dhex maray Xukuum ada somaliland iyo Dawlada ismaamulka somalida itoobiya ee lagu sii daayay dadkii laga afduubay Xadka somaliland iyo heshiiskii nabadeed ee labada dhinac kala gaadheen.

 



Mustafe Future
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland