Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Soomaaliya Mahi ga Oo Yimi Magaaladda Hargeysa, Kulana La Qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 


 


“waxa mahadnaq weyn leh in ay Somaliland lee dahay Siyaasadd cad, qorshayaal, iyo Barnaamijyo la hir galiyay".
Dr Augustine Mahiga.



Hargeysa (TNN) Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan So omaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa maanta ka soo dagay Garoonka Diyaaraduhu ka hadaan ee Egal International Airport ee Magaaladda Hargeysa, Waftigan ayaa Markii ay soo caga dhig teen Dalka waxa ay Durabadiiba u soo boqoleen dhankaas iyo Madaxtooyadda Somaliland, wax ana kulan ay albaabaddu u xidhan yihiin la qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Kulankan ay wadda qaateen Madaxweyne Siilaanyo Dr. Augustine Mahiga, ayaa ahaa mid aan loo ogolayn Waraabihinta, balse markii uu soo dhamaaday Kulankani ayaa waxa Waraabihinta uga warbixiyay waxa uu shirkoodani ku saabsanaa Mr Mahiga, waxana uu sheegay in ay in ay Madaxweynaha Somaliland ka wadda hadleen Arimaha Nabadgelyaddda, Horumarka iyo arimo kale oo khuseeya Mandaqadda Geeska Afrika.

Dr Augustine Mahiga, Waxa uu sheegay in ay fursad wanaagsan u tahay la kulanka uu la kulm ay Madaxweyne Siilaanyo “Waxaan fursad u helay inaan la kulmo madaxweyanha Jamhuuriyad da, waxaan u sharaxay ujeedda aan u imi dalka taas oo ah inaan soo xidho kulan laga wadda hadlayay Arimaha Nabadgelyadda oo maanta soo xidhmaya” Augustine Mahiga.

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Aug ustine Mahiga waxa uu carabka ku dhuftay in Madaxweyne Siilaanyo ku dhiiri galiyay Sidii uu caalamka ugu soo xidhi lahaa dalka Somaliland, taas oo ay ka wadda Shaqayn doonaan Arimaha Amaanka, Horumarka iyo arimo kale “madaxweynuhu waxa uu igu dhiiri galiyay sii waddida xidh iidhka Somaliland iyo ka Caalamka” Ayuu yidhi Augustine Mahiga.
IMG_2410
Dr Augustine Mahiga waxa uu Somaliland uga mahadnaqay heerka ay ka gaadhay Dimuqraadiy aydda, Maamul Wanaaga, iyo Barnaamijyadda Waxtarka leh ee ka hirgalay Dalka, waxana uu yidhi isaga oo ka hadlaya Arimahaasi “waxa mahadnaq weyn leh in ay Somaliland lee dahay Siyaasadd cad, qorshayaal, iyo Barnaamijyo la hir galiyay”.

Ugu danbeyntii waxa uu Augustine Mahiga sheegay inaanu dalna Horumarin haddii aanuu laha yn Nabadgelyo, iyo kal danbeyn, waxana uu Somaliland ku amaanay heerka ay ka gaadhay xasilaanidda iyo Amaanka “Somaliland waxay lee dahay Siyaasad Cad, iyo Siyaasad cad oo ah xaga Amniga, sidaynu ognahay Dallna ma horumaro isaga oo aan lahayn, Nabad, Amni iyo Xasil ooni”, ayuu ku soo khatimay hadalkiisii Mr Augustine Mahiga.

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Au gustine Mahiga, Ayaa saacadaha soo socdda soo xidhi doona Shir caalami ah oo lagag hadlayay Arimaha Amniga kaas oo maalintii Shalay ahayd ka furmay Hotel Ambassador ee Magaaladda Hargeysa, waxana ka qayb galayay Masuuliyiin ka kala Socdday Qaramadda Midoobay, Ethiopia iyo Madaxa ka socota Somaliland.

Safarkan uu Dr. Augustine Mahiga, ku yimi dalka ayaa noqonaya kii Afraad oo uu sanad gudihii ku yimaado Somaliland.
 

 


Cali-mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa office