Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan So ma liya Augustino Mahiga oo soo gaadhay Hargeysa lana Filayo inuu Dhexdhexaadiyo Wada hadalada Burburay ee la Filayo in Somaliya lala Galo.

 

 



Mahiga ayaa la filayaa inuu isu soo dhawaansho ka abuuro labada dhinac si toos loogu bilaabo

 


Hargeysa(TNN) Wasiirka Arimaha dibada Somaliland ayaa Madaarka Hargeisa ku soo dhaweeyay Ergay ga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya galabta soo caga dhigtay Magaalada Harge ysa, waxaanu War-baahinta u sheegay ujeedada Socdaalkiisu inay tahay sidii uu dhex-dhexaadin uga gali lahaa khilaaf ka dhashay geedi socodka wadahadalada Somaliya iyo Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaanay joogsanaynin wadahadaladii beesha Caalamku labada dhinac ugu yaboohday, waxaanu intaa ku daray in uu madaxda Somaliland oo dhan kulamo la yeelan doono si uu is-afgarad arrintaasi uga dhaliyo.

Mahiga ayaa la filayaa inuu isu soo dhawaansho ka Abuuro labada dhinac si toos loogu bilaabo wada hadaladii Beesha Caalamku ugu baaqeen Somaliland ka dib markii Xukuumada TFG ku dartay laba Xubno od oo Somaliland ka falaa goobay, somaliland-na qaadacday inta ay ku jiraan Xubnahaasi.
 


Timacade News Desk
Hargeisa, Somaliland