Ergada Xaabsade, Maxamed Kaahin iyo Xiirane ma ah ergo naba deed ee
waa dab shidayaal, wa kuwii kusoo fashilmay KALSHAALE
Dhamaan waxan halkan ka leeyahay shacabka JSl MEEL ay joogan ba ciid
wanaagsan ku ciida, wax akaloon si gaar ah bogaadin iyo hambalyo
ciida barakeysan uu marineya mareegaha somaliland ku abtirsada ee
sida qiimaha leh noogu hagar baxay ee waqtigooda qaaliga ah noo hura
marwalba.
Sanadkaasi dawladan Siilaanayo dhisneyd waxa hubaal ah in ey ka
hagardaamo badan 19kii sanadood ee somaliland jirtey, runtii waa
sanadkii ey burburtey dimuqradeydii iyo tubtii aynu kusoconey 19kii
sanadood ee ina soo dhaafay, waa sanadkii dastoorkii iyo shuruucdii
dalka u yaaley ninba sida uu rabay u micneystay, waa sanadkii
musqmaasaqu ugu badana, waa sanadkii nabadgalyadu u xumeyd ee bari
iyo galbeedba dagaalo ka dhaceen, runtii waa sanadkii ey ergo wal oo
ay dawladu igmata fashilmeen.
Kow - shuruucdii iyo dastoorkii eyuu ninba sida ey ugu badiso u
dhigtey uguna dhaqmeya waad la socotan inuu gudoomiyihii golaha
wakiiladu hada shuruucdii dalka odhan isaga gacanta u gashay oo uu
siduu doono ka yeelo shuruucdii dalka, sharci qabaneyan anu maanta
jirin oo isaga ka sareya waana nasiib daro inuu yidhaahdo golaha
wakiilada waxanu ku fadhina aniga iyo lix iyo toban xildhibaan ee
xisbiga qaran ee UCID iskacasilay codadkii beeshooda ayey ku
fadhiyaan oo ma jiro xisbi qaran oo maanta dalkan ka shaqeyneyaa
taaso uu jabineyo sharciyadii iyo shuruucdii 3da xisbi qarn ee
shariciga ah lagusoo doortey.
Maanta waxay laaleen in diwaangalin lagu galo doorashada golaha
dagaanka taaso ey dan gaaraha ka leeyihiin, waana nasiib daro iyo
dib noqosho iyo dhibaato an laga soo waaqsan karin, waxaaso xaalad
abuur ah waxa u sabab ah awooda sharci ee uu isticmaalayo
gudoomiyaha golaha wakiilada.
Waxaynu la socona kacdoonkii caalamul carab ka dhacey in anu aheyn
necbashe loo qabo madaxweyne Musni Mubaarik, Colonel Qadafi iyo Cali
Abdalle Salaax shakhsiyadooda ee waxa u kacdoonkaasi ka dhashay
markii awooda sharci ay burburtey ee ay gacanta u gashay ashkhaas
gaar ah. Ta maanta dalkeena ka jirtan waa mid la mid ah oo loo
baahan yahay in shuruucda dalka la badbaadiyo oo shuruucda laga
ilaaliyo in ay koox gacantooda gasho sida maanta ka muuqata JSLand
oo awoodii golaha wakiiladu ay hoos tagto gudoomiyaha iyo
kuxigeenadiisa.
Laba - Golahii guurtida oo albaabada loo xidhay oo an cidba waxba
weydiin gudoomiyihii oo ila hada war loo heyn meel u ku danbeya ama
ku sugan yahay mudo dhawr bilood ahna an soo xaadirin, sharci lagu
soo oogi karaan anu jirin, islamarkan dawladii daaqadah ka dalacatey
oo an talada iyo nabadeynta beelaha waxba laga weydiin.
Sadex - Golihii wakiilada oo calooshooda u shaqeystayaal noqday oo
mushaharo kordhis iyo maxad cuntaan mooye aan waxkale maqlin karin
oo dhamantood noqday kulmiye islamarkan an hal diidan laheyn ajanda
kaste oo dawladu wadato.
Afar - Odayaashi madaxdhaqameedka ah ee beelaha horjoogayaasha u
ahaa oo la dhalan rogay arimahaasi odhan oo isbiirsaday waxa inoola
horseeday sanadkaasi ey jirtey dawladan kulmiye.
Shan - Waxa hubaal ah in sanadkan Kulmiye dawlada ahaa inagu soo
badatey shir beeleedeyo, an hore u jirinin sagaal iyo tobankii
sanadood ee ina soo dhaafay..
LIX - Waxaaso dhan waxa ka daran msshruucan kulmiyesan ee furashada
ururada faraha badan runtii waa mashruuc 4ta sanadood ee u hadhey
dawladan kulmiye shacabka lagu mashquulineyo, runtii mudadaasi u
hadhey waxay dawladani rabta in sidaasi arimuhu u socdan oo maalin
ba urur la furto beeli leedahay ama jifo hoose ku abtirsada, inta
badan dawladu si dadban bey u taageerta ururada intooda badan oo
gacan bey ku leedahay maadaama shacabka la jahaweerineyo afarta
sanadood ee u hadhey maamulka kulmiye.
Haddaba an hoos ugu soo daadago ujeedadada qormadeydan Waxan maanta
doonaya bal in an waxka idhaahdo sida shacabka loo
jahawareerinayo,gobolkaste oo shaqaaqo ama colaadi ka dhacdo waxay u
diraysa dawladani ergo dab kusi hurisa oo an ehel iyo aqoon toona u
laheyn suluxah beelaha walaalah ah iyo nabadeenta beelaha iswada
dhalay.
Waxa ina soo maray oo an ila hada wax natijo ah laga gaadhin mudadii
sanadka aheyd ee dawladan kulmiye dagaaladii KALSHAALE oo ey dawladu
u adeegsatey wasiiro an waxbadan ka tiri karin colaadaha beelaha
walaalaha ah islamarkan ehelka ah waxa la baalmaray guurtidii iyo
madaxdhaqameeydii meel walba hormoodka ka ahaa ee nabada kusoo
dabaali jiray marka ay arimahan dhacan.
Ila hadda bogtii iyo nabarkii waa halkiisi oo sidii la doonayay
looma dhayin inkastoo u madaxweyne Siilaanayo baaq nabadeed iyo
golgol nabadeed u fidiyay labada beelood ila hada waxa kasoo naasa
cadi ma jiran waxad mooda in an ey daacad ka aheyn dawladani
sababtoo ah baaqi nabada ee madaxweyne siilaanayo iyo gogoshii ba
runtii ma jirto cid loo xilsaarey oo ka daba tagta baaqasi
madaxweyne Siilaanayo ee uu shacabka idaacdaha iyo saxaafadba uga
sheegay waana nasiib daro in ay wali colaadi jirto oo an labadii
beelood daawo loo helin colaadoodii
Maantana dagaaladan Ceerigaabo kasoo socota waa tii kalshale oo an
biyo ismarin wuxu Siilaanayo ergo nabadeed ugu diray shaqaaqda ka
dhacday magaalada Ceerigaabo wasiiro iyo askar runti ka mid ahaa
kuwii Kalshaale kusoo hoobtey nabadeynteed kusoo guuldareystey,
wasiirada iyo askarta loo igmaday runtii maaha kuwo samakatalisa ah
oo beelaha colaadu ka dhexeysa u soo joogsanyaan ama ey
kalsoonidooda siineyaan.
Maanta Xaabsade iyo Maxamed Kaahin iyo Xiirane ma filayo in ay
xaafadooda hoose nabad ka dhalin karaan, waayo waa mas'uulintii hore
ugu soo khasaartey ama fashilmmay nabadeyntii Kalshaale, Taasina
waxay markhaati ka tahay sida dawladan Siilaanayo dabka ugu sii
shideyso gobolkaste o runtii dab damis u baahan markey u igmaneyso
rag an ehel u aheyn nabad oo an kalsooni lagu qabin ergadooda waa in
labad daraf ba kalsooni kuqabaan, waxad aragtan in guurtidii iyo
odayaashi nabadeynta ehelka u ahaa in la baal maray oo rag an geyin
in ay beelaha hor fadhistaan u madaxweyne Siilanayo ergo nabadeed
ugu dirayo. waana halka ey bogtu ka qudhunsan tahay.
Shalay bey aheyd markii beesha dhulbahante weerarka kusoo qaaday
nabadoonkii u diray Siilaanayo mudane Xaabsade waxa goobtaasi ku naf
waayay laba askari oo ciidamada qaranka JSL iyo dhawr dhalinyaro o
lagu dhaawacey goobtasi inkastoo an qofna maalintiisa dhaafeyn,
hadana waxa sabab u ah madaxweynaha igmaday Xaabsade inagamey
dhinteen askartaasi geesiyada ahi hadii anu guurtida ku jirin
Xaabsade.
Dhankale waxa Xaabsade ku weheliyaneyay ergadaloo muj Maxamed Kaahin
oo runtii maanta beel somaliland ah o aamineysa an ey jirin waayo
waxa taasi inooga markhaati ah markii uu saaxiibadii iyo
mujaahidintii uu cidalada kaga dhaqaaqey ee uu qabiilkiisa hoos
galay ila hadan u gam aaro gudleyneyo habdhaqan qabiil oo meelkaste
ku duraya beel soomaliland ah iyagoo wada caadeystay reer kulmiye
beelo ay aflagaadeyaan, Maxamed maaha nin ergo nabadeed waxka tari
kar maanta oo waa mid qofwalba oo reer somaliland ihi og yahay.
Maalmihii uu madaxweyne Siilaanay safarka u baxayay wuxu si
magacaaba dhawr gudi oo ka tirsan labad gole, hadii an soo qaato
gudida shaqaaqadii Ceelbardaale iyo dhexdhexaadinteeda wuxu
gudoomiye madaxweynuhu uga dhigay xildhibaan Cali Xaaji oo horena u
ahaan jiray ciidamada qarankii somaliya,
Mudo sagaal iyo toban sanadood kusiman aynu xildhibaan Cali Xaaji
wada daganeyn dalkan Norway, runtii xildhibaan Cali sidan u aqaano
waa nin weyn oo ah mas'uul sharaf badan, mudo dheerna ahaa sarkaal
ciidamada qarankii somaliyeed wuxu ka gaadhey darajo aad u sareysa
oo aheyd Gaashanle sare, wuxu shaqooyin badan ka soo qabtey
goboladii somaliya iyo dibada ba, wuxu milatari attach ka ahaa
Ciraaq iyo Liibya mudo badan, intii ka danbeysa Liibyan wuxu kusugna
dalkan Norwayn oo uu ah ninkii ugu horeyay SNM sheegta ee la siiyo
nabadgalyo siyaasadeed halka intayda badan la siin jiray mid binu
aadamimo, Cali runtii waa shakhsi aad iyo aad u aaminsan gooni isu
taaga somaliland iyo wali ba ururkeeni SNm, maha nin safaad galiya
qadiyada uu aaminsan yahay xildhibaan Cali,
Runta waxan taariikhada yar ee gaaban soo qaaday markii an saxaafada
ka akhristey in xildhiban Cali Xaaji an u soo qaatey oo an aad uga
xumahay inuu madaxweyne Siilaanayo ku khaldamay xidhibaanka oo uu
madaxa ugaliya foosto goboleed anu kala bixi karin luqunta markii uu
u magacaabay gudoomiyaha xilinta mashaqada ka taagan dagaanka
Ceelbardaale, sida an aaminsanahay xildhibaanku maaha nin ku
wanaagsan xalinta dhibaatada ka taagan Ceelbardaale iwm,
xildhibaanku maaha nin dhaqanka beelaha iyo sida ay dagaamadu kala
yihiin aqoon badan u leh, xildhibaan Cali maaha sida an u aqoono nin
gogoshaasi guul ka soo hooyinkara
,
Waxan leeyahay madaxweyne wali maad garan hawlaha uu xildhibaan Cali
Xaaji si dhab ah uga soo bixi karo, xildhibaan Cali waa milatari
runtiina khibrad iyo aqoon ba u leh ciidamada, wuxu Cali ku
wanaagsan yahay inaad wasiirka difaaca ama ciidamada jiida hore u
magacoowdo oo ad ka deyso marin habaabinta ad odayaasha meelaha an
ku habooneyn fooda u sareyso, hadii ad xildhibaanka boos ciidan ama
wasiir difaaca ka dhigi lehey waxan hubaa in eynu bari hore kala
faataxeysan la heyn Puntland islamarkan xildhibaan cali soo taaban
Garowe iyo meelo ka durugsan.
Waxan kusoo gabagabeynayaa qormadeydan madaxweyne guurtidii iyo
odayaal dhaqameedkii baa nabada wax ka tari kareyee naga daa
eragadan an kalsoonida beelaha ka heysan ee xabada iyo naabaada
iyagii lagu weerareyo.
Omar Darood
Hassan
Norway |
|