Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo soo saaray qoraal ku sahabs an wada
hadalka Somaliya iyo qodobo Dastuurka ku jira oo muhiima
Waxa halkan ku soo ururiyay qodobo Dastuurka oo muhim ah, oo
maamuladii dawldihii isaga da mbeeyay xukunka dalka, ay baal-mareen
ama ka danaysteen. Haddii aan tilmaan ka bixiyo, wad a hadalada
Somaliland iyo Somalia, waxa faa’ido ihii Somaliland ugu ma jirto.
Somalia ma aha Dal madaxbannaan. Madaxdeeda iyo Baarlamaan keeda
midna lama soo doora n. Waxa la odhan karaa, waa “under U.N trustship”.
Waxa ilaaliya ciidamada UNISOM. La’aantoo dna ma jiri karto. Waxa ay
ka talo qaataan xafiiska U.N.ka ee Muqdisho.
Sidaas oo ay tahay, ma qirsana madaxbanaanida Somaliland. Sidaa
darteed, in wakhti lagu lumi yana ma haboona. Waxa ka haboon, innaga
oo maamul-keena adkaynna, danaheennana qabsa nna. Heshiis lalama geli
karno, maamul inna sheeganaya. Gaff weyna waynu galnay shirkii u
da mbeeyay.
Tusaale Eeg: Qod. 38-3,4-b,t).
3.) Baarlamaanku xilgudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo
xeer hoosaadyadiisa.
Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu muhiimsan kuwa soo
socda:- 4-b.) Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u
madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda iyo hawadeeda.
4.t) In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhamaan xeerarka ay u
baahan tahay dawlad Islaam ah.
waxa ay toddoba qof ee waftigii Somaliland uga qayb galay, wada
hadalada labada daraf, ay la soo saxeexeen waftigii Somalia.
Heshiisna Baarlamaanka ayaa saxexiisa leh.
Dhulka, badda iyo Hawada Somaliland, Ma aha wax Somalia heshiis laga
la yeelan karo, xaaladda aqoonsi la’aanta ee taagan awgeed. Haddii
khilaaf ba yimaad, Maxkamad Caalamiya “International Court”, lama
gayn karo Dawlad loo aqoonsan yahay in ay qayb ka tahay Somalia.
Sida darteed wax heshiis ah Somalia lama geli karno.
1.DASTUURIGA Qod.129. “WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO
DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO
SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO.
2.QOD. 9-1Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyada Somaliland waxa
saldhig u ah nabad, talo wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka
xisbiyada badan.
3. QOD 53-3 Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga
ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed dhaqaale iyo nabadgelyo ama
kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin
miisaaniyadda, ama keenaya soo saarid ama wax-ka-beddelid qaanuun.
4.Qod. 38-3,4-b,t). 3.) Baarlamaanku xilgudashadiisa wuxuu ku
salaynayaa Dastuurka iyo xeer hoosaadyadiisa.
Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu muhiimsan kuwa soo
socda:- 4-b.) Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u
madax-bannaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda, hawadeeda.
4.t) In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhamaan xeerarka ay u
baahan tahay dawlad Islaam ah.
5. DASTUURKA QOD.39. G/Wakiiladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha,
waana Qaybta 1aad ee Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka,
oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hogaaminta dalka.
6. G/Wakiilada, Qod.50-3,5, Waayidda XUBINIMADA GOLAHA WAKIILADA
haddii:- 3) Uu jabiyo shardi ka mid ah, shuruudihii lagu soo
doortay, ama uu gudan waayo xilkiisa. 5) Haddii uu ka maqnaado
Golaha 20 (Labaatan) fadhi oo isku xiga idin la’aan.
7. Qodobka 48.
Xubin G/Wakiilada uma banana inay qabato xil kale oo Dawladeed iyada
oo xilkii loo doortay haysa. Umana banna inay uga faa’daysato
xilkaasi dano gaar ahaaneed.
8. Qod.42-1,2,3.
1).Muddada xilka G/Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya
maalinta Maxkamadda Sare ay ku dhawaaqdo go’aamada doorashada.
2). Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka
hor dhamaadka muddada Golaha hore. 3). Haddii doorashada G/Wakiiladu
ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed Golaha hore ayaa xilka sii
haynaya inta ay ka dhamaanayso duruufatasi lagana dooranayo Gole
Cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha
ah, aafo dabiici ah o oculus, sida dhul-gariir, cuduro faafa, abaar
culus, waxana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya G/Guurtida ka dib
marka golaha xukuumaddu sidaa soo jeediyo.
9. Qod. 20, 1,3,5,6. SHAQADA, FARSAMADA, DARYEELKA, IYO BADBAADINTA,
SHAQAALAHA:- 1). Shaqadu waxay xaq u leeyahay kuna waajib ah
muwaadin kasta oo gudan kara.Sida darteed, dawladdu waxay xil iska
saaraysaa shaqa abuuris iyo tayaynta tababarada shaqaalaha. 3).
Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay
qabtaan…………. 5).Sqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka
sidaa waxay xaq u leeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka
ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan. 6).
Dawladdu waxay horumarinaysaa habka taakulaynta, caymiska iyo
bad-baadinta shaqaalaha, waxaanay xoojinaysaa hay’adaha ku shaqada
leh.
10. Qod. 20- 5. Shaqadu waa xaq uu leeyahay kuna waajib ah muwaadin
kasta dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sidaa waxay xaq u
leeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo
kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.
11. QOD 12-2. Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaafta iyo
handtida guud waa waajib saaean Dawladda iyo muwaadiniinta waxaana
qeexaya xeer.
12. QOD. 12-4. Khayraada dabiiciga ah ee dalka waxa mas’uul ka ah
Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurta gal ah
si loo baadho, loogana faa’iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo
badda dalka, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu habboon
ee looga faa’idausa karo xeer ayaa qeexaya.
13. QOD 22-1.
Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha
siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo
Dastuurka.
14. QOD 22-2.
Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku timaamayo wuxuu xaq u
leeyahay in la doorto waxna uu doorto.
15. QOD 24-2.
Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabadgaliyo jidhkiisa; ciqaabta
jidhka iyo waxyeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.
16. QOD 25-2.
Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan
markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan
ku soo saarin Garsoore awood lihi.
17. QOD 29. Hoyga iyo melaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin
xurmayntooda; mana bannaana, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu
jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah
loogu akhriyo amarka garsooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta
aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xadgudubka amarka
garsooraha.
18. QOD 34-1,2,4.
1). Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda,
ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo diinta si
waafaqsan xeerka.
2). Qof kasta waxa ku waajib ah in uu xaq dhawro Dastuurka iyo
xeerarka dalka.
4). Qof kasta waxa waajib ka saran yahay daryeelka, ilaalinta, iyo
badbaadada deegaanka.
19. QOD 27-2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu
eedeeyey awgeed, waxa uu xaq leeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48
saacadood gudahood laha bilaabo marka la qabtay.
20. QOD 49-4,5.
4). Waxa xubinta G/Wakiilada tallaabo laa qaadi karaa haddi lagu
qabto isagoo dembi faraha kula jira; markaana waxa waajib ah in
Golaha si deg-deg ah loo ogeysiiyo
5). Golaha waxa ku waajib ah in uu hubiyo in tallaabada laga qaaday
xubinta ay tahay mid toosan.
21. QOD. 55.3,5,6,7. Miisaaniyadda:- 3). Golaha Wakiilada ayaa
oggolaanay gelidda kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin.
5). Xeer ayaa caddaynaya miisaaniyadda iyo xisaab-xidhka hay’adaha,
wakaalada iyo shariikadaha dawladeed ama kuwa ay wax ku leedahay iyo
u soo bandhigidooda Golaha Wakiilada. 6). Waa waajib u soo
bandhigidda Golaha Wakiilada xisaab-xidhka sannad-maaliyadeedkii
dhammaaday muudo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta
taariikhda dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyado Golaha Wakiiladu
ka doodayo, go’aanna ka soo saarayaan. 7). U soo bandhigidda
xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hanti-Dhawraha Guud.
22. QOD. 59-1,2.
1) Xubin Golaha Guurtida ka mid ah waa inaan da’diisu ka yaraan 45
sano
2) Inuu yahay qof Diinta aqoon fiican u leh, ama oday-dhaqan yaqaan
ah.
23. QOD 70. Xubinta Golaha Guurtida uma bannaana in ay qabato xil
kale oo Qaran iyadoo xilkii loo xulay haysa; umana bannaana in ay
xilka uga faa’iidaysato dano gaar ahaaneed.
ALLA MAHAD LEH
Eng. Maxamed Xaashi
|