Duur waxa uu ka dhigan yahay hashii awrkeeda diidaa awr kale ku roortaa , Cismaan (Hindi)

 

Waxa Shalay wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeisa waraysi siiyey Xildhibaan Mohamed Nuur Carrale oo ka tirsan Golaha wakiilada, xalidhibaanku waxuu Waraysigiisaasi dhaliilo uu u soo jeediyay Xisbiga UDUB oo uu ka soo baxay, kuna tilmaamay inuu Burburayo haddii xukuumadu gacanta la gasho shirweynaha Xisbiaga oo dhowaan lagu qaban doono Magaalada Hargeisa., gudidiisii qabn qaabdana shalay uun la magacaabay.

Hadaba si aanu u ogaano dhinaca Xisbiga UDUB, iyo waxa ay kaga jawaabayo eedaymaha xildhibaanku u soo jeediyey iyo wakhtiga la qabanaayo shirweynaha UDUB, ayaa waxanu warasikooban la yeelanay oo aanu la xidhiidhnay mudane Cisman Cabdillahi Cigaal oo ka tirsan Guddiga Fulinta xisbiga UDUB. Waraysigiina waxu u dhacay sidan;

S. Waxad nooga warantaa waqtiga la qabanayo shirweynaha UDUB?

J. Runtii waa tallabo horumar leh in la magacaabo Gudiga Qabanqaabada Shirweynaha, Waxanan ku hambalyeynayaa Madaxweynaha, waa mid ay ku diirsadeen Dhammaan bahweynta UDUB.

Sida la wada og yahay waxa hadda la magaacabay gudiga qaban qabada shirka oo soo diyaarinaya, Dhammaan hawlihii shirweynaha sida waqtiga iyo meesha lagu qabanayo shirka iyo waxii kale ee la xidhiidha shirkaas, iyaagana laga sugayaa inay cayimaan waqtiga iyo madashaba, waxanan filayaa inay u dhacdo sida ugu dhakhsaha badan.

S. Waxa Xildhibaan Mohamed Nuur Carrale idinku eedeeyey in shirka ay qaban qaabinayaa dad kooban, xukuumaduna gacan ku lee dahay, taas oo u keeni karta Xisbiga Burbur, maxaad arrinkaa ka lee dahay?

J.Horta shir kasta waxa qaban qaabiya dad kooban, lagamana wada taliyo oo hawsha cid uun baa qaban lahayd. Sida aad la socoto Xisbiga waa xisbiga talada dalka haya, waxana guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen u ah madaxweynaha JSL, iyo ku xigeenkiisa, Dawladuna waxay ka kooban tahay xisbiga markaa talo waa ku lee yihiin arrimaha xisbiga iyo shirkiisa,

Ta kale xubnaha Wasiirada ah ee loo magaacabay gudiga qabanqaabada waxay ka mid yihiin gudiga fulinta ee xisbiga iyo golaha dhexeba.waxayna tahay in la sugo inta uu ka qabsoomayo shirku. Waxan idiin xaqiijinayaa inuu noqon doono shir u furan ergada xisbiga iyo marti sharaf iyo goobjoogayaal kaleba. Una dhici doono si furan oo dimoqraadi ah. Waxase la yaab nagu noqday in xildhibaanka oo waqti hore ka baxay xisbiga, kana ololeeya, kuna shaqeeya siyaasad dhan ka ah Xisbiga waxa uu manta uga hadlayo arrimaha Xisbiga. Waxa marag ma doonto ah inuu si cad ugu biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye. Wax talo ahna aanu maanta ku lahayn Xisbiga.

S. Xildhibaanku miyaanu ka mid ahayn xisbiga UDUB?.

J .Isaga ayaa iskii uga baxay Xisbiga lana talo maaha, waa aniga oo manta ka taliya arrimaha xisbiga Kulmiye. Waxuna ka dhigan yahay hashii awrkeeeda diidaa awr kale ku roortaa aftarba dab laga saar way abaaho seegtaa. Waxan filayaa inaan shacabka Somaliland war ku seeganayn in Xildhibaanku aanu la talo ahayn Xisbiga uu ka soo jeedo. Una ololeeyo Xisbiga Mucaaradka ah, Soomalidu waxa ay tidhaa abasguul meel mada taal warna iskuma seegana.

S. Yaa ergada soo xulaya ka qayb gelaysa shirka?

J .Xisbigu waxu uu leeyahay xeer, Xeerkaas ayaa qeexaya habka la raacayo iyo sida loo soo xulayo, mana rabo inaan ka hordhaco hawsha ay wadaan ee loo egmaday Guddiga qabanqaabada xisbiga.
 

 

 



Qarannews