Duruuusta
Ramadaanka Salaada taraawiixda
Fadliga salaada taraawiixda

Sidaan ogsoonahay bisha ramadaan waxaa ka mid ah shicaa'irteeda
tukashada salaada taraawiixda, waana salaad sunno ah oo la tukado
salaadda cisha gadaasheed, waxaana loo tukadaa labo-labo rakco,
nabigana (NNKH) wuxuu xadisi saxiix ah ku sheegay: 'Qofkii tukada
ramadaan asagoo rumeysan oo xisaabsanaya Alaah aktiisa (ajirkeeda)
waa loo dambidhaafaa (dambiyada yar yar, kuwa kabaairta waa in la
toobadkeenaa).' (Bukhari & Muslim) a waxaunno ah salaadaan in lagu
tukado jamaaco sida soo aroortay in uu nabiga (NNKH) tujiyey
saxaabida dhoor habeen kadibna iska daayey cabsi uu ka cabsaday in
lagu waajibyeelo ummadiisa. Markii la gaarey khilaafadii Cumar,
wuxuu arkay dadka oo koox koox u kala tukanaya taraawiix, wuxuuna
bilaawey in uu dib soo nooleeyo sunnada tukashada salaada
TARAAWIIXDA mulimiintana iskugu keenay hal imam inay kudabo tukadaan.
Maxaa lagu aqriyaa salaadaan?
Maku soo aroorin salaadaan quraan
gaar oo la akhriyo. Salafka wey ku dheereen jireen quraan akhriska,
ilaa ey qaar kamid gaarsiin jireen wax u dhow salaada subax, laakin
sida fiican waa in lagu tukadaa salaadan inta ay awoodaan dadka
latukanaya Imaamka.
Waxaa haboon in bisha ramadaan hal mar ugu yaraan lagu dhameeyo
quraanka kariimka.
Meeqo rakaco ayey ka koobantahay salaada taraawiixda?
1-Culumada way isku khilaafeen inta
rakco ay ka koobantahay salaadaan.
Culumada qaar waxey leeyihiin waa(11-rakco) 8-rakco iyo - racko oo
witri waxeyna u soo daliishadeen xadiiska ay caaisha (RDH) oo ahaa:-
''Nabiga (SCW) Kama uusan siyaadin jirin 11-rakco ha ahaato ramadaan
ama yaysan ahaan''.
2-Culumada qaarkoodna waxey qabaab in
ey tahay 20-rakco iyo 3-racko oo witri ah,waxeyna u soo daliishadeen
ficilkii Saaabada –Radiya Alaahu canhum- Xilligii khilaafadii
Amiirul mu'miniina Cumar iyo khilaafadii Cuthmaan.
3-Culiumada badankoodna waxey isku
dayeen in ay isku keenaan labadaan rayi oo waxey dhaheen waxaa SUNNO
ah in la tukado 11-racko, qofkii ka siyaadiyana wax dhib ah kuma
jiraan oo waa ay banaantahay in latukado inkabadan 11-rakco.
Sikastaba ha ahaatee waxaa muhiim ah inuu qofka muslimka ah e sooman
uu ku dadaalo sidii uu utukan lahaa Salaada Taraawiixda inta uu
awoodo, lakiin hadduu awoodo inuu la dhamaysto salaada imaamka taas
ay fadli badantahay, sidii uu kuyiri Nabigeena (SCW) xadiis saxiix
ah:''qofkii la tukada imaamka ilaa uu ka salaamo noqsado waxaa loo
qoraa qiyaamka habenka oo dhan''.
Alaah ayaan ka baryayna inuu naga dhigo kuwii laga aqbalo soonkooda
iyo qiyaamkooda, alaahna uu naga dhigo kuwa laga xoreeya naarta
bishaan barakaysan ee ramadaan.
Wasala Allaahu calaa nabiyinaa muxamad waca aalihi wasaxbihi
wasalam.wasalamu alaikum warahmatu Allaahi wabarakaatuh.
wa bilaahi towfiiq
Adam Ege
|