Dumuqraadiyada Somaliland ama Tayda Noqotay Ama Ku Burburiyey

Dumuqraadoyadu waa hab ama nidaam leh dhaqan hufan, kala dambayn, anshax iyo asluub ay ku dheehan tahay isixtiraam iyo kala danbayn, ismaqal iyo isu tanaasul taas oo uu qofku ka soo hormarinaayo dantiisa gaarka ah ama doonistiisa shiqsimo, danta Xusbiga iyo tan Qaranka, si uu xasbigaasi u gaadho ama u soo taabto Himlada gaarka ah ee uu Xusbi ama Qaran leeyahay, isla markaana ay tusaale fiican u noqdaan,ama ay dhaxal u reebaan sooyaalka dhabta ah ee ay ka dayan doonaan caruurteenu.

Run ahaantii waxa kaaf iyo kala dheeri ah, ama layaab leh sida aynu u jecelnahay inaynu ku dhaqano Dumuqraadiyada iyo sida aynaan uba fahmin ku dhaqankeeda.

Waxa aan marar badan arkaa qof xusbi hogaamiye ama xubin sare ka ahaa, oo markii xilkii laga qaaday ama jagadii uu doonaayey waayey, dacaayad, deelqaaf, iyo dumin, kula kaca xusbigii. isaga oo qofkaasi ku taamaaya in aan waxba ka hadhin, oo uu burburiyo xusbigiiba inta itaalkiisu la,eg yahayna isugu geeya, hadaba taasi miyaanay ahayn ( geed yahow hadii aan xabag kaa helana kaa goostay hadii aan kaa waayana kaa tegey. ).

Miyaanayse layaab ahayn marka ficiladaasi ay ku dhaqmaan kuwa haysta jogooyinka ugu sareeye ee xusbiga iyada oo taasi muujinayso sida aynaan siyaasad ahaan u bislayn ama uba fahmin waxa ay tahay dumuqraadiyadu aynu aad u caashaqnay ku dhaqankeeda.


Dumuqraadiyada Somaliland ama Tayda Noqotay Ama Ku Burburiyey.

 


 


Cabi Qadir Jamac Ismacil Dacar

USA