Dumarka xijaaban oo
dhibaato ka haysato wadanka holland
Holland (Longlivesomaliland
News)-Ninka awooda badan ee Duqa Magaala da Amsterdam mr. Job-cohen
ee wadanka Holland, ayaa soo jeediyey in du marka muslimiinta ah ee
Xijaaban aan la siinin shaqo iyoLacagta caydhaba, hadii buu yidhi ay
diidaan inay xijaabka iska qaadaan. Soo jeedintaasi waxa uu
taageerey Labada xibi ee kala ah CDA IYO PVDA.
Waxaa hore u jirtay in Magaalada kale ee yidhahdo Diemen kan
joojisey du markan xijaaban lacagataasi, arrintaasi oo ay ku
diiday maxkamada sare a mar ku bixisey inaan laga joojin karin
lacagta caydha ee ay qaadaan duma rkaasi. Arrintanai waxay
dhacday sannadkii 2007.
Si kastaba ha aghaatee, af-hayen u hadley Dowlada hoose ee Amsterdam
ayaa sheegey, in baryahan ay socotay in dumarka xijaaban, lagu
khasbo in ay wajigooda muujiyaan, marka ay lacagta caydha
weydiistaan. si loo hubi yo qofka lacagta la siinaayo.
Dhaqaalihii wadanka oo xumaadey awgeed ayaa laga yaabaa inay
cadaadis uga jeedaan arrintan iyo weliba qolooyinka xag jirka ah oo
ku soo badana ya wadanka.
Maxamed yusuf Buux
Longlivesomaliland News Desk
Holland office, Holland
|