Dumarka iyo Dhaqaalaha Somaliland



 

 



Wakhti aan fogayn ayaa waxaan qoray maqaal ku saabsanaa doorka dumarka iyo siyaasadda Somaliland. Markii maqaalkii aan soo bandhigay ayaa jawaabo badan oo kala duwan aan ka he lay dad badan oo dunida daafaheeda ku kala nool, kuwaasi oo ii muujiyay dareeno iskugu jira
dhiirrigelin, tusaalayn, taageerid iyo tallooyin ay ku jirto hogo tusaalayn.


Haddana waxaan go’aansaday in aan maqaal kale soo saaro, kaas oo aan kaga hadlayo arrim aha dumarka iyo dhaqaalaha. Haddaan maqaalkayga gudogalo, waxaan horta ku yara eegay aa taariikhda dhaw ee Somaliland intii aanay dagaaladu ka dhicin dhulkeena, waxa jiray hab-n ololeed kala gadisan oo waliba marka aad si u eegto isku sar go’an. Waxaan uga jeedaa dadk eenu waxay kala ahaayeen reer miyi, reer magaal iyo beeralay, nolosha dadku haysteena mid waliba waxay ahayd mid dagan oo ay ku qanacsan yihiin, balse arrintu waxay isbeddeshay ma rkii ay dalka ka dhaceen dhibaatooyinka iyo dagaaladu, kuwaasi oo si toosa saamayn ugu yee shay hab-nololeedkeena, taas oo dhaxalsiisay bulshadeena in dumar badan noloshoodii hore ka tagaan, iyagoo bilaabay inay door muhiima ka qaataan habka dhaqaalaha dalka oo ay dum arkii intay dhexda iska xidheen noqdeena soo saaraha qawtal-daruuriga in badan oo ka mid a h qoysaska Somaliland, gaar ahaan inta loo yaqaan muruqmaalka (working class) waxay u bad an yihiin dumar.


Haddaan tusaale soo qaadano, waxa ka mid ah dumarka iibiya jaadka,khudrada, caanaha, dhu xusha, iyo kuwa dukaanada yaryar haysta, taasi waxay muujinaysaa in dumarku noqdeen qa ar daboola baahiyaha qoysaskooda, waxaana xusid mudan warbixino kala duwan oo aan ka so o xigtay haayadaha qaramada midoobay inay tibaaxeen wax soo saarka haweenku inuu u dhig mo %70 dakhliga ka soo xarooda dalka gudahiisa.


Iyada oo ay cadahay in dumarku yihiin asaaska dhaqaalaha dalka, waxaa haboon in ay qayb k u yeeshaan hab socodka siyaasadda dalka, maadaama siyaasada iyo dhaqaaluhu ay yihiin lab a shay oo is xambaarsan.Hadaba iyada oo ay sidaa tahay ayaa hadana waxay mar walba qay b ka qaadanayeen nabadda iyo horumarinta dalka, waxaa kale oo ay ka qayb qaadanyeen kori nta iyo kobcinta carruurtooda oo ay waxbarasho iyo nidaam sax inay helaan xooga saarayee n , iyagoo dhib walba u marayay inay bulshada ku soo kordhiyaan awlaad tayo leh, barina noq da kuwii mustaqbalka dalka si sax ah uga qaybqaadan lahaa, haddaba taariikhda cusub ee So maliland waxay muujisay in dumar fara badan ay door mihiim ah oo wax ku oola ka qaataan ha b-socodka dhaqaalaha ee Somaliland,waliba iyagoo abuura shaqooyin kala gadisan.


Somaliland oo maanta maraysa meel lagu diirsan karo, isla markaana dumarku ka yihiin tiir mu hiim ah, waxa isweydiintu tahay; maxaa dumarow inala gudboon? su'aasha jawaabteedu wax ay tahay in aynu sida aynu uga qaybqaadanayno dhaqaalaha, aynu uga qaybqaadano siyaas adda,taana waxaynu ku heli karaa inaga oo ka qaybgala hoggaanka tartanka siyaasada ee da lka.


Doodaha ragga qaar yidhaahdaan in aan weli la gaadhiin wakhtigii dumarku ay talin lahaayeen lama joogo oo aqoontooduna uma saamaxayso, ayaa waxaa burinaaya sida qiimaha leh ee mu ddooyinkan dambe aqoonta dumarku u korodhay. Tusaalena waxaa inoogu filan sannadkii 20 11 ardayadii ugu saraysay jaamacadaha Somaliland waxay ahayd gabadh,ardyadii dugsiyada sare ee Somalialnd ugu saraysayna waxay ahayd gabadh, waana wax aan la iska indho tiri ka rin qaybta laxaadka leh ee ay dumarku ku leeyihiin bulshadeena, ta kale waxaa hubaal ah 20 kii sanno ee u dambeeyey ay aqoonta dumarku sare u kacday, ha ahaato kuwa dalka gudihiisa wax ku bartay iyo kuwa qurbaha wax ku bartayba, taasi oo dumar ahaan noqonaysa mid aynu kalsooni badan kaga heli karno ama kaga helnayba bulshadda Somaliland dhexdeeda.


Maqaalkan iyo maqaalkii ka horreeyeyba waxaan ku iftiimiyay doorka kala duwan ee ay dumar ku ku leeyihiin bulshadda, ha ahaato siyaasadda,dhaqaalaha iyo waxbarashada. Markaa waxa y iila muuqataa in la gaadhay wakhtigii ay dumarku noqon lahaayeen hormuudka dalka Somalil and ay baahiyaha badani ka jiraan, nuglaanta faraha badanina ay saamaysay oo taasi oo wali ba inta badan ka timaad dhinaca ragga qaar, sida ka muuqata dumarka meelihii loo igmaday w axay ka muujiyeen waxqabad lagu faani karo.


Xukuumadda Axmed Siilaanyo oo kursiga ku fadhiday muddo ka badan sannad iyo badh ayaa kursiga uu ku fadhiyo waxaa sababteeda qayb laxaad leh ku lahaa dumarka, iyada oo wakhtig ii tartankii ololaha doorshada lagu jiray uu madaxwayne Siilaanyo ku baaqi jiray inay dumarku heli doonaan 25% saamiga dawladdiisa, laakiin se xukuumadiisa maanta kama muuqato 25%, waxaa halkaa inooga muuqata marka dumar ahaan la eego 5% in ka yar.


Hadaba madaxwayne Siilaanyo waxaan leeyahay madaxwayne awalbaa waxaanu iskaga qana csanayn 25%, maantana 5% inkayar baad na siisay oo aanay dumarku u qalmin, taana waxa an u leeyahay markaad dhinac walba ka eegto dumarku waa tiirka ay ku tagan tahay Somalil and, markaa ma la odhan karaa sidii aanu kuugu caano lisnay noogu maad hambayn?

Gabagabadii waxaan leeyahay rag iyo dumarba aan ka wada shaqaysano dalkeena, umadeen an inoo baahana aan wax u wada qabano, inaga oo gacmaha is haysana, shaqadana yaan lag u koobin ragga oo kaliya ee si isku miisaman ha loo qaybiyo, samiga dumarkana ha ka badhee dho xukumadaadu in ay si xaq soora ugu qaybiso ragga iyo dumarka.

Dumarkana waxaan odhan lahaa waa inaynu had iyo jeer muujina dedaal xooggan, aqoontee nana kordhina, markaa hadii aqoonteenu korodhana waxaynu helaynaa dhaqaale, maadama uu dhaqaaluhu yahay hagaha nolosha had iyo jeer, siyaasadda iyo dhaqaluhuna is xambaars an yihiin.




ALLA MAHAD LEH
 

 

 

 

Naciima Cabdi Galiixe
naciimacabdi3@hotmail.com

Hargeysa Somaliland