Dufcadii ugu Horaysay ee Umulisooyin ah oo Maanta ka Qalin-Jabisay
Dugsiga Caafimaadka ee Hargaysa.
waxaa halkaasi abaal marino lagu gudoonsiiyey sadexdii arday ee
galay kaalmaha ama keenay dhibc aha ugu sareeyay imtixaanadii
.......Daawo Sawiradda
Hargeisa(TNN)-Marwada koowaad ee madaxwaynaha jamhuuriyada
Somaliland marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde ayaa maanta ka qayb
gashay xaflad balaadhan oo loo sameeyay dufcadii ugu horays ay
ee umulisooyinka ee ka qalin jabisay dugsiga culuunta caafimaadka ee
Hargaysa oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargaysa.
Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa
kale oo kasoo qayb galay Mar wada Koowaad ee Jamhuuriyada
Somaliland, Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka, Madax ka tirsan
Wasa aradda Caafimaadka Somaliland, xubno ka socday hayadda
Caafimaadka Aduunka(WHO) Dhakhaatiir, Waalidiin iyo Macalimiinta wax
dhigta dugsiga Caafimaadka Hargeisa
Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris oo hadal kooban
madashaasi ka jeedisay ayaa waxay uga mahad celisay ardayda samirka
badan muujiyay, maamulkii iyo macalimiintii iyo waalidiintii,
Waxaanay ku Amaantay ku amaantay badheedhka ay u badheedheen inay
bilaabaan aqoonta maanta heerka maraysa.
Marwo Aamina Waris waxa kale oo ay sheegtay In ilaa iyo maalintii ay
Somaliland lasoo noqotay mad ax banaanideeda uu dalku maalinba
maalinta ka danbaysa heer kasoo gaadhayay adeegyada horuma
rinta bulshada, tani maantuna ay ka mid tahay kartida dalkeenu tusay
bulshada caalamka inaynu wax qabsan karno.Marwadu waxay halkaasi uga
ducaysay hablaha qalin jabinayay iyadoo ku boorisay inay aqoontooda
si hagar la,aan ah ugu shaqeeyaan wadankooda iyo shacabkooda.
Agaasimaha Dugsiga Culuunta Caafimaadka Hargaysa Axmed Maxamed
Diiriye oo kasoo qayb galayaa sha ku soo dhaweeyay xafalada
qiimaha badan ee ay kala soo qayb galeen isagoo sheegay in arday
dani tahay dufcadii koowaad ee ay u dhamaystireen Culuumta umulisada.
Waxaa kale oo uu ka wara may muhiimada ay umulisooyinku u
leeyahay dalka iyo inay wax badan ka qaban doonaan baahiyaha loo
qabay aqoonta dhalmada
Waxaa kale oo uu halkaasi amaan uga soo jeediyay macalimiinta iyo
maamulka isagoo sheegay inaanu iskuulku jirin cid ka caawisay ee
iskuulku iskii isku waday isagoo xusay inay dufcadani maanta qalin
ja binaysa ay soo gaadhsiiyeen aqoon badan oo ay ku hanan karaan.
Agaasimhu waxaa uu sheegay in ardaydan maanta qalin jabinaysa ay soo
buuxiyeen shuruudihii qalin jabinta iyagoo uu tilmaamay inay soo
mareen imtixaano lagu qiimaynayay oo ay intooda badani ku qalin
jabiyeen kaalmihii ugu wanaa gsanaa.
Dr. C/raxman Cali Mahdi (Aw Koombe) oo isaguna halkaasi ka hadlay
ayaa waxa uu dadwaynaha reer Hargaysa kula dardaarmay inay gartaan
in dugsiga caafimaadku yahay dugsigoodii, waxaa uu intaa ku daray in
ardaydan ay ugu kordhiyeen laba bilood oo ay ka caawinayso haayada
caafimaadka aduu nku.
Dr. C/raxmaan (Awkoombe) waxa kale oo uu sheegay inay ardaydani
heleen tababar fiican oo ay wax ugu qaban karaan hooyooyinka
badbaadin karaana. Waxa uu intaasi raaciyay in Tabarku laba
qaybo od kala ahaa mid galaaska la fadhiisanayo iyo mid toos ah oo
ay gacanta ka qaban jireen iyadoo lagu kaantaroolayo.
Agaasimaha Ururka Kalkaaliyayaasha Caafimaadka Somaliland Marwo
Foosiya Cali Ismaaciil oo iyana madasha ka hadashay ayaa ka
sheekaysay heerka dhimashada Somaliland iyadoo barbar dhigtay hal ka
ay gaadhsiiyeen wadamada aduunku. Waxay kale oo ay sheegtay inay
ogayd in macalimiinta dugsi gaasi oo markii ay bilaabayeen aan
waxba hayn oo taxadka kasoo bilaabeen heerka ay maanta soo
gaadhsiiyeen oo ay tilmaantay inay dufacadii koowaad ka qalin
jabinayso.
Agaasimuhu waxay halkaasi amaan ugasoo jeedisay Dr. C/raxmaan
Awkoombe oo ay ku sheegtay in uu yahay dhakhaatiirta ugu
mashquulka badan laakiin intuu dhexda iska xidhay u tafo xaytay
sidii uu danta guud uga hawl gali lahaa.Ugu danbayntii waxay ardayda
qalin jabinaysay kula dardaarantay inaanay aqoonta halkaasi ku
joojin ee ay halkaasi kasii wadaan.
Agaasimaha waaxda tababarada caafimaadka Dr. Shiine ayaa isaguna si
wayn uga waramay taariikh dii dugsiga tababarka caafimaadka
iyo sidii ay u bilaabeen isagoo cadeeyay in bilaabidiisa ay kaalinta
ugu wayn ku lahaayeen macalimiinta.Waxa kale oo uu Carabka ku
dhuftay in wakhtigii ay dugsiga bilaabayeen sameeyeen xayaysiis ay
lixda gobolka u qaybiyeen si gobolkasta qayb uga helo aqoonta
kalkaaliyenimada. Dr. Shiine waxaa uu kula taliyay ardayda inay ka
midho dhaliyaan aqoontooda oo aanay midna ku talo galin inay
joogayaan Hargaysa ee loo qaybin doono dhamaan gobolada dalka si loo
daboolo baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira.
Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan
oo hadal kooban ka jeedi say Madashaasi ayaa sheegtay in
bulshada Somaliland cidda baahani tahay inta dibada joogta ee aan
helin adeeg dhamaystiran iyadoo ardayda ku boorisay in ardayad
waliba diyaar u noqoto inay kasoo shaqayso goobta lagu qoro,
waxaanay ku adkaysay inay aqoontaa ay barteen ku dabaqi doonaan
goobaha baahiyaha caafimaad ka jiraan.
Ugu danbayntii waxaa halkaasi abaal marino lagu gudoonsiiyey
sadexdii arday ee galay kaalmaha ama keenay dhibcaha ugu sareeyay
imtixaanadii laga qaaday oo kala ahaa,
kaalinta
Koowaad: Khadra Suleiman Maxamed
Kaalinta Labaad: Filsan
Xuseen Yuusuf
Kaalinta Seddexaad:
Maryan Ibraahin Xirsi
Dhinaca kale ardayda qalin jabinaysay ayaa halkaasi hadyado
gudoonsiiyay Agaasimaha Machadka C aafimaadka Hargaysa Axmed Maxamed
Diiriye , C/raxmaan Cali Mahdi (Dr. Aw Koombe), Aasiya Cism aan,
Agaasimaha Waaxda Tababarada Saleebaan Jaamac.
Mustafe Future
Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland
|