Dufcadii
labaad Ee Ka Qalin-Jabisa Kuliyada Caafimaadka
Xoolaha Ee Sheekh Oo La Guddoonsiiyay
Shahaadooyin
Xaflad balaadhan oo lagu sagootiyaya 11 Arday oo ka qalin-jabiyay
Kuliyada Xannaanadda Xoolaha ee Sheekh ayaa Shalay lagu qabtay
barxda dugsigaas.
Dufcadan ardayda ah oo ah kuwii labaad ee ka qalin jabiya kuliyadan
ayaa waxay si gaar ah ugu takhasuseen barashada iyo baadhista
waxsoosaarka xoolaha ( animal product inspectors). halka dufcadii
hore ee halkan ka qalinjabisay sanadkii hore ay ka ahaayeen
baadhista xoolaha nool [Animal Health Inspections].
Ugu horayn Xafladan oo ahayd mid
xiiso badan oo si heersare ah loo soo agaasimay, isla markaana ku
bilaabantay jawi aad u xiiiso badan. Waxaaana halkaa hadalo koobaban
oo isugu jira hambalyo,iyo mahadnaq ka jeediyay masuulka mashruuca
hayadda Terranouva DR. cyprian. haydan oo ah hay'ad Talyaaniya oo
aasaastay dugsigan ilaa hadana maalgalisa.
waxaanu dhakhtarku sigaara ugu mahadnaqay dhamaan ardayda ka
qalinjabisay kuliyadan,iyo masuuliyiinta ka sooqayb-gashay xafladan
sida hay'adda caalamiga ah ee FAO,EU,AU iyo hay'da talyaaniga ah ee
iyadu hooyada u ah college kan.
Waxaa iyaduna halkaa ka hadashay masuulka Terenouva ee East Africa
Mrs. Luci Wood, oo iyaduna jawi farxadleh ugu hambalyaysay kowiyo
tobankan arday ee maanta ka qalinjabiyay kuliyadan xanaanada xoolaha.
Waxaanay aad ugu dheeraatay shaqo galinta ardaydan oo ay ugu baaqday
dhamaan hay'adaha caalamiga ah, xukuumada iyo ganacsada dalkuba in
ay gacan wayn ka gaystaan shaqo abuurida ardaydan oo tiradoodu aad u
yartahay macquulna ay tahay shaqaalayntoodu
Sidoo kale, waxa ay luci wood isla xafladaa kaga dhawaaqday inay
isla barito ay ku dhawaaqidoonaan aqoonsiga shahaadadan muctarifka
ah.waxaanay tidhi waa la aqoonsaday shahaadadan inay tahay muctarif.
waxaanay ugu dambayntii u mahad celisay madaxda iyo shacabka gaar
ahaan sheekh guud ahaana gobolka saaxil sidii dhiirigalinta lahayd
ee ay ugala qayb qaateen aasaaskii dugsigan xanaanada xoolaha.
waxa kale oo isaguna halkaa hadal dhiirigalin, hambalyo iyo
mahadnaqba ka soo jeediyay wakiilka ururka Midawga Africa. waxaanu
aad ugu hambalyeeyay xukuumada somaliland oo soo dhawaysay dugsigan
geeska afrika.
waxa kale oo isna isaga oo afka
waalidiinta ku hadlaya halkaa hadal aad u mugwaaynaa oo soo jiitaay
dhamaan dadweynihii ka soo qayn galay xaflada ka soo jeediyay MR.
Mahamed Omar Carte. waxaanu aad ugu daheeraaday taariikhda degmada
sheekh iyo halka ay kaga jirto xasuusta reer somaliland. waxaa kale
oo uu Mr. Mahamed u hambalyeeyay ardaydan maanta mutaystay in la
gudoonsiiyo shahaadooyinka.
Ugu dambayntii waxaa mahadnaq iyo codsiba halkaa ka soo jeediyay
gudoomiyaha ardayda Mr. A/rahmaan Mahamed Cali. waxaanu xusay
taageeradii hiilka iyo hoodaba lahayd ee ay la garabtaagnaayeen
maamulka iyo macalimiinta kuliyadan xanaanada xoolaha(STVS) intii ay
ku jireen waxbarashadooda. Waxaanu ugu dambayntii ka codsaday
hay'adaha caalamiga ah, xukuumada, iyo ganacsataduba inay u
dhagfududaadaan ardaydan maanta qalinjabisay. waxaanu yidhi maanta
waa maalintii layninka baahnaa taageerada rasmiga ah taas oo aan
waligeed duugoobayn lana xasuusandoono.
Source:Hadhwanaag
|