Dufcadii 5aad ee ka qallinjabisa
Dugsiga Xanaanada Xoolaha ee Sheekh{STVS} oo maanta Munaasibad
balaadhan looqabtey iyo hadaladii Masuuliyiintii ka qayb gashey.
Sheekh
(TNN)-Dufcadii 5aad ee ka qallin jabisa kulliyada xanaanada xoolaha ee
Sheekh{STVS}.ayaa maanta xaflad balaa dhanloogu qabtey xarunta
dugsigaasi ee magaalada sheekh.
Munaasiabdani oo ay ka soo qayb galeen Agaasimaga Guud ee Wasaarada
Xanaanada Xoolaha, Dr Maxamed Axmed Cag a weyne ,Gudoomiyaha Gobolka
Saaxil Maxamud Cali Saleebaan {Ramaax}.Masuuliyiinta degmada
Sheekh,Masuuliyiinta Dugsiga xanaanda xoolaha ee sheekh,Masuuliyiin
kasocotey Jaamacada Makelele university ,Nairobi University iyo
walid iin iyo masuuliyiinta iyo shaqaalaha hayada ternova.
Maamula STVS, Dr Tomas Bazarsanga,oo ugu horeyn munaasibadaasi
kahadley ayaa ayaa kawaramey tariikhdii dugsiga sare ee sheekh
waxaanu sheegey iney tahey dufcadii 5aad ee ka qallinjabisan
kulliyada xanaanada xoolaha ee sheekh.
waxaa uu Dr Tomas waxaa uu sheegey in dugsigani oo ah mid ay
maamusho hayada ternova ay dufcadani ay kujiraan afar hablood .
waxaanu uu hambalyo iyo bogaadin udirey ardeyda dhameysatey
waxbarashadooda oo ay soowadeen muddo seddex s anno ah.waxaa kalle oo
ay uu sheegey in dugsiga ay sanakdan soo socda la wregayaan urur
goboleedka Igad.
Gudoomiyaha Gobolka Saaxill Maxamuud Cali Saleeb Ramaax oo sina
kahadley xafladaasi ayaa ugui horey sheegey inuu ku faraxsan yahey
inuu markii labaad kasoo qayb gallo qallinjabinta dugsiga xanaanada
xoolaha ee STVS mudadii uu hay ey xilka .
Waxaa uu sheegey Ramaax in uu ardeyda ku hambalyenaayo dadaalka ay
sameeyeen waxaanu kula dardaarmey iney w axbarashada halkaasi
kasiiwadaan.Maayirka Degmada Sheekh Md Ibraahim C/laahi Cabsiiye oo isna
munaasibadaasi ka hadley ayaa sidoo kalle sheegey inuu kufaraxsan
yahey ardeydan qallinjabineysa sidoo kallena uu hambalyeynaayo.
Waxaa uu maayirka sheekh uu xusey in dugsiganu uuleeyahey tariikh
dheer oo umada afsoomaliga ku hadashaa ay wax kadhigteen waxaanu
ardeyda kula dardaamey in meeshii ay wax kabarteen ay kusoo celiyaan
demada sheekh oo ay xoo laha degmada cilmiga ay barteen ku daweeyaan.
Sidoo kallena waxaa iyana halkaasi kahadley masuliyiin kasocdey
Jaamacadaha Makelele ee dalka Ugandha ,iyo Nayrobi kuwaasi oo
xidhiidh la leh dugsiga xanaanda xoolaha ee Sheakh.
Miss Lucy oo kamid ah Saraakiisha sarsare ee hayada Ternova ayaa
iyana sidoo kalle umahad naqdey dhamaan ardeyda ka qallinjabisey
waxay xustey iney hambalyeynayso ardeyda.Xaaji Maxamuud oo isna halkaasi kahadley ayaa sheegey inuu aad ugu
faarxsan yahey qallinjabinta dufcadii 5aad ee ka qallinjabisa
dugsiga xanaanada xoolaha ee Sheekh.Qaar kamid ah ardeyda qallinjabisey oo kahadley xaflad aasi ayaa aad
uga xogwaramey sidii ay waxbarashadooda ay usoo dhameysteen .
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr Maxamed Axmed
Cagaweyne Oo isna halkaasi kahadley ayaa sheegey inuu aad ugu
faraxsan yahey kasoo qayb galka xaflada qallinjabinta Dufcadii 5aad
ee ka qallinjabisa kulliyada xanaanda xoolaha ee sheekh.waxaa uu Md Cagaweyne xusey in Wasiirka oo hawlo shaqo oo adag
awgeed usoo halelei waayey xafladaniq lalinjabinta inuu soo
salaamyaa ardeyda qallinjabisey .una soo duceynaayo.Agaasimaha guud waxaa aad ugu dheeraadey in loobaahan yahey
ardeydani oo ah ku bartey cilmiga xanaanda xoolaha.waxaa kalle oo uu
Dr Cag awyne sheegey in dufcadani ay kujiraan afar taasi daraadeedna
ay tahey mid qiimo gaara leh.
ugu dambeyntii waxaa ay masuuliyiintu gudoonsiiyeen shahaadooyinka
qallinjabinta ardeydani.
Kuliyada Xanaanada Xoolahe ee Sheekh ama STVS waa kuliyad Goboleed
ka dhaxaysa dhamaanba wadamada Geeska Af rica, taas oo xarunteedu
tahay Magaalada Sheikh oo ka mida Gobolka Saaxil (Somaliland ) waxay
bixisaa sadex sanadood oo boodhan ah taasi oo ardayda dugsiyada sare
dhamaysata lagu barayo culuumta xoolaha. waxaa ay ardeydani oo
bar ata culuunta xoolaha ay ka hawl geli doonaan dhamaan Maxajarada
somaliland .waana dufcadii 5aad ee ka qallinjabisa dugsigan
xanaanada xoolaha ee STVS.
Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Sheekh , Somaliland
|