DUCOOYINKA AAN LA AQBALIN IYO SIYAASADDA SOOMALILAND

 

Axmed  Carwo
 

Waxa laga soo doogay halgan siyaasadeed oo jiitamay., kuna soo biyo shubtay in xukunka d alka ay la wareegaan hoggaan cusub oo ummaddu igmatay muddo shan sano ah. Waa  ka an u soo dhoofay inaan taagteyda ku xaqiijyo arrinkan. Illaahay wuu nagu guuleeyey, waa nu noo fududeeyey. Waa farxad iyo guul kolka himmiladaadu la mataanowdo ta shacbi-we ynha dalkaaga, oo waxa rumowda odoraskaagii. Farxadaasi ayaa ani iyo ummaddaba weli naga muuqata. Waa nabad iyo naruuro, waa cirkii oo raxmadda Alle ayna maalina ka  maqna an. Waa askartii oo muuqaalkoodi yaraaday, wajigoodu yahay mid salaan iyo  dhoolacadda yn ka muuqato. Hiif iyo hadidaadi wey dhammaatay, saxafi la xidhaa ma jiro, inkastoo  daca ayaddu tahay mid aan loo meel dayin. Xataa lama hayo is-qabsigii dhulka.


Aan u daadego dulucda maqaalka. Waxa Soomalidu tidhaahdaa Allow guursanmaayee ubad i s ii, waa duco aan lagaa aqbalin. Waxa taas la mid ah ducooyinka iyo jacaylka siyaasadeed ee bulshadu aaminsantay een meelna isagu iman. Kuwaas oo ayaamahan si gaar ah loo  buu nbuuniyo. Waxa la dhisay xukuumad amboqaada isbedelka dalka loo doortay. Waxa bulsho caroog ku baahisay in la dhiso xukuumad tayo leh, kooban oo lagu xulo aqoon, karti iyo  daa cadnimo. Taas waxa ka horyimid isla bulshadii oo aragti beeleed wax walba ku eegaysa, gaa r ahaan intii waxgaradka la bidaayey.

Waxa la waayey cabir kale iyo faalo kale oo lagu qiimeeyo dhismaha xukuumadda. Waxaad arkaysaa warbaahintii oo aad uga dambaysa dareenka dadweynaha noqotayna mid aan u adeegin bulshoweynta u baahan waxqabad iyo horumar, bal se warkeeda ku soo koobta inay faaqido cid kasta oo la magaabo reerka uu yahay iyo qaraabadiisa. Waxba kama  shee gto aqoontiisa iyo waxqaabdaka looga baahan yahay inuu yahay qof ku habboon.


Waxa la yaab leh, haddii la rabo in beelo lagu qiimeeyo xukuumadda oon wax kale soo  raac in, waa maxay waxa isbedelay, sow xukuumaddii hore mey ahayn mid beelahu ku dhan  yihii n, oo weliba tiro badan oo beel waliba haysan kuraas intan ka badan. Dadweynahu taas we y ka korayn oo waxa cad in reerihii xukuumadda ugu kuraas badnaa yihiin kuwa dhaliyey  is bedlka ee ka gilgishay waxqabad la'aan iyo daacad darro. Wey diideen xil-u-yaal meel iska yuurura.


Waxaad arkaysa isla qof ku odhanyaaya waa in la dhisaa xukuumad tayo leh, oon loo eegin beelo. Isla markaasna ku leh reerkayagii waa la iloobay, iyo beel hebel ayaa bursatay. Waa duco aan la aqbalayn in la helo xukuumad tayo leh iyo beeshaada oo bursata. Waxa xaqiiq ah inaan sinna loo raaligelin karin reeraha. Waayo bahashu meel ay istaagto ayaan jirin. Waxaad maqlaysaa beel hebel ayaa bursatay, isla beesha reero ka mid ah ayaa cadho  bak htiisan. Taas dhaaf ee jilibo hoose ayaa ku odhanayaa jilib hebel ayaa bursaday, reeraha ka durugsanina isagay wax u tirinayaan!


Waxaad arkaysaa kolba ruuxa kula hadlaaya oo seddex jeer tirinaaya dadka loo  magacaab ay reeraha kale isla markaas wax ka saaraaya kuwa beeshiisa loo magacaabay.Waxaad ma qlaysaa in beeshiisa la siiyey meelo xunxun oon dufan iyo dheef lahyn, cid kasta oo kalena la siiyey boosas awood iyo adduunba leh. Waa indho arka xaqdarro oo u heelan sed bursi, oo ma arkaan xaqqa iyo xaqiiqda.

Waxa habboon inaynu ku eegno aragti la jaanqaada isbedlka aynu u codaynay. Dadweyne waxuu u jeelan yahay cid wax u qabata. Warbaahintu ha ku qiimeyso oo dhaliisheeda ha u leexiso sida cidda hawl loo dhiibay ugu habboontay hawsha laga rabo. Waa xaq waana  hal ka ay ku uruurtay himmilada dadweynahu. Ka kor reer oo doon in la helo mas'uuliin  waxqab ad leh, daacad ah oo hawshooda guta. Ma lihi yaan beelaha si guud loo eegin, waa mid  waa jib ah ee ma aha mid keligeed wax lagu eego.Mana aha in laga tago. Waxa se waajib ah in mudnaanta kowaad la siiyo waxqabad iyo tayo. Taas ayeynu horumar ku gaadhi doonaa. Waxa sidoo kale ah in la helo qiyaas lagu doorto oon marna laga tanaasulin. Taas oo ah  aqo on, karti iyo daacadnimo. Waxa soo raacda dabcan illeyn xisbi ayaa guulaystay oo  xubnih iisu gaadheen midho ay beereene , in la door bido inta guusha isbedelka keentay. Waxaa se waxaas oo dhan ka weyn waxqabad iyo tayo looga fadhiyo ruux kasta oo xil qaaday.Taas ayaana ah midda ay tahay inaynu mudnaanta siino.


Aan faalada u bedelno, hebel ma ku habboon yahay xilka loo igmaday, aan ka waantowno duco aan kacayn sida caddaalad doonka raba in reerkiisu sed-bursado. Waxaan xusuustay nin aanu saaxib nahay oon arkay inuu jecel yahay in laba nin oo laba xisbi kala ah ooy isku reer yihiin tartan adagna dhex yaalo inay labaduba doorashada ku guulaystaan. Hadda waa laba qof oo kursi keliya u tartamaaya oo laba xisbi kala ah. Waxaan ku idhi hebelow ducada hayskaga dhammayn duco aan lagaa aqbalayn, illeyn kursiga keliya labada mid uunbaa ku fadhiisan ah. Waxa taas ka dhigan inaan doono cadaald iyo sed-bursi, iyo inaan doono in la helo xukuumad kooban oo tayo leh, reer walibana rabo in nin ay magac wadaagaan. Reer markaan leeyahay waa jilibo hoose iyo mararka qaarkood xataa qoysas.


Waxaan isweydiiyaa tolow goorma ayeynu gaadhi in muwaadinka loo qiimeeyo shakhsi  aha antiisa oo uu wax ku helo. Waxa i hortimi dalka U.K xukuumaddii Gordon Brown ee sanadkan dhacday inay ku jireen Wasiirada ugu culculus laba walaalo ah, iyo nin iyo xaaskiisa, cid  keli ya oo u aragtay reerna ayna jirin. Waxa manta xilka hoggaanimo ee xisbiga Shaqaalaha ee U.K (Labour Party) u tartamaaya isla labadii walaalaha ahaa ee xukuumaddii hore ku jiray. Waa wax lagu deydaa.


Ramadaan Kariim iyo inagoo oogna habeenada barakaysan. Alle dambigeena ha dhaafo, xaq qa hayna tuso, xasadka iyo beelsooca haynaga daweeyo.

Sidaas iyo soon wacan iyo kulna dame, Insha Allah

 

 

 

 

Axmed Carwo
samotalis@gmail.com
Hargeysa 409 64 21