Rabbi naxariistii janno Fardwssa ha ka waraabiyee waxaa caawa fiidk ii shil gadhi ku geeriyoday marxuum,Dr. Maxamed Yuusuf Cabdillahi Gaboobe,oo ka mid ahaa Dhaatiirta ugu waa weyn ee reer Somaliland

 

    

Gabiley (TNN): - Shil gaadhi oo caawa fiidkii ka dhacay degaanka Agamsaha,ee u dhexeeya Gabiley iy o Arabsiyo,ayaa waxaa ku geeriiyooday marxuum ,Dr. Maxamed Yuusuf Cabdillahi Gaboobe,oo ka mid ahaa Dhaatiirta ugu waa weyn ee reer Somaliland

Marxuum ,Dr. Maxamed Yuusuf Cabdillahi Gaboobe,waxaa uu ka mid ahaa Dhaatiirkii Somalilayeeed e e ugu horeeyey ee dalka guduhiisa & dibadiisaba wax ku soo bartay.Marxuumka ayaa ka soo shaqee yey Gobolo badan oo ka  mid ahaa dalkii la isku dhan jiray Somaliya,in ka  badan 40 sannana ku shaqa ynayey xirfada Dhakhtarnimada.

Waqtigii dib u xoreynt dalka,marxuum ,Dr. Maxamed Yuusuf Cabdillahi Gaboobe,wuxuu ka qayb qaata y halgankii,isagoo aqoontiisa Dhkhtarnimo,ugu adeegi jiray Mujaahidiintii SNM iyo shacabka ay dhibaa tadu ka soo gaadhay askartii daalimkii Siyaad Barre.

Tan iyo dib ugu soo noqoshadii dalka,marxuum ,Dr. Maxamed Yuusuf Cabdillahi Gaboobe,wuxuu aqoon tiisii,xoogiisii,maskaxdiisii iyo duunyadiisiiba kaga qayb qaatay dib u dhiskii dalka,waxaanu ka  mid ah aa Dhakhtaradii faro ku tiriska ahaa ee dhidibada u taagay Wasaarada Caafimaadka Somaliland. Dha khaatiirtaa waxaa kaloo ka mid  ahaa, marxuum,Dr. Maxamed Xasan Caalin Cige Gaboobe.

Marxuum ,Dr. Maxamed Yuusuf Cabdillahi Gaboobe,waxaa kale oo uu oo la soo shaqeeyey Hayadaha Caalamiga ee Qaramada Midoobay,sida WHO,UNICEF,WORLD VISION,IGAD,iwm

Dhamaan maamulka & hawl wadeenada shabakada Wararka ee Timacade News Network  (TNN),ee ku kala sugan dunida dacaladeeda,waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii, ehelkii,qaraabadii, gac alkii,asxaabtii,Dhakhaatiirta Somaliland iyo dhamaan Qaranka Somaliland ee uu  ka baxay Marxuum ,Dr. Maxamed Yuusuf Cabdillahi Gaboobe.Waxaan marxuumka Allah uga baryeynaa, inuu danbi dhaaf u fidiyo,Jannatul Fardwasana ka waraabiyo, dhammaan shacabka Somalilandna samir & iimaan saad iqa ka siiyo,amin.

 

 

 

 

 

Bahda TNN