Dr Maxamed Cumarow maantaan ogaaday inad
tahay WAR MOOG




Dhamaan waan salaamaya warbaahinta iyo saxaafadda xorta ah JSLand, waxan si gaar ah u salaam aya webabka ku abtirsada JSL, ee maalinwalba naga haqab tira warar dalkii hooyo.


Runtii Dr Maxamed Omar wuu hadalay oo khudbad aad u qiimo badan buu ka jeediyay madasha som aliweyne, islamarkan si fiican baa loo dhageystay sacab waa loo tumay, Dr Maxamed waa la wareyst ay oo bbcda iyo warbaahimo badan baa wareystay si fiican oo miisan leh buu uga jawaaba su'aalihii isla markan uu uga waramay sidii u isagu u heystay shirku inuu ku socdo allaheyo ha cadaabin Maxa med.


Waxa haddaba isweydiin mudan ma waxynu dhageysanaa wareysiga Dr Maxamed Omar iyo jawaaba ha uu ka bixinaya wixi shirkaasi ka dhacay ee u isagu aaminsan yahay, mise ujeedada ay caalamku ka laheyn shirkan iyo cida ay khuseyso ayeynu isweydiina shacab yahow. Shirkan waxa inooga waramay dawladii go'gosha fidiysay oo si cad caalamka uga warantay in ay gole loo dhan yahay la isugu keena y dawladii TFGd iyo sedexdii maamul ee dalka ka jiray ee nabadgalyda ku soo dabaalay dagaankoodii.


Khudbada Dr. Maxamed mar la weydiiyay madaxdii hogaamineysa madasha shirka waxay ku micneye en hadal la iska yidhi meeshan aan looga baahney lagana filayn, warkaasi waa xaqiiq, somalidu markh atigeeda ayey fogeysaye bal aakhristo isku day inaad wax ka ogaato wararkii ay warbaahinta siiyee n gadhwadeenadii ugu miisanka cuslaa ee shirka hogaaminayay sida dawlada Itoobiya wasiirka khaar ajigu ka dhawaajiyay ee u ila hada leeyahay ama la soo taagan yahay waa in soomaliland qeyb ka qa adata sida loo dajinayo dastoorka dawlada somaliya ee mustaqbalka taasi macnaheeda soo maaha waar imikaba arimaha distoorka qeybtiina ka dajiya is aydaan hadhow u odhan waa nala khiyaameya iwm, somalidu waxay tidhaahda NIN KUU DIGAY KUMA DILIN.


Dawlada aynu gacalka iyo jaarka wanaagsan nahay ee Jabuuti horey ba talooyin waxkool ah inoo soo gudbisay markey tidhi waar soomali baad tihiin miiska soomalidu wax ku qeybsamayso ama wax loogu qeybinayo ha ka maqnaanin, talooyinkan dawladeen aad iyo aad bey ugu guuxday oo si fiican bey ug u dhago nuglaatey oo waata ad aragto in ay qardajeex islamarkan ay dhabarjabiyeen gooni isu taagi JSL oo ay shirkii dawlada TFG iyo maamulada soomaliya la dhex dhigay, runtii meesha waxa ka dhacay talo xumaan iyo wada tashi la'aan. TALADAAN LA RUGIN WAA LAGU RAFAADA, waxay aheyd dawladu in ay wadatashi la sameyso golayaasha sharciga ee dawlada iyo xisbiyada qaranka, iyo waliba waxga rada iyo aqoonyahanada JSL ee siyaasadaha caalamka la socda, ceeb maaha ama kuma ah dawladee na waar arimaahasi buu mugi naga jiraaye maxay idin la tahay, inta ay u dhago nuglaanayaan dawla da Jabuuti iyo Itoobiya oo an midina ogoleyn in la aqoonsado somaliland


Waxan ku soo gabagabeynaa GORAYO WASKHI MUUQATA AYEY XAASASTA, Dr Maxamedow inadeer khudbadaadii aad baa loogu qosley oo waxad aheyd nin WAR MOOGAH oo an la socon waxa meesha ka socda, taasina waxay ka muuqata wareysigaaga iyo sida ad isku difaaceyso. Waxan u maleynayaa inaad laba mid uun noqon doontaan adiga iyo madaxweynaheena Mj Axmed Maxamed Maxamoud-siiraanyo,

1. War moogayaa, badheedh ad badheedheen inaad gooni isutaagii JSL ad ka noqoteen iyo inaad sha cabka XAASHA AH EE CODKOODA IDIN SIIYAY 70% ayad FEEDHAHOODA TIRSATEEN OO AYDAN CIDBA WAXBA ISAGA TIRINEYN


Wa bilaahi tawfiiq
 

 

 

 

 

Omar Darood Hassan
Gud.Guud ee Nordic - UCID