Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar Oo Ka Hadlay Saamaynta Bix itaanka Midawga Yurub, Madaxweynahana Talooyin U Jeediyay

 


 


Dr. Cumar, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo kula taliyay saddex qodob oo uu ku waajihi karo siya asadda Arrimaha Dibadda Somaliland

Hargeysa (TNN):- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamig ah Dr. Maxamed Ca bdillaahi Cumar, ayaa go’aanka ay Midowga Yurub ku xidhayaan xafiiskooda Hargeysa ku tilmaa may mid ay hoos ugu dhigayaan ahmiyadii ay siin jireen Somaliland, waxaanu ku macneeyay tal aabo u muuqata inay horudhac u tahay qorsheyaal cusub oo uu Midowga Yurub ku waajahayo Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdillaahi, oo isagoo jooga magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya waraysi siiy ay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in xafiiska Midowga Yurub uu hadda xaruntiisa ka dhiganayo magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya halkaas oo ay doonayaan inay Somaliland-na ka maamulaan.

Dr. Cumar, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo kula taliyay saddex qodob oo uu ku waajihi karo siyaa sadda dibadda Somaliland. Waraysigaas oo uu Maxamed Cabdillaahi sidoo kale xisbiyada qaran ka ugu baaqay inay arrinta Midowga Yurub ku waajahaan midnimo, wuxuu u dhacay sidan:

Sideed u aragtaa siyaasadda cusub ee ay Midowga Yurub kaga guurayaan xafiiskooda Hargeys a oo ay kaga tagayaan laba qof oo shaqaale ah oo iyagana la gaynayo xafiis kale?

Waxaan u arkaa go'aanka Midawga Yurub ee la xidhiidha xafiiskoodii Somaliland mid hoos u dhigaya ( down grading) muhimaddii ay siin jireen Somaliland, waxaana muuqata in talaabadani ay horudhac u tahay qorshayaal cusub oo ay leeyihiin oo ku wajahan Somaliland.

Midawga yurub wuxuu ka mid yahay deeq bixiyayaasha ugu cimriga dheer ee Somaliland la soo shaqeeyay, xafiis muuqdana ku lahaa. Maqnaanshiisu wuxuu muujinayaa isbedel siyaasadeed o o ka socda xagga Midawga Yurub.

Maxaad filaysaa inay siyaasadan cusub ee Midowga Yurub keentay, maxayse saamayn ku yeelanaysaa Somaliland?

Xafiska Midawga Yurub ee qaabilsan Somaliya wuxuu hadda xaruntiisa ka dhiganayaa Mogadish o, waxaana muuqato in hawlihiisa Somaliland halkaa lagu wado in laga maamulo.

Miyaad aaminsantahay inay dhaqaale xumo ku qasabtay go’aankan midowga Yurub mise sida ay dad badani aaminsayihiin waa siyaasad ka dhalatay muddo kordhinta guurtida oo ay beesha caalamka ee Somaliland taageertaa ka soo horjeedsatay?

Ma qabo in ay dhaqaale yaraani kaliftay go'aankan ay qaateen, waayo lacag badan oo shaqaal e dhimid iyo xafiis xidhid ugu badbaadaysaa ma jirto. Go'aankii Guurtidu ee khilaafsanaa heshiis kii saddexda xisbina inkastoo uu ka cadhaysiisay haddana ma keeni karo isbedelkan intaa le'eg, waayo beesha caalamku intooda badan way ka boodeen arrinka Guurtida. Go'aankan Midawga Yurub wuxuu ka turjumaysaa qorshe iyo isbedel siyaasadeed oo cusub oo ku waajahan Somalila nd.

Waxaan u soo jeedinayaa xukuumadda iyo xisbiyada qaranku inay ku baraarugaan isbedeladan oo aan la siyaasadayn lagana wada hawlgalo waayo waxay yeelan karaan saamayn siyaasadeed oo baahsan.

Maxaad u soo jeedinaysaa Madaxweyne Siilaanyo oo dhinaca siyaasadda dibadda ah maadaam a oo aad wakhti dheer ahayd wasiirka khaarajiga.?

Dhinac siyaasadda Dibadda waxaan Madaxwaynaha u soo jeedinayaa saddex arrimood oo muh iim ah. Kaw, waa in fariimaha xukuumadda ee ku waajahan beesha caalamku ay ka soo baxaan meel kaliya (Wasaaradda Khaarijiga) iyagoo urursan, kana turjumaan mawqif kaliya. Hadda wax aa soo gaadha diblomaasiyiinta caalamka fikrado kale duwan oo iskhilaafsan oo aan soo marin wasaradda khaarijiga, kana turjumayn Madaxwaynaha siyaasaddiisa, arrintaasi may dhici jirin barigii hore, waxaan ku talinayaa in la joojiyo.

Labo, in xoogga la saaro Kiiniya oo ah halka beesha caalamku ka ma'amusho Somaliland, xafiiskii Somalilandna dib loo soo celiyo. Safiirka cusub wuxuu bilaabay hindisayaal fiican oo u baahan in la taageero oo la dhiso.

Saddex, in Xisbul xaakimku door muuqda oo kaabaya xukuumadda ka qaato wada shaqayn ta beesha caalamka
 

 

Source: Geeska Afrika