WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2516/052014 xilkii
uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda
Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, isla markaana waxa uu
madaxweynuhu wasaaradda u magacaabay Wasiir Cusub.
Ujeedo: Xil-ka Qaadis
Ku: Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar,
Wasiirkii Hore ee W. Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah
Mudane,
Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay.
Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba
cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka
Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda
Somaliland.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso
xilka aad haysay Dr. Muuse Qaasim Cumar, oo aan xilkaa isaga ah u
magacaabay.
Magacaabid
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka
iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda
Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Dr. Muuse Qaasim Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado
Wasiirka Wa saaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. |