Dr Gaboose oo si wayn logu soo dhaweyay magalada columbus ee gobolka Ohio (USA

 


waxaa maanta oo ay taarikhdu ahayd 17/01/2009 magaaaladda columbus ohio ee carriga maraykanka xaflad heer sare ah loogu qabtay gudoomiyaha urur siyaasadeedka qaran Dr mohamed abdi gaboose iyo wefti uu hogaaminayo,oo beryahan ba safaro ku marayey waddankan maraykanka.

Safarkan dr gaboose ayaa la xidhiidha olole siyaasaddeed (campain) oo ah siddii la isugu xidhi lahaa taageerayaasha xisbiga kulmiye ee north america iyo taageerayaasha uruka qaran, iyo sidii dhaqaale ururin loogu samayn lahaa xisbiga kulmiye (fund raising).

Haddaba xafladan oo si heer qaran ah u dhacday ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan bulshaweynta reer somaliland ee ku dhaqan magaaladda columbus, ee gobolka ohio.

Haddaba ugu horayn waxaa xafladaas ka hadlay gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye north america ahna guddoomiyaha xisbaga kulmiye ee columbus ohio, mr Saxardiid Mohamed Shaacir oo u mahad celyey bulshaweyntii reer s/land, sida diiran ee ay uga soo qayb galeen xafladdan.

Muddo yar ka dib waxaa microphone ka lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha ururka qaran Dr mohamed cabdi gaboose, oo shacabkii ugu mahad naqay sida diiran ee ay usoo dhaweeyey. waxaanu dr gaboose ka waramay marxaladihii uu waddanku soo maray iyo xaladda uu imika ku sugan yahay, waxa uu ka waramay dhibaatoyinka wadanka ka taagan dhinac kasta, waxaa kale uu uu sheegay dr gaboose in uu maadaxweyne ina rayaale wadankii ka dhigay (monoply) oo wax kasta u xidhay cid gaar ah:-


1. shidaalkii waxaa loo xidhay shirkadda total o qudha,
2. adhigii waxaa loo xidhay nin carab ah
3. warshaddii sibidhka ilaa imika waa siddeeda ka dib markii uu dahir rayaale yidhi waxaan ku wareejiyey
shirkad jarmal ah, oo dhagaxntii weli halkii ayey taalaa.
4. waddankii dhalinyaraddii way ka yaacday oo waxay ku xidh xidhan yihiin xabsiyadda liibya iyo sudan.
5. goloyaashii qaranku uma shaqeeyaan si madax banaan.
waxaas oo dhibato ah waxa uu dr gaboose dusha ka saaray xukuumadda ina rayaale.

Waxaa kale uu dr gaboose ka waramay xadhigoodii, sababtii loo xidhay, wax kale oo uu ka waramay wax yaabaha ku kalifay in ay taageero siyaan xisbiga kulmiye (indoreses), dr gaboose waxa uu sheegay in uu xisbiga kulmiye yahay xisbiga keliya ee ogol in la furo xisbiyo.

"markii aanu aanu eegnay saddexda xisbi qaran ee doorashadda u tartamaya waxay nala noqotay xisbiga wadddanka badbaadadiisu ku jirto waa kulmiye,markaas hiil iyo hooba ha la isla garab taago xisbiga kulmiye iyo muj siilaanyo"sidaa waxa yidhi dr gaboose.


Gebogebaddii xafladda suaalo la waydiiyey dr gaboose ka dib waxaa halkaa shahaado sharaf ku kudoonsiiyey ururka dhalinyaro ah oo reer somaliland ah oo la dhaho (UBAD).waxaana shahaadada gudoonsiiyey gudoomiyaha ururka (UBAD) mr AHMED HASSAN.


Free journalist: abdisalam mohamed buraleh