Dr Gaboose oo dhaliilo u soo jeediyey hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye

 

 

Dr. Gabose, oo hadal u jeediyay taageerayaashiisa magaalada London ee dalka Ingiriiska......
 

London (TNN) - Hoggaamiyaha urur siyaasadeedka Umadda Dr. Maxamed Cabdi Gabose, ayaa Ma daxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku sifeeyay hoggaamiye saaran tareen khaldan, tareenka as oo uu sheegay inuu shacabkii oo dhamina la saaranyahay.

Dr. Gabose, oo hadal u jeediyay taageerayaashiisa magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu munaasibad soo dhawayn ah kala qayb galay, wuxuu sheegay in xisbiga KULMIYE weli isu arko inay mucaaradyihiin oo aanay la qabsan siyaasadda looga baahanyahay xisbi Muxaafid ah oo haya talada dalka. “Haddaan ka soo baxay oo aan dhaliilo nacayb igama aha ee waa iaga jacayl. Weli waxaan u arkaa inuu fursad leeyahay oo uu is daba qabto.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Gabo se, oo la hadlaya Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu isagoo ka hadlaya hoggaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu yidhi

“Haddaan madaxtooyada ka soo dhex baxay jidkii rajadeena maaha, jidkii wanaageena maaha, jidkii wax lagu gaadhi lahaa maaha, tareen khaldan ayuu saaranyahay oo shacabkii Somaliland ay wada saaranyihiin oo meel uu ku dhammaan aan la garanayn.”


Maxamed Cabdi Yuusuf (Gabose), wuxuu nasiib darro ku tilmaamay xisbiga KULMIYE oo uu sheeg ay inuu weli hayo kaalintii mucaaradnimo, “Nasiib darada taalaa waxa weeye marka uu KULMIYE dalkii qabtay intay mucaaradnimada halkaas iska dhigaan oo ay dib u eegaan wixii Rayaale lagu samayn jiray oo ay dib u bartaan inay muxaafad yihiin ee aanay hayn kaalintii mucaaradka. Weli habkaas muxaafadnimada ayaanay baran oo weli mucaaradnimadii iyo haraatidii iyo feedhkii ayay hayaan.”


Gabose, wuxuu sheegay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo cid kasta oo dhaliisha siyaasa deeda u aragto cadowgooda koowaad, “Markaas haddii uu siyaasi yahay iyo haddii uu weriye yahay qofka afka fuiraba waa cadowgayada ayay odhanayaan.” Ayuu yidhi Gabose.


Wuxuu kaloo sheegay inuu door muhiim ah ka soo qaatay ololihi doorashada ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku noqday Madaxweynaha Somaliland, waxaanu sheegay in sababta uu Madaxweynaha u taageeray ahayd sidii uu isbedel dhab ahi dalka uga hirgeli lahaa, balse wu xuu carrabaabay inaanu isbedelkaasi dalka ka hirgelin.



Source: Geeska Afrika