Dr Axmed Xuseen Ciise oo Lagu Wado In Uu Dhawaan Ku Biiro Xisbiga UDUB

 

Warar mihiim ah oo aanu ka kala helnay ilo kala gadisan ayaa noo xaqiijiyay in Dr Axmed Xuseen Ciise oo ahaan jiray xooghayihii hore ee arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye, hadana ka tirsan isla xisbigaasi uu ku biiraayo xisbiga talada dalka haya ee UDUB, taasi oo uu iskaga baxaayo xisbiga Kulmiye oo uu ka mid ahaa ragii dhidibada u soo taagay, kadib markii uu khilaaf xoogani uu soo kala dhex galay isga iyo madaxda sar sare ee xisbigaasi siiba xiligii shirkii xisbigaasi uu ku qabsanaayay magaalada Haragaysa.

Hadaba ilahaasi may xaqiijin goorta rasmiga ah ee uu Dr Axmed uu gali doono xisbiga UDUB, laakiin waxa ay ilahaasi sheegayaan in uu ku biiri doono mudo gaaban oo aan sidaasi u sii dheerayn, sidoo kale waxa ay wararkaasi sheegayaan in Dr Axmed Xuseen Ciise uu aad u danaynaayo in uu ka qayb qaato shirweynaha xisbiga UDUB, oo dhawaan ka furmi doona magaalda Hargaysa ee caasmiada.

Arintani oo aanu isku daynay in aanu Dr Axmed Xuseen Ciise wax ka waydiino ayaan noo suurto galin kadib markii aanu ku waynay khadka telefoonka oo aanu dhowr jeer isku daynay.

Sida ay doontaba ha ahaatee Dr Axmed Xuseen Ciise ma aha ninkii ugu horeeyay ee siyaasi culus ah (heavyweight politician)- ee ka baxa xisbiga Kulmiye isla markaasna ku biira xibiga UDUB, taasi oo ay hore xisbigaasi Kulmiye ay isaga baxeen Cabdi Haybe, oo ka mid ahaa ragii aas aasay xisbiga Kulmiye oo laga dhigay wasiirka caafimaadka iyo Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii labaad ee hore ee xisbigaasi, oo isna loo magcaabay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska, waxa sidoo kale isna xibigaasi ka huleelay gudoomiyihii hore ee xisbiga KULMIYE/UK oo isna loo magacaabay Safiirka Wareega, iyo sidoo kale gudoomiyayaashii gobolka Hargaysa ee Kulmiye Iyo UCID oo iyana ku biiray xisbiga UDUB. Sidoo kale waxa iyana xisbiga UCID ku biiray oo xisbiga Kulmiye ka dhaqaajiyay siyaasiyiinta waa weyn ee Abdiraxmaan Aw Cali oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii hore iyo Ibrahim Dhegaweyne iyo xubno dhowr ah oo ay wataan kuna biiray xisbiga UCID, xaga iyaguna wasiirkii hore ee deegaanka iyo wasiir ku xigeenkii hawlaha guud ee horana ay ku biireen xisbiga Kulmiye iyaga oo ka soo baxay xaga xisbiga UDUB.

Isku soo wada duuboo hadii arinta Axmed Xuseen Ciise ay dhab noqoto waxa ay dhabar jab ku noqon doontaa xisbiga Kulmiye, taasi oo ay wararku sheegayaan in Dr Axmed Xuseen Ciise uu UDUB ula gali doono xubno tiro badan oo ka tirsan xibiga Kulmiye,oo isga la siyaasad ah oo ay wada socdaan.

 

 

 


Source:Qarannews