Dr Mohamed Abdilahi Omar Oo Booqasho Gaaban Ugu Kicitimay Somaliland

 

Xohayihii arimaha dibada ugu magacaaban Xisbiga ugu weyn mucaaridka Dr Mohamed Abdilahi Omar, ayaa galaba ka am babaxay magaalada London, isaga oo booqasho gaaban ku tagay Somaliland. Dr Mohamed oo intii aanu ka anba bixin dalka u waramay shabakada Somaliland.Org, ayaa u sheegay in socdaalkiisu uu ku tagi doono dalka Somaliland noqon doonto mid dhinacyo badan isugu jiri doona. Isla markaana iminka u socdo dano shakhi ahaaneed oo isaga u gaar aha, balse inta uu halkaa joogana uu uga warami doono shacabka Somaliland socdaaladiisii uu ku maray dibadaha iyo wax yaabihii uu kala kulmay.

Dr Mohamed Omara aya booqashadiisani noqon doontaa tii ugu horeeysay, ee uu ku tago dalka Somaliland tan iyo intii loo magacaabay jagada Xoghayaha Arimha Dibada ee Xisbiga KULMIYE.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa bishii November horaanteedii ka qaybgalay shirwayne caalami ah oo ay xisbiyada dimuqraadiga ah ee qaaradda Yurub ku yeesheen magaalada Stockholm ee dalka Sweden, wakhtigaas oo ay u suuragashay inuu qaddiyada Somaliland gaadhsiiyo 22 dal oo ka soo qaybgalay shirwayaha, si gooni ahna wuxuu ula kalmay qaar ka mid aha hogaamiyayaashii Yurub ee shirka ka soo qaybgalay.

Shirkaa oo ay ku weheliyeen Dr Mohamed Prof. Xuseen Xasan Guled oo ka tirsan Golaha Dhexe ee KULMIYE, ayaa arrimaha shirka lagaga hadalay waxaa ka mid ahaa sii loo yarayn lahaa khatarta ka iman karta iska horimaadyada siyaasiga ah ee adduunka, arrimo la xidhiidha ganacsiga iyo dib u dhac hadda ku yimid bangiyada iyo sayladaha dhaqaalaha adduunka, horumarinta xoriyadda dadka iyo ilaalinta deegaanka. Waxaa kaloo lagawada hadlay fidinta dimuqraadiyadda iyo wax ka qabashada colaadaha ka aloosan gobollo ka mid ah adduunka.

Sidoo kale bishii Auguts 31 keedii ayuu Dr Mohamed Abdilahi ku tagay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya shirwayne lagaga hadlayo sidii nabad loogu dhammayn lahaa colaadaha ka dhex aloosan wadamada ku yaalla geeska Afrika.

Dabayaaqadii bishii May 21 keedii uu tagay Shirwayne caalami ah oo lagu gorfaynayay dhibaatooyinka siyaasadeed ee adduunka hadda ka taagan oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Belfast ee woqooyiga Ireland, kana qaybqaateen wufuud ka socotay 28 dal. Hadal uu ka jeediyay shirwaynaha Dr.Maxamed Cabdillahi Cumar wuxuu si balaadhan uga warbixiyay arrimaha siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo qalalaasaha ka aloosan mandaqadda. Wuxuuna si gaar ah u taabtay xaaladda Soomaliland ee hadda iyo baahida loo qabo in la helo gargaar caalami ah o wax ka tari kara kobcinta dimoqradiayda, nolashad dadka iyo xal u helidda arinta aqoonsiga. Waxaa kaloo uu shirwaynaha uga waramay halganka dheer ee qaran-dhiska ah ee shacabka Soomaliland soo maray ilaa 18 May 1991, iyo siday uga go’an tahay inay ku biiraan bulshada caalamka xorta ah.

Intuu uu shirwaynuhu socdayna, waxaa u suuragashay mudane Maxamed Cabdillahi inuu si gooni gooni ah ula kulmo qaar ka mid ah madaxdii ka soo qaybgashay shirwaynahaa, isaga oo kala hadlay maslaxadda iyo danaha shacabka Soomaliland. Waxaana ka mid aha masuuliyiintii uu la kulmay madaxwaynaha dalka Senegal mudane Abullaye Wade, hogaamiyaha mucaaradka ee Simbabwe, Morgan Tsvangarai, oo la filayo inuu ku guulaysan doono talada dalkaasi bisha soo socota, iyo Marwo Rosie Odinga oo ka socotay Xisbiga Raila Odinga oo ah Ra’iisal- wasaaraha cusub ee Kiiniya.

Dr Maxamed Abdilahi waxa lagu wadaa in bari oo Khamiisa ka dagi doono caasimada dalka Somaliland Hargeisa. Waxaana la filayaa in uu halkaa ku sugnaan doono mudo laba todobaad ah.

Somaliland.Org
 


Cecilia-Malmstrom Swdish Minster For European
ffairs and Dr Mohamed Abdilahi
 

Dr. Mohamed A. Omar and the President
of Senegal, Abdullaye Wade

Morgan Tsvangarai (MDC) and
Dr Mohamed Abdilahi Omar