Xoghayaha Arrimaha Dibada Ee Xisbiga KULMIYE Oo Maanta Ka Soo Degay Madaarka Hargeysa

 

Xogahaya Arrimaha Dibada ee Xisbiga KULMIYE Dr, Maxamed C/laahi Cumar ayaa saaka ka soo degay madaarka caasimada Hargeysa ka dib markii uu mudo dhawr bilood ah socdaalo shaqo ah ugu maqnaan wado ku yaala qaaradaha Yurub iyo Afrika.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Dr, Maxamed C/laahi Cumar waxa madaarka ku soo dhoweeyey masuuliyiin sarsare oo ka tirsan golayaasha qaranka iyo madaxda xisbiga KULMIYE sida gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Mudane C/casiis Maxamed Samaale,gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Muj Muuse Biixi Cabdi,Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Keyse Xasan,madax kale iyo dadweyne aad u tiro badan.

Dr, Maxamed oo shabakada wararka ee Somaliland.Org wax ka weydiisay ujeedada socdaalka uu ku yimi dalka wuxuu ugu horen sheegay inuu marka hore u mahadnaqayo dhamaan masuuliyiintii,madaxdii iyo dadweynihii ku soo dhoweeyay madaarka caasimada Hargeysa isagoo ujeedada socdaalkiisa ka waramayana wuxuu yidhi “Waxa weeye u kuurgelida hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ee ka socota gobolada dalka iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa hawlaha doorashooyinka soo socda.”

Dr. Maxamed C/laahi wuxuu sheegay in socdaalkan uu dalka ku yimi marka laga yimaado u kuurgelida diiwaan-gelinta iyo u diyaar garowga doorashooyinka uu damacsan yahay inuu uga waramo xisbiga halka ay marayso arinta qadiyada Somaliland “waxaan doonayaa inaan uga warbixiyo isla markaana uga waramo xisbiga halka ay marayso qadiyada Somaliland iyo xidhiidhka Somaliland ay la leedahay beesha caalamka”Ayuu yidhi xoghayaha Arrimaha dibada ee xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org

 

 


Somaliland.Org