Dr  Gaboose Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

 

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Qaran Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu beryahan socdaal ugu maqnaa wadanka maraykanka.

Dr Gaboose oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa waxa halkaa ku soo dhoweeyay masuuliyiin kala duwan oo ay horkacayeen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Siilaanyo,Xildhibaano,Hogaanka ururka Qaran,iyo Dadweyne kale.

Dr Gaboose oo saxaafada kula hadlay qolka nasashada ee Garoonka wuxuu sheegay in mudadii uu ku sugnaa dalka maraykanka uu halkaa kulamo kula yeeshay taageerayaasha ururka qaran iyo kulmiye isagoo uga waramay heshiiskii ay isla gaadheen xisbiga kulmiye iyo marxaladaha wadanku marayo.

Dr Gaboose wuxuu sheegay inuu la kulmay masuulyiin ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibeda ee Maraykanka kuwaas oo uu yidhi waxan ugu tegay inaan uga mahad celiyo taageeradii ay noo fidiyeen xiligii lana xidhay iyo fursadii ay Jenday Ferzer nagula kulantay ayuu yidhi Dr Gaboose.

Dr Gaboose ayaa si adag u difaacay mawqifka ay kula midoobeen xisbiga kulmiye mar su’aal laga weydiiyey in uu olole dhaqaale ururin ah kulmiye uga wadey maraykanka wuxuna ku nuux nuuxsaday inay taageero buuxda la garab istaagayaan xisbiga kulmiye sidii uu guul uga soo hoyn lahaa doorashada madaxtooyada.


Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdil Qaadir oo isaguna isla maanta dalka ku soo noqday ayaa sheegay in socdaalkii ay ku tageen dalka Kenya uu ahaa mid midho dhal ah oo faa’iido weyn ay uga soo hoyatay Somaliland iyo Xisbiga Kulmiyeba,Wuxuna sheegay in booqashadaa tafaasiisheda uu hore uga waramay Gudoomiyaha Xisbiga oo isaga ka soo horeeyay.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Maxa’ud[Siilanyo] oo saxaafadu wax ka weydiisey mowqifkooda ku aadan kalsoonida ay ku qabaan xubnaha komishanka doorashooyinka ayaa sheegay in xisbigoodu kalsooni buuxda ku qabo xil gudashada xubnaha komishanka isla markaana aanay marnaba wax shaki ah ka muujin dhex-dhexaadnimadooda.
 

 



Faysal Cabdilaahi.
Hormoodnews