Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in dib loo dhigay shir loogu qaban lahaa Dalka Kenya

 


Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedeaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu dib u dhac ku yimid shir Madaxda iyo Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya loogu qaban lahaa Dalka Kenya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Jaamac Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in shirkaas dib loo dhigay ilaa 26-ka bishan.

“Shirkaas waxay ahayd in todobaadka ugu horeeya ee bishan uu Kenya ka dhaco, laakin waxaa dib loo dhigay ilaa 26-ka bishan”ayuu yiri Maxamed Jaamac Cali oo intaas ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan macluumaad badan ka heynin shirkaas.

Agaasimaha waxaa uu sheegay in aysan ilaa iyo hataan fahamsaneyn sababta Madaxda Dowladda iyo dhamaan xubnaha Baarlamaanka loo geynayo Kenya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay sababtaas soo bixi doonto wixii ka horeeya 26-ka bishan.

Shalay ayay ahayd markii uu isna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe uu sheegay in aan weli la soo gaarsiinin qorshaha shirkaas laga leeyahay, isagoo weliba caddeeyay in aysan dhici karin in dowlad dhan oo jirta loo raro dal kale.

“Arrin dhici karta ma ahan in Dowlad dhan oo jirta loo raro dal kale, isla markaana looga hadlo aayaha dowladdaas”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka sii hadlay warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in shirka dowladda Federaalka loogu qabanayo Kenya uu yahay mid lagu bedelayo Dowladda, “Haddii wax la bedelayo annaga ayaa is-bedeli karna oo leh heykal dowladeed, waayo aniga Guddoomiyenimada waxaa ii doortay Baarlamaanka, Madaxweynaha sidoo kalena, Ra’iisal Wasaarahana Madaxweynaha ayaa doortay, Baarlamaanka ayaana ansixiyay”ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay wariyayaal kul hadlayay Magaalada Baydhabo.

Shirka Dalka Kenya loogu qabanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dabayaaqadii bishii hore New York iskula gartay Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD, kuwaasi oo war murtiyeed ay wada jir u soo saareen ku sheegay in shirka loo qabanayo Madaxda iyo Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay mid looga hadlayo arrimaha Ammaanka iyo Siyaasadda Soomaaliya.

Dhanka kalena, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Jaamac Cali waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu dhawaan shaaciyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka Ambassador Maxamed Maxamuud Xandulle, kaasi oo ahaa in Dowladda Federaalka ay aqoonsatay gooni-isu-taagga Gobollo ka go’ay Dalka Georgia oo kala ah Osetia iyo Abkhazia.

“Warkaas ma ahan mid ay la socoto Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka rabnaa Safiirka Soomaaliya ee Ruushka Ambassador Maxamed Maxamuud Xandulle in uu war cad ka soo saaro”ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Jaamac Cali.
 

 

 



Source:Hiiraan